Farxada Adna lama soo kobi karo qolkeeda markey timid ayay illahey ka bariday inuu u siyaadiyo Farxadan, ka dib Mobeilkeedii ayay la soo baxday Warda ayay wacday, markaas ayay ku tiri saaxiib waxan u maleynaya Samirka inuu aad u qurux badan yahay, aniga waligay Wiil ii Qalma oo wanaagsan maan helin, laakiin Cimraan ayaa noqday kii aan ku Riyon jiray Caawana Farxadayda ma nalayn kartid intay la’eg tahay.
Warda iyada hadalkan dhib ayuu ku hayaa hoosta ayay ka karahsan tahay, hadana yaan lagu dareemin ayay is leedahay, oo hadalka wey ka dhuraysaa, Adna saaxiibted wayba ku nafistaa oo waa tan la wadaageysa wax kasta, Warda ayaa tiri Waan arkaa noloshaada inay isugu kaa toostay ilaahay ha kuu siyaadiyo, laakiin aniga mar walba hadal ayaan kugu soo celiyaa oo ah Qofkan ilasho aduunka Wax walba way ka dhacaane. Warda si sarbeeb ah bey wax u fahansinaysaa Adna, lkn Adna iyadu maba fahansana hadalka.
Ka dib Adna ayaa tiri Aniga waxaan uga cabsado ma aqaan aduunka sababto ah Isaguna wuu i jecel yahay anigana sidoo kale marka inay wax na soo kala dhex gali doonan uma malenayo, Warda tiri Haa laakiin aniga talo un bey iga tahay. Adna ayaa tiri waan seexanaya aad ayaan u dalanahay ee waynu soo wada hadlayna Xabiibti bye bye.
Subax markey noqotay ayaa Adna Shaqada isku diyarisay Gaarigii ayaa u yimid, wayna baxday, intay dhexda sii socotay ayay khadka furtay waxay aragtay inaan Cimran saaka wax fariin ah u soo dirin intay dhoola cadaysay ayay niyada iska tiri Iminka isagu wuu kula joogaa oo maaha inaad ka fikirto.
Goobtii shaqada markay timid ay Qolka xafiiskeeda soo gashay, ayaa waxay aragtay Cimran oo Miiska ku dul fadhiya gacantana Ubax ku sida, markaas ayay aad u dhoola cadaysay, ka dib laabtiisa ayay gashay iyada oo leh saaka waxay iga qaalisan tahay subaxyadii hore sababto ah wejigaada ayaan arkayaa.
Markaas ayuu dhahay Anba waa ii farxad la joogaada in aan ku arko xilligan rabo oo Waxba iga kaa xigin, Ka dib waxay ku tiri hadaba shaqo ayaa ii taala ee orod bax, markaas ayuu dhahay aniga Gacalisadayda Quruxda badanayaan ilaalinayaa, meeshana Rag ayaa jooga wan maseyrayaa, markas ayay ku tidhi Waxas iska ilaw aad yar iska bax, markaas ayuu ku fariistay Kursi isaga oo leh ani halkan ayaan iska joogaya ee hawshada wado Adiga.
Wuxuu aad u daawanayay Adna iyaduna hawsheeda ayay ku jeedaa, markay kolba isaga soo yar eegto waxay aragtaa inuu aad u soo eegayo, markaas ayay si xishood leh u sii wadataa hawsheeda, Markii la soo gaaray xiliga nasashada bey isku raaceen Cafateriyada, markaas ayay tiri si kaftan ah Hablaha meesha jooga aad ayay kuu soo eegayaan Anigaaba caadi u maseyri raba, Markaas ayuu dhahay aniga waxba igama gelin cidi i soo eegta aniga waxaan arkaa adiga oo kaliya.
Markaa ayuu ku dhahay waan sii baxaya ee Caawa banasnka isku raacaynaa ogow. Haye ayay tiri, Marku tagay ayaa waxaa soo wacday Warda iyada oo ku leh Saaxiib guriga waan ku caajisay Caawa inaan banaanka tagno iga haysa, markas ayay tiri Sxb Cimran ayaan balansanahay ee dhibmale waadna raaci doontaa, Warda markeey maqashay Cimran iyada dhan way is beddeshay, wayna kala badatay, Marka ayay tiri Sxb Adi iyo dumashi idinma raaci kare idinku waqti iska soo qaata, Adna ayaa tiri dhibmale waad na raacaysaa xabiibti. Warda wayba rabtaa inay raacdo aye ayay tiri.
Warda waxay sugi la’dahay intay arkayso Cimran maalintii oo dhan wey is dhaqaysay sidii naag aroos ah camal Iyada oo intay Muraayada hor is taagto isku leh Caawa ma waxaan soo arkayaa Cimran, ma Cajiib oo ma rumaysan karo jaanis ayaa i soo maray aanan filayn.
Markay noqotay illi habeen ah balantiina la soo gaaray ayaa Adna, u sheegtay inay saaxiibted soo raacayso Caawa Isaguna waa caadi ayuu dhahay.
Adna ayaa wacday Warda kuna tiri is diyaari waynu baxaynaaye haye ayay tiri. Markii ay soo baxday wardi iyada oo aad u Shidan ayaa Adna ku tiri Saaxiib Caawa inaba caadi ma timid yaah, Warda tiri Sxb caadi ayaan u soo lebistay, miyaan ka soo daray, May ayay tiri Caadi saaxiib inaa qurux badnaato anaa jecel, Cimran ayaa u yimid, Way soo raaceen salaan iyo Xaalada markii lays waydiiyay toos ayay u soo baxeen goobtii ay rabeen ayay yimaaden.
Markii la soo fadhistay ayaa Warda kolba isha ku yara xadaa Cimran, Adna ayaa tiri saaxiib is barta si fiican waa kan Cimrane, markaas ayay tiri dee soo hore isku maanan baran Cimran, markaas ayuu dhahay Haa runta aragti kaliya inoo dhinayd, waana is aragtay, Caawa, waana ii farxad inan is aragno, markaas ayay tiri Anigana waa ii farxad, kaftan ayaa meesha bilaabmay, Cimran ayaa dhahay laba hablood oo midba mid ka qurux badan ayaa ila fadhiya Caawa waa Caajib, markaas ayay tiri Adna Haa, Warda Cawa Isha baan uga baqayaa, Warda tiri Alla may saaxiib ilna iguma soo khaldameyso hh.
Warda waxay kolba indhaha ku yara xadeysaa Cimran iyada oo aad ula dhacsan quruxdiisa, ka dib waxay aragtay hadalada jaceylka ay is dhafsanayaan labadooda, iyadu waxay indhaheeda ku kobtay isaga.
Waqti ayaa la wada qaatay Adna iyo Warda Qosol kaftan Cimran si wada jir ah ayuu ugu sheekeynayaa iyaga oo diidaya Warda inay kalinimo dareensiiyaan, laakiin Warda dareenka qarsoon iyo hoos ka eegida ayey wadataa, Adna ayaa tiri Saaxiib farxad iyo jawi kama baxaysid hadaad yeelato lamaane, waad aragtaa aniga ila maalintan Cimran helay ilaa imika Farxad ayaan ku jiraa, ee adiguna Isku day inaad noloshada Qof ku soo darto waan ogahay inaad xiriirka iyo waxaas neceb tahay, laakiin kelinimadu ma fiicna, Warda ayaa ugu Jawaabtay Saaxiib Aniga Kaluumaysi ayaan weli ku jiraa, micnaha waan raadinayaa qofkii ii noqon lahaa Gacaliye, laakiin waxaan ka baqayaa inuu Dabinkaygu meel khaldan uu ii soo qabto. Warda hadalka sarabeb ayay ugu dhigaysaa.
Ka dib Cimran ayaa dhahay Haa, Gabar Qurux leh ayaa tahay xilligan inaad keli ahaato maaha, Markas ayey tiri Haa, laakiin Qofka igu haboon wuu imaan doonaa, Ka dib Warda tiri Waa xilli dambe sow maha, waa in aan baxno. Adna ayaa tiri Haa waa runtaa, weyna soo baxeen Gaariga markey soo raaceen intii la soo socday Warda Aragtida Cimran ayay si jeclaysanaysaa Caawa, dareenkay u qabtay wuu sii kordhay ugu danbeyn Guriga ayaa la soo gaaray, is nabad gelyeen, ka dib waa la kala tegay.
( La soco Qeybta Xigta).














