Cimran Guriga laba habeen kuma soo hoyan, Maanta 10ka Barqonimo ayuu yimid markuu Albaabka uu ka soo galay wuxuu si toos ah u abaaray Qolkiisa, wuxuuna galay Adna iyadoo ku jirto, xataa isagoon Salaamin ayuu siduu u socday Sariirta isku tuuray, hurdo aan jirin ayuu Camirtay, ilaa 2:00dii duhurnimo ayuu jiifay, ka dib Asma yareey ayaa Qadadii soo diyaarisay oo qolkii fadhiga ayaa leysugu wada yimid, Cimran xoogaa qolka ayuu ku soo daahay, isagoo ka baqaayo Hooyadiis iney ku qeyliso, weyna dhacday oo in yar markuu ku jiray qolka waxaa u wacdat Adna oo Maamada la fadhisay oo tiri: Xabiibi soo bax Qadada waa diyaar.

Maamada ayaa hadalkaasi maqashay oo Adna ku tiri: Ma kii baa yimid maanta ?, Adigana Beer jileecnidaada waxad weli ledahay Xabiibi.

Kolkaas ayaa Maamada Cod dheer ayaa waxey ku tiri: War hooy iga soo bax guriga maxaa ku keenay Guriga ?, orod u aad Dhoocishii aad beryahaan ku maqneyd.

Intaa ka dib Cimran si degen ayuu u soo baxay oo Miiska qadada ayuu soo fariistay, Maamada ayaa ku tiri Maxaa soo doonatay maanta mise dhoocishii ayaa ku soo burisay ?, Aniga warkeyga maqal ilaa aad dhoocishaas soo furto ood gabadheyda Adna aad uga soo hoyatid Qaladkii aad ka gashay Heshiin meyno Aniga iyo Adiga, waayo Gabadhan Xaqeeda ayaa ku haayo, Adna waxaad laheyd Uur ma qabtid, Aniga Uur ayan rabaa sidee uu ilaahey Khayrka kuu siinayaa, Xaaskaaga oo ku jecel adigoo dulmaayo ?. Alx maanta waa tan gabadheyda ilaah Wax wuu kaa siiyay oo Xaamilo ayey kuu tahay, marka maxa ku daba dhigay dhoocishaas ma Xishootada ah?.

Cimran ayaa hooyadiis ugu jawaabay Hooyo Qalbiga lheer u sheeg wax kasta Anaa Xalinaayo.

Maamada ayaa tiri Aniga Xalkeygu waa Qoftaas oo aad furtid, ogow Aniga iyo iyada ma dhaceyso inaan meel wada joogno.

Waa yahay ayuu yiri, waxa uuna u raaciyay Hooyo aan Qadeyno marka, Qadadii wey naga qabowday.

Sidii ayaa dhammaan Reerka loo wada qadeeyay, ka dibna loo wada sheekeystay, inaas ka dib Cimran qolkiisa ayuu galay xoogaa wuu Seexday oo Qalbiga ayuu la showray, ka dib wuxuu Ogaaday iney hooyadiisu ay la jeceshahay Wanaagga, wuxuu kaloo arkay Adna ineysa weligeed ku oran hadal khalad ah, mar kastana u muujiso jaceylka ay u qabto, Maskaxdiisa waxaamar kasta ku soo maaxanaayay hadaladii foosha xumaa oo ay Warda daraad markuu la hadlaayay ay ku laheyd Hooyadiisa, Cimran waxaa maskaxdiisa ku furmay Buug cusub oo dhammaan Qaladaadkiisa ayuu Ogaaday iyo inuu Adna ka galay Dembi fara badan, wuxuuna go’aansaday inuu ka raali geliyo Adna.

5:00 galabnimo ayuu Cimran u wacay Xaaskiisa Warda, oo uu ku yiri Caawa 7:00da aan isugu imaano Hotelka, Waa yahay ayey ku tiri.

Asma kolkey so dhameesay Howlihii jikada, ayaa waxey nasasho u soo gashay qolka Maamada oo ay labadooda wada seexdaan, in yar ka dib ayaa Maamadii waxey ku tiri Asma:- Hooyo Adiga gabar fiican ayaa tahay sida Adna oo kale, ilaahey haku Xafido waxaan rabaa inaan kugu darsado Wiilkeyga Caadil, Caadil waa Maskiin oo edeb leh, Hooyo iyo Aabe Anaa u aadaayo oo kaa soo doonanaayo, hadduu ilaah ka raali noqdo.

Asma waa Maskiin mana hadal badna, intey qososhay ayey iska Aamustay, markey in yar qolka ku jireen ayey Maamada huruday, ka dib Asma waxey timid qolkii walaashed Adna, oo Cimran markaas magaalada aaday, Asma intey dhinac seexatay Adna ayaa wada sheekeysi dhex maray:-

Adna: Haye Asma waran hee inta iyo gurigena intee fiican

Asma: Isku mid waaye.

Adna: Hawsha makugu badan tahay makuu imaadaa mise waa Caadi.

Asma: Waa Caadi hawsha ma badna.

Adna: Haye ka waran Cimran hooyadiis, see waaye ?

Asma: Wey fiican tahay, lkn maanta maxey i tiri makuu sheegaa ?

Adna:- Haa bal ii sheeg maxey ku tiri ?

Asma: Waxey Asma hooyo Adiga gabar fiican baa tahay sidii Walaashaada Adna, waxaan rabaa inaan kugu darsado Wiilkeyga Caadil.

Adna ayaa tiri: Haye adigana maxaa tiri ?

Asma: Waxba ma dhihin waa ka xishooday waan iska aamusay, xataa waxey i tiri Aabe iyo Hoyo anaa kaa soo doonanaa.

Adna: Haye Adigana maxaa sameeneysa, ma ogolaanee mise waa diideysaa ?.

Asma: Hadii Aabe iyo hooyo i siiyaan Warkood maa diidi karaa?. Waa Maya.

Adna:- Maamada wey fiican tahay, Maasha Allaah, Insha Allaah wax kasto ilaah ayaa hagaajinaayo, khayfka ilaah hana Waafajiyo.

Saacaddu waa 7:00 fiidnimo, waa Xilligii balanta Warda iyo Cimran, labada dhinacba waxaa la wada yimid goobtii balanta, Cimran wuxuu dalbay Cabitaankii, markii la keenay ka dib, ayaa waxaa la bilaabay Mowduucii Caawa leysugu yimid, waxaana hadalkii qaatay oo bilaabay Cimran, wuxuuna yiri:-

Warda Xabiibti waad aragtaa sidaan Dan nooma ahan, waxaan nahay Laba Ruux is qabta haddana aan meel ku wada nooleyn, run ahaantii waxaan dareemayaa culeys aad u weyn, bal ra’yigaada Adigana keen aan is wada kaashano, qof walba wixii fikir ah ee uu haayo, ka dib aan qaadano fikirkii wanaagsanaada.

Warda ayaa hadashay oo tiri Cimranow horta Aniga iyo hooyadaa meel kuma wada noolaan karno, Aniga Adiga ayaa i qabtid sidaad Adiga ii jeceshahay, ayaa anigana kuu jeclahay, meesha aad i geysidna waa kuu raacayaa, lkn Hooyadaa meel agteed waxaan ka xigaa Furitaan.

Cimran oo wejigiisa is bedelay ayaa ku yiri Warda:-

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted