Waxay ahayd maalin Sabti ah, dadkuna waxay u baxayeen shaqooyinkooda, roob ayaa si tartiib ah u da’ayay, hawaduna waxay siday udug nadiif ah iyo qabow nafta u roon, Waxaan u socday shaqadayda anigoo aan filayn in maanta goobta shaqada qalbigeyga ugu soo tagi doono.

Markan shaqada imid, muddo ku dhowaad saddex saac aan mar aan shaqeynayeey, ay HR-ka shirkadda ayaa ii yimid wuxuuna ii sheegay in maanta uu imaan doono wiilka maamulaha, ahna qofka la wareegi doona maamulka guud ee shirkada, maadaama maamulkii hore uu bixi rabo. Wuxuu igu yiri: “Isku soo diyaari qolka shirarka si aad ula kulanto maamulka cusub.” wuna iga dhaqajiye.

Aniga la yaban siday wax usocdan ayaa indhaha u rogay daaqadda xafiiskayga si aan u daawado dhibcaha roobka oo dhulka ku daadanaya, Laakiin indhahayga waxay si lama filaan ah ugu dhaceen wiil dheer, midab cas leh, isla markaana leh dhalaal soo jiidasho ah, wajigiisa iyo qaab dhismeedka jirkiisa aad bay u qurux badnaayeen, waxay aheed Markii ugu horreysay, aan calooshayda balambalis ka dareemo, weligeyga maan dareemin mana aqaan dareenkaas cajiibka ah ee aan markaas dareemay anigo yara qoslaayo isna cananayo ayaan udhaqaaqay qolkii shirarka.

Markaan soo galay oo aan fariistay, ayaa mid ka mid ah gabdhaha aan isla shaqeyno igu tiri: “Ma taqaan wiilka cusub ee maamulka noqon doona?” Ka hor inta aan jawaab ka bixin, HR-kii ayaa soo galay isagoo wada wiilkii aan daaqaddeyda ku soo arkay wuxuu ahaa isla ninkii qalbigayga sida lama filaanka ku galay.

Markii shirka uu bilaabmay, qalbigeyga waxa uu galay mowjad jeceyl ah, Waxaan soo baraarugay iyadoo cod la igu leeyahay: “Aisha! Soo dhawow, maxaad ka leedahay shirkeena maanta?” Anigoo wali yaaban ayaa ku jawaabay,” waxaana u hambalyeeyay maamulka cusub, waxaan rajeynayaa inuu noqon doono hogaamiye wanaagsan”. sidaas ayuu shirkii barashada ku soo xirmay inkasto aan maqna qalbi ahaan.

Markii qadada la gaaray, waxaan si degan ugu laabtay xafiiskayga, qalbigeyguna wuxu ka fikirayay dholacadaynta quruxda badneed ee aan sida lama filaanka ku arkay, quruxdi iyo caraftii marku uu albaabka ka soo galay ka soo carfeysay, waxaan galay xaalad cusub oo aan horey u soo marin.

Waxaan kulanay kulan lama filaan ah saaxiibteyda hore ee Jaamacadda, maqayad u dhaw goobteyda shaqada intii aan sheekaysaneynay, si aan iscelin karin ayaan ugu sheegay in aan dareen u qabo maamulka cusub ee companyga aan u shaqeyo Waxay igu tiri: “Waan aqaan wiilkas, waa qof shidan, ilaasho hana dayicin waad isku soo baxeysaan.”

Aniguna, anigoo yara xishoonayo ayaa qosol yar ku dhuftay aniga leh saxiib waa runtada intaba waa isku darsaday lakiin waad ogtahay ina usheegan karin dareenkeyga ee iga dhac aqbartiisa madaama taqano,waxaan mesha ku sheekeysanay marba Meel nala gashaba sheekadi waa kala tagnay.

Maalintii xigtay, HR-ka ayaa ii sheegay in maamulka uu rabo warbixinnada bilaha, aniguna waxaan waydiistay lambarkiisa si aan ugu diro, uu isoo diray number ka HR-ka, waan udiray warbixita bilaha, wuxuu igu soo jawaabay si degdeg ah oo qurux badan: “Mahadsanid Aisha Ahmed Hassan, Aad ayaan ugu faraxsanahay in aad qeyb ka tahay safarkayaga shaqo.” Aniga oo faraxsan ayaan ugu celiyay: “Sidoo kale waan ku faraxsanahay in aad tahay maamulkeena cusub.”

Intaas kaddib, waxaan u diray screenshot sheekadii saaxiibteyda, saaxiibteydii waxay igu tiri: “Aisha, wiilkan qalbigaaga qaatay, ku dadaal sida usoo jiidan laheed .” Waqti dheer kadib, waxaan go’aansaday in aan isaga iska iloobo, anigoo u sheegay saaxiibteyda in uu yahay nin aan dadka soo dhaxgalin waliba yahay qof xiran, isla markaana aanay jirin wax wado ah oo aan umari karo. Saaxiibteyda, iyadoo i dhiirogelinaysa, ayay igu tiri: “Ka soco, wax walba way dhacaan dunidaan, waa caadi inaad wax ka hesho, aadna hanan weydo laakiin noloshada ha u xanibin.”

Laakiin waxa aan ogeyn ayaa ahaa in ay saaxiibteyda si qarsoodi ah ugu sheegtay maamulka dareenkeyga madaama ay si wacan isku yaqaneyn Asbuuc kadib ayayna i la kulantay, waxayna igu tiri: “Waan la hadalay, waan u sheegtay dareenka aad u qabto maamulkaga.”

Aniga yaab iyo waxaan dareemaayo aan ogeen ayaan saxiibteyda ku dhahay saxiib maxa sidaas igu sameysay.? Waxay igu tiri waxaan is lahaa ka qeyb qaado saxiibtada farxadeeda iyo mustaqbalkeeda aniga ka yara xun ayaan haddana waxaan iska dhigay qof caadi waxaan dhahay waa caadi saxiib haddaa usheegtay haddu ila soo hadla waa qeyr haddu ila soo hadlin iyadana waa qeyr kale waan ogahay inaa islaheed saxiibtada caawi waad mahadsan tahay haddana waan sii baxaya.

Markaas wixii ka dambeeyay, waxaan bilaway inaa mobilkeyga ka qabto wardiye aan la qiyaasi karin Haddu iga fogyahay ay fariin soo dhacdo waxaan is dhahaa Ma isaga baa fariin soo diray madama uu saxiibteyda ku soo dhahay aniga ayaa la hadlaya?

Waxaan isweydiiyaa ” gorme ayuu ila soo hadli doona?! Ilaa nefta ugu dambeysa miyaan sugaya jawaabtiisa madaama loo sheegay dareenka aan u haayo!?

Laba toddobaad oo xiriir ah ayaan isku aragnay goobta shaqada anaga oo hadal na dhex marin, kaliya midba midka kale salaamay, Aniga waxaa aad iiga yaabiyay in uu waxba iska bedelin, uu ila dhaqmaayo sidii uu horay ila dhaqmi jiray Waxaan is weydiin jiray, “Muxuu u falceli la’yahay oo wax uun i dhihi la’yahay, mise wax kale oo ka qarsoon baa jira?”

Galab Khamiis ah, shaqada markay nagu dhamaatay aniguna aan rabaa inaan guriga aado, ayaa waxa albaabka hortiisa iiga hor yimid maamulihii ahna ninka qalbigeyga sida fudud u qaatay, Wuxuu hadalka ka bilaabay “Aisha, ma kula hadli karaa anaga oo meel yar fadhisanayna?”

Anigo dareemaya xishood iyo cabsi yar ayaan ku dhahay “Haa, waa caadi maamule.”

Kadib ayuu yiri: “I yar sug, xafiiska ayaan wax ka soo qadanaa Waan is raacnay.” anigana waxaan haye iyo okay miyaaba oran kara

Waxaan iska fadhiisanay maqaaxi yar oo jawi degan kuna taala agagaarka goobta shaqada, Labadeenaba aamusnaan ayaa naga dhexeysay ilaa uu yimid wiilkii dalabka qaadayay, Wuxuu naga qaaday dalabka aniga hor sheegay dalabkeyga, asaguna wuu raacsaday dalabkiisa, kadibna wuu naga dhaqaaqay.

Anigo iska baraya geesinimo ayaan ku iri: “Maamule, arrinta aad igala hadli rabtay ma tan saaxiibteyda ku sheegtay baa mise waa mid kale?”

Asago yar dholacadeynaya ayuu igu yiri “Intee joogtay 17 November 2023 markay saacadu ahayd 10:00AM?”

Waxaan ugu jawaabay: “Xafladda qalinjabinta jaamacaddeyda ayaan joogay, maxa dhacay oo iweydinaysa mesha joogay”

Asiga “”Markii aan xafladda kugu arkay ayaan ku helay, aragtidaadii ugu horreysay ayaana qalbigayga xaday, Waxaan bilaabay inaan si dhow kula socdo ilaa aan ka ogaaday meesha aad ka shaqeyso, Labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaan aad ula cajabsana inaa dareenka ku qaday mid la mid ah igu qaday aragtidi ugu horeysay, inkastoo aad ku qarisay xishood dumarnimo.”

Waxan dareemayeey, garaaca wadnahayga, indhahaygana si toos ah uma fiirin karin kan qalbigeyga dhaqajiye, Waxan ku dhahay cod hoose;

“Maamule, runti hadalkaaga wuxuu iga qaaday culeys aan qalbigayga ku siday toddobaadyadan balse hadda waxaan aad ugu faraxsanahay in dareenkaas aad ila qabtay.”

Waqtigaas wixii ka dambeeyay, sheekadii oo dhan waxay isu bedeshay mid macaan Maqaaxida yareed ee aamusnaanta lagu soo galay, waxay noqotay goobtii ay laba qalbi isku heleen oo sheeko ka bilaawatay.

Dhammaad

Aisha Ahmed

5 2 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted