Cimraan wuxuu ku yiri Adna Markaad dooraneyso Qofkii ku haboonaa naftaada waa marka keliya lagaa rabo in aad ka firsato, laakiin aniga Aragtidii ugu horeysay ayaan adiga ku aaminayba, Waxay tiri Cimran ballan iga qaad Intaad noshahay inaad i Cidlayn doonin ama aad i Qiyaani doonin.
Wuxuu yiri taasi maaha mid dhici doonta, waana ballan aan kaa qaaday waxaasna haku Fikirin mar dambe Aniga Hal qalbi ayaan leeyahay kaana adaa hantiyay Awood uma lihi inaan ku qiyaano ama ku Cidleeyo.
Lamaanahan iyagu nolol tii lagu taami jiray ayay ku jiraan, wey is jecel yihiin wayna isku faraxsan yihiin, laakiin Warda Caawa waa sidee Xaaladeedu ?.
Warda meel ayay fadhidaa sidii qof tacsi u taalo Oohin way ka dhamaatay oo xal kale na heyso, waxayna arkaysa inay dib u Farxi doonin, lkn waxay weli aaminsan tahay inay Cimran helayso Nafteda ballan ayay u qaaday Inay mar un cimran gacanta ku dhigi doonto, oo aanay si fudud uga hari doonin, laakiin si maskax leh ay u hanan doonto, rajana ay ka qabto inuu Nolol la wadaagi doono.
Maanta waa maalin Khamiis ah, laakiin wey ka duwan tahay Khamiisihii Hore oo waa maalinta Nolosha ku Midoobi doonaan Cimran iyo Adna, waa Subax quruxoon, guriga Adna waxa aad ka arkaysaa Farxada tala Dadka Dhamaantood Farxada ka muuqata, Adna gacanteeda waxey ugu labistay Aabahed oo u socda goobta Meherka Wiilashii la dhashay iyo Aabahed, markay diyaarisay ayaa hooyaded ku tiri Adi is diyaari waxaa inoo imaanaya Dad marti ah soco qolkaaga tag.
Markey qolkeeda timid ayaa waxay aragtay mobeilkeeda oo dhacaya mise waa Cimran, wuxu dhahay Kaalay iga tijaabi Lebiska Vedio Callka ayay ku hadlayaan, Markaas ayay u sheegtay dharku ku soo baxayo Qayb ayay ka noqotay lebiskiisa, Markaa ayuu dhahay Oky waan baxaya ee waa inoo hadhow, Warda guriga ayay joogtaa Macmacankii ayay diyarineysa iyadoo wajigeda wax murug ah looga jeedin, Mar walbana farxad uu ka muuqdo, Maamulka ayay xageeda ka heysaa, Guriga hagajintiisa way ilaalineysa.
Xiligu waa 10:00 subaxnimo, goobtii Meherku waa la buux dhaafiyay, Labadii dhinacba Gacalkii way isku yimaaden, Si Sharaf iyo Wanaag leh ayaa loo kala guddoomay, Aabihi Gabadha dhalay wuu bixiyay inantiisii Meherkiina wuu dhacay.
Adna walaalked ayaa Xafada soo wacay, una sheegay si qurux badan inuu Meherkii ku dhamaday, Mashxarad ayaa laysla helay iyo Sacab Farxadu way is gartay.
Warda Maqaalka soo gaaray inkastoy ka helin kuna farxin, hadana farxada beenta way wadaa, Warda si gooni ah ayay ugu Hambalyeysay saaxiibted, Warda waxay Saaxibteed Adna ugu Hambalyaysay si aad u wanaagsan, oo looga fisho Qofka kuu dhaw Qayb iyo Door muhiima ayay ka qaadatay, waxay noqotay galab guriga aad loo habeeyay Macmacankii iyo Cabitaankii la diyaariyay, Waxa gurigii iskugu yimid jaarkii iyo Ehelkii asxaabtii si fiican loo soo dhaweeyay, Warda ilaa saaka shaqo ayay heysa imikana martida ayay Qancinaysaa, oo soo dhawaynta ayay qayb weyn ka tahay.
Adna iyo Warda Koofeerka ayay isku raacen, wayna baxeen, Adna habeenkaas Xaflad iney dhigato ayay rabtaa Hawsheedii ayaa loo bilaabay, intay Koofeerka joogtay ayaa waxaa soo wacay Cimran, Adna iyo Wardana wey is ag fadhiyan, wayna maqlaysaa, ka dib wuxuu ku dhahay Xaaskaygii Maanta guusha garnnay waa mid aad u qurux badan oo muddo sugaayay.
Adna ayaa tiri Mudanaheygii Maanta maalin ay iga farxad badan tahay imay soo marin, hamigaan rabay waan helay, Warda Hadaladan waran ayay ku yihiin Xanuun ayay dareemaysaa, oo Qalbigedu ma Xamili karo waxaan, hadana waa Qasab inay Xamisho, oo laga dareemin. Ka dib Adna ayaa Cimran ku tiri xabiibi Iminka waan yara mashquulsanahay waa inoo hadhow, Adna Walaalaheed ayaa diyaariyay goobtii xafladda.
Markii Adna hawshii u soo dhamaatay, oo diyaar laga soo dhigay Iyada iyo Warda oo labadood Masha Allah laga dhigay ayaa gaari u diyaarsan soo raaceen goobtii Xaflada, oo la sii shiday ayay imaaden, waxay ugu dhacday xafladu si aad u Caajib ah, aadna waa lagu dabal dagay lamaanaha. Warda mar walba waa garabka Adna Sawiro ayaa la galay, Music ayaa la shitay Cake ayaa la jaray, waa la baashaalay.
Xilli dambe oo habenimo markay noqotay ayaa lagu kala tagay goobtii si Farxad ku jirto ayaa lagu soo dhamaystay, Xafladii qof walba gurigiisa ayuu qabtay Famligi Adna guriga ayay yimadeen, Warda way la socotaa, markii la yimid ayaa Adna tiri Waa xilli dambe ee Caawa halkan ayaad seexanaysaa, Warda ayaa tiri Haye saaxiib qolka Adna ayay wada seexden, Ka dib Qof walba toos ayuu u seexday oo waa la soo daalay.
Subaxnimo markay noqotay ayaa Qof walba isago jirku daalay soo kacay Ilen xalay oo dhan la Boodboodaye, hh
Inantii Aroosada ahayd Quraac Khas ah loo kariyay, markaas ayay tiri: Hooyo maanta sidii Wasiirka baa lay Cuntaysiyay, Ka dib Warda ayay ku tiri Waad ilaa cuneysaa cuntadan, markas ayay Warda tiri Saaxiib aday khas kuu tahay ee cun. Adna ayaa tiri May hadaad ila cunayn anna Afkayga saari maayo.
Warda tiri Hadey sidaa tahay waan kula cunaya Amarkaga jira Waa la Quraacday, ka dib Adna iyo hooyaded iyo Warda oo Qolka fadhiga jooga ayay tiri hooyada Adna Warda waa inan aad u fiican shalay siday Maamulka u waday ayaan ka helay, Qayb weyn ayayna ka qaadatay hawshi dhacday, markaas ayay Warda tiri Hooyo Intaas iyo ka badan ayad iga mudan tihiin, Adna saxiibtay maaha ee waa Walaalshey, markaas ayay Adna tiri Wlhi qof aan ka jeclahay ma jiro Warda walaal iyo wehelba wey ii tahay, waana garabkeyga.
( La soco Qeybta Xigta).














