Qof kastaa wuxuu doonayaa inuu noloshiisa horumariyo. Waxaan rabnaa aqoon badan, shaqo wanaagsan, caafimaad, dhaqaale iyo mustaqbal ka fiican kan maanta.

Laakiin waxaa jirta su’aal ka muhiimsan dhammaan waxyaabahaas:

Maxaad maanta samaynaysaa si aad u noqoto qofka aad berri rabto inaad noqoto?

Horumarku badanaa kuma bilaabmo isbeddel weyn. Wuxuu ka bilaabmaa naftaada, fikirkaaga iyo waxyaabaha yaryar ee aad maalin kasta samayso.

Qur’aanku wuxuu leeyahay:

إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ

“Ilaahay ma beddelo xaaladda qoom ilaa ay iyagu beddelaan waxa naftooda ku jira.”

— Suuradda Ar-Ra’d: 11

Aayaddani waxay ina xusuusinaysaa in isbeddelka aan doonayno inuu nolosheena ka dhaco uu marka hore ka bilaabmo nafteena.

Isbeddel weyn wuxuu ka bilaabmaa wax yar

Mararka qaar waxaan u malaynaa in horumarku u baahan yahay go’aan weyn ama isbeddel hal mar ah.

Laakiin noloshu sidaas uma shaqeyso.

Qofku wuxuu ku dhismaa waxyaabaha uu si joogto ah u sameeyo.

Dhowr bog oo aad maalin kasta akhrido waxay isu beddeli karaan buugaag badan sanad gudihiis. Waqti yar oo aad skill cusub barato wuxuu isu beddeli karaa aqoon aad mustaqbalka shaqo uga samaysan karto.

Sidaas darteed, ha isku dayin inaad hal maalin wax walba beddesho.

Bilow wax yar, laakiin joogtee.

Dhis xirfadaha mustaqbalkaaga

Waxbarashadu kuma dhammaato marka aad shahaadada hesho. Dunidu si degdeg ah ayay isu beddelaysaa, waxaana sii kordhaya muhiimadda ay leeyihiin xirfadaha qofku si dhab ah ugu isticmaali karo nolosha iyo shaqada.

Waxaa ka mid ah Communication, si aad fikraddaada si cad ugu gudbiso dadka kale; English, oo kuu furaya aqoon iyo fursado badan; Digital Skills, oo kaa caawinaya inaad la jaanqaaddo technology-ga; Critical Thinking, oo ku baraya inaad si qoto dheer u fikirto; iyo Writing, oo kuu oggolaanaya inaad fikradahaaga si wanaagsan u cabbirto.

Laakiin xirfad kasta oo aad barato waxay u baahan tahay hal shay:

Joogteyn.

Ma aha qofka wax badan bilaaba kan mar walba horumara. Mararka qaar waa qofka bilaaba wax yar oo aan joojin.

Waqtigaaga ayaa dhisaya mustaqbalkaaga

Qof kasta wuxuu haystaa 24 saacadood maalintii.

Farqiga ugu weyn wuxuu ka yimaadaa sida loo isticmaalo.

Waxaad heli kartaa lacag kaa luntay. Waxaad raadin kartaa shaqo kale. Waxaad dib u baran kartaa aqoon aad illowday.

Laakiin waqtigii kaa lumay dib uma soo noqonayo.

Sidaas darteed, halkii aad ka oran lahayd:

“Waqti uma hayo inaan wax barto.”

Isweydii:

“Waqtigeyga maxaan ku bixinayaa?”

Hal saac oo aad maanta si wanaagsan u isticmaasho wuxuu noqon karaa farqiga u dhexeeya qofka aad maanta tahay iyo qofka aad sannad kadib noqon doonto.

Ha la tartamin qof kale

Maanta waxaad hal daqiiqo gudaheed ku arki kartaa guusha qof kale.

Waxaad aragtaa qof shaqo helay, qof ganacsi dhisay, qof wax bartay ama qof meel gaaray.

Laakiin waxaad aragtaa natiijada, ma aragto safarkii.

Ma aragto sannadihii uu qofkaasi wax ku baranayay. Ma aragto khaladaadkii uu sameeyay. Ma aragto waqtiyadii uu niyad jabay.

Sidaas darteed, ha isbarbar dhigin noloshaada iyo nolosha qof kale.

La tartan qofkii aad shalay ahayd.

Haddii maanta aad wax yar ka aqoon badan tahay shalay, hal tallaabo ayaad horey u qaaday.

Horumarintu ma aha lacag oo keliya

Marka la yiraahdo self-development, dad badan waxay ka fikiraan shaqo, lacag ama guul.

Laakiin horumarinta dhabta ahi waa ka ballaaran tahay.

Waa inaad kobcisaa maskaxdaada, jirkaaga, aqoontaada, xirfadahaaga, akhlaaqdaada iyo xiriirka aad la leedahay Alle.

Qofku wuxuu yeelan karaa aqoon badan, laakiin haddii uusan lahayn akhlaaq wanaagsan, aqoontaas si buuxda uma dhammaystirna.

Waxaad yeelan kartaa xirfado badan, laakiin haddii aadan aqoon sida loo isticmaalo, xirfaduhu qiimo badan ma yeelanayaan.

Horumarka dhabta ahi waa marka aad noqoto qof aqoon leh, xirfad leh, masuul ah, akhlaaq leh, oo leh ujeeddo cad.

Ugu dambayn

Uma baahnid inaad maanta noqoto qofka aad rabto inaad mustaqbalka noqoto.

Waxaad u baahan tahay oo keliya inaad maanta bilowdo dhisiddiisa.

Akhri hal bog.

Baro hal skill.

Hagaaji hal caado.

Ilaali hal saac.

Qaado hal tallaabo.

Kadib berri tallaabo kale.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaad dib u eegi doontaa qofkii aad ahayd, waxaadna ogaan doontaa in isbeddelku uusan hal mar dhicin.

Wuxuu ka dhashay waxyaabihii yaryaraa ee aad maalin kasta samaysay.

Qofka aad berri noqon doonto waxaa dhisaya waxa aad maanta samaynayso.

Naftaada dhis. Aqoontaada dhis. Xirfadahaaga dhis. Mustaqbalkaagana dhis.

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted