Adna waxaa soo dhawaaday Xillii Umusha, Bishii 9aad ayey gashay, Alxamdulilaah Caafimaadkeedu waa Heer Sare, Ninkeeda Cimran iyo iyadana wey Heshiiyeen, noloshooda iyo farxadooda ayaa dib ugu soo noqotay, Nabaradii iyo Boogihii ay Warda gaarsisayna wey ka soo Bogsadeen, hadda waxa ay ku jiraan Nolol Deggen oo ay Farxadi u dheer tahay.
Cimran hooyadiis aad ayey ugu faraxdaa markey aragto Wiilkeeda Cimran iyo Adna oo wada qoslaayo, ama ay wada kaftamaayaan, Adna riyadeeda ayaa u rumowday, Cadowgii ay iyada jaceylka u keensatay haddey guriga ka baxday, waxey go’aansatay iney mar dambe Bini’aadan aysan aminin, isla markaana ay Reerkeeda cid kale soo dhex gelin.
Cimran hooyadiis oo qolka ku jirta ayaa waxey u yeertay Wiilkeda si ay ugala tashato Arrinta doonashada Asma yareey, waxey Tel ku wacday Adeerka, una sheegtay sida ay wax u jiraan iyo iney rabto Wiilkeda Caadil in loo doono gabadha Asma ah, iyadoo u sheegtay gabadhaasi iney aad u jeceshahay oo ay aad uga heshay Dhaqankeeda iyo Dad la dhaqankeeda.
Adeerka markey u sheegeen aad ayuu ugu farxay arintaas wuxuuna ku yiri: Waa wax fiican Insha Allaah maalinta jimcaha ayaan idiin imaanaa, galabtii jimcahana reerkeeda anaa u aadaayo, Insha Allah wax kasto wey hagaagayan, ilaaheey hana waafajiyo kheerka.
Dhanka kale Warda waxaa u dambeeyay inuu Weerweer ku dhaco oo ay ku dhawaato iney isla hadasho, sababtoo ah waxey aragtay iney ku soo dhacday Hog cidlo ah, waxaa kaloo u muuqda mar walba godobtii ay ka gashay Saaxiibadeed Adna.
Waa Xilli subaxnimo Asma waxey ka soo baxday jikada iyadoo ay soo diyaarisay Quraadii, Qolkii fadhiga ayey ku soo diyaarisay si wadajir loo wada fariisto, waxna loo wada cuno, kolkii la wada yimid ayaa si Heer Sare ah oo deggenaansho laga dareemaayo ayaa loo wada quraacday, waxaa halkaasi laga dareemaayay in Warda laga nastay dhibkeeda isla markaasna ay hadda reerku Xasilooni heleen.
Kolkii la wada Quraaxday ayey Maamada Adna waxey ku tiri Reerkiina u sii sheeg Maalinta Jimcaha in Odayo imaan doonaan, ayna u socdaan Arrintii Asma, ilaaheey Kheyr haku soo dhameeyo Insha Allaah.
Asna waxey tiri Waa yahay Maama, Insha Allah Kheyr ayey noqoneysaa.
Maamada ayaa tiri Adna Run ahaantii Aniga Reerkiina waxaan ku jeclaaday waa dad Wanaagsan oo aad iyo aad u deggen.
Subaxdii xigtay Adna waxa ay isku diyaargareysay iney Adeeggii ay Ragga ztaa
Wuxuu waqtigu is guroba durba waxaa la soo gaaray Maalintii la wada balamay ee jimcada aheyd.
Waxaa Galabnimadii ku soo xaadiray guriga, Cimran iyo laba Nin oo Adeeradiisa ah,
Si diiran ayaa lagu soo dhaweeyay guriga Reer Adna waxaa wada kulmay labada dhinac Odayaashii ka kala socday, Wada hadal dheer ka dib waxaa leysku raacay in Caadil iyo Asma in laysku guuriyo, waana la wada ogolaaday, wuxuuna ku soo dhamaaday kulankaasi Farxad iyo Reyn reyn, waana la wada balamay Xilliga uu Aroosku dhici doono, waxey isku raaceen, bisha 15keeda inuu dhaco Arooska Asma iyo Caadil.
Asma maadaama la siiyay Caadil, Arooskoofuna uu dhawaan yahay, waxey u soo guurtay Guriga Hooyadeed, maadaama ay hadda tahay Aroosad, isla markaasna ay haboon tahay iney gabadhu aragtideeda uu ku yaraado Magaalka.
Maamada iyo Cimran waxey bilaabeen diyaar garowga Arooska Caadil, wada tashi badan ka dib qorshahooda wey ku guuleysteen oo wax kasta waa la diyaariyay.
Waqtigii aya soo dhawaaday waxana la bilaabay qeybinta Waraaqihii Xafladda Arooska xataa waxaa Warqada loogu geeyay gurigeeda Warda, si aan loo dareensiin Ficil iyo xumaan oo hadey Aroosku aaney imaan xataa aaney ku helin Marmarsi, si aysan u dhihin, Wey iga qarsadeen Aroskooda, balse iyadu wuu siin waayay damiirkeedu iney ka qeybgasho Xafladda Arooskaasi, waayo dhibka ay Reerkaasi u geysatay ayey ogtahay.
Asma Reerkeedu iyagana si wacan bey isku diyaariyeen Arooska Rabadhooda oo ah yaraanka Reerka, wax kasta oo loogu tala galay Aroosad lagama hagran oo Reerkedu wey ugu hagar baxeen Asma dhan kastaba.
Wuxuu waqtigu is guro waxa la soo gaaray, maalintii ay ku beegneyd 15ka bisha ee la wada sugaayay oo ku beegnaa Arooska Asma iyo Caadil, maalinnimadii si wacan ayaa loo qadeeyay, habeenkiina waxaa loo kireeyay Hool.
Waxaa ka soo qeyb galay Xafladda habeenkaasi Dad aad u fara badan oo aad ugu xiiso qabay Xafladdaasi, si Heer Sare ahna wey u dhacday, Shacabka wejigood farxad aad u weyn ayaa ka muuqatay, si wanaagsan ayaana loo soo gelbiyay Arooska iyo Aroosadda, si wacan ayeyna u Aqal galeen.
Maalinkii xigay goor ay tahay 3:00 galabnimo ayaa waxaa Fool qabatay Adna, si dhaqsi ayuu Cimran ula caratay Dhaqtarka, baaritaan dheer ka dib, dhaqaatiirtu waxey sheegeen iney Foosheedu dhowdahay oo ay 30daqiiqo ka dib dhali doonto, Cimran kama soo dhaqaaqinba dhaqtarka oo wuxuu yiri Waan Sugi karaa 30daqiiqo.
In yar ka dib Fooshii ayaa si daran u qabatay, Wiil ayeyna dhashay, Dhowr daqiiqad ka dibna Dhaqaatiirtu waxey Cimran u sheegeen inuu caafimaadkedu fiican yahay, gurigana la geyn karo, Cimran isla markiiba dhaqsi ayuu guriga u keenay.
Reerku waxey maalintaasi kulansadeen Laba farxadood oo Lama filaan ah, Mid waa Arooskii Asma iyo Caadil, Midka waa Adna iyo Cimran oo Curadkoodii u dhashay.
DHAMMAAD
Intii sheekadu socotay, maxaad ka faa’iidey? Sidee ayay kula ahayd guud ahaan sheekadu? Maxay kula tahay fariintii ugu weynayd ee ay xambaarsaneyd?
Halkaan hoose comment-ka nagula wadaag fikirkaaga iyo aragtidaada. 💬❤️
Haddii aad sheekada ka aqrisanaysid Uukow Media App, account sameyso si aad faallo uga qorto. Faallooyinka iyo fikirrada aad nala wadaagtaan waxay nagu dhiirrigelinayaan inaan bilowno taxane kale oo cusub. 🙏














