Wakhtigu wuxuu is guroba sacaduna waa Xili Maqrib ah Axlaam Cunto Afka Masarin Mobeilka ayay ku Khafiiftay siday kolba u egaysay.
axlaam iyada oo Ku dul fikiraysa Mobeilka Ayaa Waxa soo wacay Muuse way Ka Qabatay, markas ayuu dhahay Adna Hadyadii imran ku sheegayay ayaa ku timid ee waan ku imaanayaa is diyaari markas ayay ku tiri aniga hadyad maxay ii taraysa isagiba hadaanan haynin, Muuse ayaa dhahay Horta isku day inad imika is diyaariso wax walba way hagaagi doonane, Haye ayay tiri Way kacday Adna waa Gabar xarago badan mar walba, ka dib way is diyaarisay Muuse ayaa guriga agtiisa ugu yimid weyna soo raacday.
Intay si socden ayaa Muuse ku dhahay Inyar ka dib caadi caadi ayuu noqon doonaa jawigaadu ee niyada khayr u sheeg, waxay tiri Aniga ilaa aan codka Cimran maqlo xaladeyda cadi noqomeyso, waana rajenaya inay wax walba sidoodii hore ku soo noqon doonan, ka dib waxay soo gaareen goobtii Adna loo diyaariyay gaariga ayay ka soo dageen Adna ayaa tiri: Meeshaan waa maxay?, markaas ayuu dhahay soo soco adaa arki doona Cabaar markay soo socden ayaa waxay aragtay Goob loo diyaariyay sida filimanta meel romantic ah oo wada Ubax ah Miis qurux badan, markaas ayaa hal mar layrka la demiyay, ka dib waxaa horteda soo istaagay Cimran meeshuna waa mugdi, ka dib ayay tiri Maxaa helay iftiinkii, markaas ayaa qof gacanta qabtay Hal marna layrkii ayaa la shiday.
Waxay indhaheedu qabteen Cimran, laakiin Iyada lama filaan ayay ku noqotay waxa ay indhaheedu arkayaan inay run yihiin iyo in kale ayay garan weyday, Adna Hal kalmad wey ka soo bixi weyday, markaas ayuu dhahay Aniga oo ogaa inaan Maanta ku arkayo ayaa xataa Aamini la’, Markaas ayuu Hab siiyay Cabaar ayuu laabta ku hayay, Adna illin ayay kala joojin weyday, Markaas ayay tiri Iminka aniga miyaan waalan mise waxaan arkaayo waa run ?. Markay intaas tiri ayay hadana laabtiisa ku noqotay.
Adna waxay tiri Walaahi waxay igu noqotay Lama filaan, laakiin maxa sida igu gashay xitaa mad i sheegtid inaad soo socoto.
Cimraan ayaa dhahay inaan kedis kaaga dhigo ayaan jeclaystay, Runtii Farxad weyn ayay ii tahay maanta inaan la kulmay Boqradayda, Waxay ugu jawabtay Ani ila hada Maskaxdayda wey gali la’dahay inaad agtayda joogto, wuxuu yiri Ani xataa waxaan ku qiyaaso ma Aqaan Farxadan, Adna ayaa tiri: Maanta inta kuu Warwaray illahay ayaa og, imikana waxad noodaa inyar xitaa inaan maanta fikirin durba waan ilaaway 10bilod oo aad iga fogayd dhawrkan daqiiqo ee aad ila joogto ayaa iga badan oo aad mooda inaad kun sano ila joogtay, markas ayuu yiri: Adna Xabiibti aniga waxaa tahay Nafteyda qeyb ka mid ah, xiiso aan la qiyaasi karin ayaan kuu qabay.
Warda ayaa iyaduna waxay ka fikiraysaa Cimran oo ilaa markii loo sheegay ilaa hada Warwarsan inay soo wacdo oo ay ogaatana way rabtaa hadana Adna yaanay kaa shakiyin ayay is leedahay, lakin Nafta ayaa qasbaysa markay Adkaysan weyday ayay Adna wacday, markay ka qabatay ayay Warda tiri Sxb maanta ado warwarsan ayaa igu kaa danbeyse bal ii waran ma heshay Cimran.
Adna ayaa tiri Sideen wax kuugu sheegaa saaxiib may rumaysan hadan ku dhaho iminka isagaan la joogaa, Warda wadnuhu ayaa hal mar dhaqaaqay, markaas ayay tiri: sidee kuma fahmin, markaas ayay tiri Haa Sxb wuu yimid Imikana waan wada joognaa, markaas ayay Warda tiri Oky saaxiib kaliya inaan ogaado ayaan rabay siday wax noqdene waa inoo hadhow, Adna ayaa tiri Haye xabiibti.
Warda marka ay Mobeilka dhigtay ayaa waxad moodaa Cirku inuu ku soo dumay Naxdin iyo filan waa ayaa ku dhacay, hadana wey yara faraxdaa Cimran inuu yimid, way rabtaa marna waxay is leedahay Adna ayuu u yimid ee adiga kuuma imaan oo Maseyr ayaa qabtay, labadii jawiga ku jiray ee Cimran iyo Adna sheeko iyo jacayl ayaa u socda lama kala xiisa dhicin oo midba midka kale ayuu sii jeclaysanayaa la joogistiisa iyo aragtidiisa Cimran ayaa wuxu yiri Aniga waxay iga haysa ilaa Berito inaan sidaa un ku daawado Indhaha ma daalayaan. Adna ayaa ku tiri Aniga xitaa la joogaaga aad ayaan Happy ugu ahay, waxaad moodaa inaan sii jeclaysanaayo agtaada.
Markas ayay tiri Xabiibi waa Xilli dambe inaan tago waa muhiim, Markaas ayuu dhahay fiicnaan lahaydaa adoo iska sii jooga, waxay tiri Qaali mar walba waan wada joognaa iminka haw bixin. markaas ayuu dhahay Haye Ina mari ku kaxeeyee, Intay sii socden ayuu dhahay waxaan rabaa Hal Week in aan soo Dalxiisno ee sidee kula tahay, Markaas ayay tiri Wey fiicnaan lahayde wayna dhacayn Aabahay wuu Kulul yahay oo iga yeeli maayo ee maxaa talo ah, markas ayuu yiri Hadaan ku Mehersado Cimran sow masuul kaa noqon maayo?, Intay dhoola cadaysay ayay tiri: Markaas Haa cidna iguma ka haysato.
Markaas ayuu yiri Waynu ka wada hadlaynaa arintaas, Haye ayay tiri, ka dib guriga ayay soo gashay iyada oo farxadeeda la qiyaasi karin.
( La soco Qeybta Xigta).














