Cimran oo durba Wejigiisa is beddelay ayaa ku Warda ku yiri:- Oo kaalay Warda haddii aad leedahay Hooyadaa iyo Aniga meel kuma wada noolaan karno maxaa rabtaa inaad Hooyadeey dartaada uga soo go’o oo aan Caasi waalid noqdo, taas ma dhici kartee ee Xal kale keen.

Warda ayaa tiri: Anigu kuma lihi Caasi waalid noqo, ee waxaan rabaa inaan kala badbaadno Aniga iyo iyada.

Cimran baa yiri: Walle waxaa tahay Cajiib, oo Waalidkeyga uma dulqaadan kartid miyaa, Anigana waad rabtaa inaan Waalidkaaga Madaxa saarto. War hooy i maqal bal soo eeg Adna sida ay Hooyadeey u Sharfeyso, hooyadeey waxey gaartay iney Aniga igu tiraahdo Adiga iyo Adna, Adiga Cimraan ah ayaa guriga ka baxaay, Adna waa gabadheyda, guriga iyadaa leh. Intaas maxey ku heshay ixtiraamka iyo Sharafta ay Hooyadeey ka kasbatay, haddana waa taas ilaaheey Wax siiyay oo Uur ayey leedahay, awalna Adiga ayaa igu diray oo dulmi ayaan ku maagay, maantana waa tan Adiga i leh Hooyadaa iiga soo go’. Bal Hooyadeey hadaan kaaga soo go’i karin maxaan sameynaa.

Warda oo is jilcineysa ayaa ku Cimran ku tiri: War Xabiibi aniga kuma lihi Hooyadaa ka soo go’, ee waxaan rabaa oo keliya inaad Aniga i geysatid Guri aan aheyn Gurigaas, waayo waa dareemi kartaa gurigaas Hooyo ka sokow, Saaxibtey Adna xataa inaan ku ceebeysanahay, sidee Adna horteeda u aadaa ?. Wlhi haddaan ogaan lahaa tan iney dhaceyso kuuma soo dhawaadeen.

Cimran ayaa ugu dambeyn Warda ku yiri:- Hadda Hooyo waxey leedahay Warda ama Adna mid dooro, waayo qofta Adna Maskiin ah oo reerkeeda dhaqaneyso qofta ka xishoon weysay oo saas u gashay, agteyda ma keeni kartid, Anigana ma awoodo inaan Hooyadeey ku soo Ag fogaado, maxaan sameeyaa marka ?

Warda oo Indhaha guduuten Ciil iyo Xanaaq dartiisa ayaa Cimraan ku tiri:- War Aniga una baahni dood iyo muran, haddaad aad Awoodin inaad Hooyadaa ka soo Agfogaatid Aniga iska key Fur, awalba anaa gardarnaa oo Wax aan la aqoonin guursaday.

Cimran ayaa yiri: Ma anaa ley Aqoonin ?, hadaad sidan tahay oo aad leedahay i Fur, Culeys iguma haay furidaada haddaba waad iga furan tahay meeshaa doontid aad.

War bax Awalba anaa Dad kaa dhigay. (ayey tiri Warda).

Cimran intuu Bye bye ku yiri ayuu horey uga soo dhaqaaqay.

Cimran siduu u soo socday Guriga ayuu yimid oo Hooyo ayuu Salaamay, ka dib qolka oo Adna ku jirto ayuu yimid, si wacan ayuu u Salaamay, Adna waxey is leedahay Caawa maxaa is beddelay Cimran oo ku Salaamay Wax un baa jiro.

Iyagoo sidaas Arrintu tahay ayaa la soo dhigay Cashadii Qolkii fadhiga ayaa leysugu yimid, Asma ayaa keentay Raashinkii oo diyaar ah, waa la wada fariistay, Cashadii ayaa la cunay, ka dib in yar ayaa la nastay, iyadoo weli meeshii laga kicin ayuu Cimran wuxuu Hooyadiis ku yiri:-

Hooyo Hambalyo, Warda waan soo furay Caawa, waan kala baxnay.

Maamada oo aad u faraxday ayaa ku tiri Cimran:- Maasha Allaah Hambalyo Hooyo aad ayaa ugu faraxsanahay inuu taas ilaaheey Sharteeda kaa qabtay, Naag ka xishoon weysay Sxb-teed oo Ninka iney la guursato damacday.

Adna oo meesha fadhisay, isla markaasna maqleysay hadalka uu Cimran hooyada u sheegaayay, iyadoon wax hadal ah ku darsan ayey iyadoo qalbiga ka faraxsan, intey istaagtay ayey gashay qolkeeda.

Kolkaas ayey Maamada ku tiri, si fiican ayaad sameysay waana sidaan rabay, waxaa kaloo jirta inaan Walaalkaa Caadil aan u rabo gabadhan yar ee Asma, waayo waxaan arkay Hawlkar nimadeeda iyo Aqlaaqdeeda, Reerkooda waa Reer aad u wanaagsan oo aan la heli karin, sidaasi darteed Asma waxaan la jeclaaday Wiilkeyga Caadil, Insha Allaah waxaan uga doonaa Reerkeeda.

Cimran ayaa yiri: Waa fikir fiican Hooyo, Aniga waan garan la’ahay waxa qalbiga iga qaaday markaan Warda damac iga galaayay, weliba Anigoo Xaaskeyga Adna iga xanuunsan, ilaa hadda taas waxaan u arkaa riyo iney aheyd.

Maamada ayaa soo booday oo ku tiri: Wax ma ogid adiga Adduunkii hadda wuu iska halaabay, Sixir ayey wada barteen Dumarka qaarkood, waayo tan aniga maalintii ugu horeysay aan arkaayay wejigeeda ilama fiicneyn, oo Shaki iyo Waswaas ayaa iga galay, iney Shar tahay isla maalintaas ayaan dareemay.

Alxamdulilaah mar haddaan kala baxnay, waana ogahay inaan Adna Qalad ka galay.

Maamada ayaa tiri Adna waa Xaaskaaga, qaladkaas aad ka gashay waa inaad ka raali gelisaa, xaq ayey u leedahay.

Cimran baa yiri Waa inaan Raali gelin bixiyo, Cafisna aan weydiisto, waayo hadda ayaan dib ka ogaaday wixii aan u geystay.

Cimran intuu istaagay ayuu qolka ugu galay Adna, oo ka raali geliyay Qaladkii uu ka galay, isla markaasna Cafis ayuu weydiistay, weyna ka Aqbashay.

Maalintaas wixii ka dambeeyay Maamada waxey bilowday Arrintii Doonashada ee Asma ay u dooni laheyd Wiilkeeda Caadil, waxeyna u sheegtay ilmaha Aabahooda oo Qurbaha ko noolaa, waxeyna la socodsiisay Arinta oo dhan wuuna aqbalay oo Walaalkiisa ayuu soo wakiishay inuu Wiilkiisa gabadha u doono.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted