Haddii gacantaadu ku xanuunto, waad tilmaami kartaa meesha ay ku xanuunayso.
Laakiin marka waxa dhaawacmay ay tahay maskaxda ama dareenka, mararka qaar way ka duwan tahay.
Qofku wuu qosli karaa isagoo gudaha ka burbursan. Wuu shaqayn karaa isagoo maskax ahaan daalan. Wuxuu dadka la joogi karaa isagoo dareemaya kelinimo. Wuxuu odhan karaa “waan fiicanahay” isagoo gudaha ka og in aanu sidaas ahayn.
Taasi waa sababta dhibaatooyinka nafsiyeed mararka qaar loogu yeero “invisible struggles.”
Ma aha wax indhaha lagu arki karo, laakiin qofka gudaha ayay si weyn uga saamayn karaan.
Haddaba, maxay yihiin calaamadaha laga yaabo inay kuu sheegayaan in maskaxdaadu u baahan tahay fiiro iyo daryeel?
1. Waxaad luminaysaa xiisihii waxyaabihii aad jeclayd
Waxyaabo markii hore ku farxad gelin jiray ayaa hadda kuu muuqda kuwo aan wax macne ah lahayn.
Saaxiibbadaa waad la kulmi kartaa, laakiin farxad kama dareemaysid.
Waxaad qaban kartaa waxyaabihii aad jeclayd, laakiin gudaha waxaad ka dareemaysaa madhnaan.
Cilmi-nafsiga waxaa loo yaqaan anhedonia marka qofku si weyn u waayo awoodda uu ku dareemo farxad ama xiisaha waxyaabihii uu hore ugu raaxaysan jiray.
Tani kaligeed ma caddaynayso dhibaato nafsiyeed gaar ah, laakiin haddii ay sii socoto oo noloshaada saamayso, waa calaamad mudan in la fiiriyo.
Mararka qaar waxa ugu horreeya ee maskaxdu lumiso ma aha awoodda ay u leedahay inay shaqayso.
Waa awoodda ay ugu raaxaysato nolosha.
2. Waxaad si joogto ah ugu dhex nooshahay fikirkaaga
Jirkaagu wuxuu joogaa meesha aad joogto.
Laakiin maskaxdaadu waxay ku dhex jirtaa wixii dhacay shalay iyo waxa dhici kara berri.
Waxaad mar walba dib u celcelisaa wada sheekaysiyo hore.
Waxaad ka fikirtaa waxa qof kaa aaminsan yahay.
Waxaad ka walwalsan tahay wax aan weli dhicin.
Markaad sariirta tagto, jirkaagu wuu daalan yahay, laakiin maskaxdaadu ma aamusto.
Tani waa waxa loo yaqaan overthinking.
Fikirku laftiisu dhibaato ma aha. Qof walba wuu fikiraa.
Laakiin marka fikirku noqdo mid aan kuu keenin xal, balse si joogto ah kuu gelinaya cabsi, shaki iyo walaac, wuxuu noqon karaa calaamad muujinaysa culays nafsiyeed.
3. Waxaad bilaabaysaa inaad dadka ka fogaato
Waxaad joojisaa wicitaannada.
Farriimaha kama jawaabtid.
Kulamada waad ka baaqataa.
Waxaad doorbidaysaa inaad kaligaa joogto, xitaa marka aad dhab ahaantii u baahan tahay qof aad la hadasho.
Kelinimadu mararka qaar waa caafimaad.
Qof walba wuxuu u baahan yahay waqti uu kaligiis ku ahaado.
Laakiin waxaa jira farqi u dhexeeya solitude iyo isolation.
Solitude waa marka aad kelinimada doorato si aad u nasato.
Isolation waa marka aad dadka ka fogaato sababtoo ah maskax ahaan ma haysatid awood aad kula xiriirto.
Haddii qofku muddo dheer ka fogaado dadka iyo waxyaabihii uu hore ugu dhex jiray, waxaa muhiim ah inuu isweydiiyo:
“Ma waxaan rabaa inaan kaligay ahaado, mise waxaan ka cararayaa wax gudaha iga socda?”
4. Waxaad noqotaa qof naftiisa si joogto ah u dhaleeceeya
Waxaa laga yaabaa inaad dadka kale u naxariis badan tahay.
Qof kale marka uu qalad sameeyo waxaad tiraahdaa:
“Qof walba wuu qaldamaa.”
Laakiin marka adiga qalad kaa dhaco waxaad tiraahdaa:
“Anigu maxaan sidan u ahay?”
Waxaad naftaada ku celcelisaa:
“Ma awoodo.”
“Ma ihi qof fiican.”
“Dadku iga fiican yihiin.”
“Mar walba waan fashilmaa.”
Cilmi-nafsigu wuxuu kala saaraa self-reflection iyo self-criticism.
Is-eegistu waxay kaa caawin kartaa inaad barato khaladkaaga.
Laakiin is-dhaleecaynta joogtada ahi waxay dhaawici kartaa sida aad naftaada u aragto.
Mararka qaar qofku uma baahna inuu naftiisa si adag u xukumo.
Wuxuu u baahan yahay inuu barto sida uu naftiisa u fahmi lahaa.
5. Hurdadaadu si weyn ayay isu beddeshaa
Maskaxda iyo jirku ma aha laba nidaam oo gebi ahaanba kala go’an.
Marka maskaxdu culays badan dareento, hurdadu way saamayn kartaa.
Qof ayaa seexan waaya.
Qof kale wuxuu rabaa inuu maalinta oo dhan seexdo.
Qaar waxay habeenkii soo jeedaan iyagoo fikiraya.
Qaarna subaxdii waxay soo toosaan iyagoo weli dareemaya daal.
Hal ama laba habeen oo hurdo xumo ahi maaha in qof lagu yiraahdo dhibaato nafsiyeed ayaa haysa.
Laakiin isbeddel joogto ah oo hurdada ah, gaar ahaan haddii uu la socdo isbeddel niyadeed, tamar-yaraan ama awoodda shaqada oo hoos u dhacda, waa wax mudan in fiiro loo yeesho.
6. Wax kasta waxay kuu noqdaan culays
Waxyaabihii yaryaraa ee aad hore si fudud u qaban jirtay ayaa hadda kuu muuqda kuwo aad u adag.
Jawaab celinta fariin.
Qolka nadiifintiisa.
Waxbarashada.
Shaqada.
Xitaa inaad sariirta ka kacdo.
Waxaad rabtaa inaad wax qabato, laakiin waxaad dareemaysaa in maskaxdu kuu leedahay:
“Not today.”
Marka xaaladdani noqoto mid soo noqnoqota, waxaa laga yaabaa inay muujinayso in qofku uu la tacaalayo culays ka badan inta uu hadda awoodi karo.
7. Dareenkaaga ayaa noqda mid aanad si fudud u xakamayn karin
Wax yar ayaa kaa xanaajinaya.
Wax yar ayaa ku murugaynaya.
Mararka qaar waxaad si lama filaan ah u dareemaysaa inaad ooydo.
Mararka qaarna waxaad dareemaysaa waxba.
Culayska joogtada ahi wuxuu saamayn karaa sida qofku u maareeyo dareenkiisa.
Taasi macnaheedu maaha inaad tahay qof dabeecad xun.
Waxaa laga yaabaa inay tahay maskaxdaada oo leh:
“I have had enough.”
Marka culaysku bato, xitaa waxyaabaha yaryar waxay u muuqan karaan kuwo aad u waaweyn.
8. Waxaad dareemaysaa rajo la’aan
Tani waa mid ka mid ah calaamadaha ay tahay in si gaar ah loo qaato.
Waxaad bilaabaysaa inaad rumaysato:
“Waxba isma beddelayaan.”
“Mustaqbal ma lihi.”
“Wax walba sidan ayay ahaanayaan.”
Laakiin waxaa muhiim ah in la fahmo hal arrin:
Dareenka maanta aad qabto ma aha saadaasha noloshaada oo dhan.
Marka maskaxdu daasho, mustaqbalka waxay u muuqan kartaa mid ka madow sida uu dhab ahaan yahay.
Waxa aad hadda dareemayso waa xaalad aad ku jirto—not necessarily the future you will have.
9. Waxaad dareemaysaa inaad naftaada ka fogaanayso
Tani waa dareen ay dad badan ku adkaan karto inay sharxaan.
Waxaad leedahay:
“Ma garanayo waxa iga socda.”
Waxaad samaynaysaa waxyaabo adigoon garanayn sababta.
Waxaad ogaanaysaa in qofkii aad ahayd uu kaa duwanaaday.
Waxaad dadka u sheegaysaa inaad fiican tahay, laakiin marka aad kaligaa noqoto waxaad dareemaysaa wax kale.
Mararka qaar dhibaatada ugu weyn ma aha in qofku uusan garanayn waxa dunida ka socda.
Waa inuusan garanayn waxa gudihiisa ka socda.
Laakiin hal arrin muhiim ah…
Ha akhrin calaamadahan oo dhan kadibna isla markiiba naftaada ha u samayn diagnosis.
A symptom is not always a diagnosis.
Qof walba mararka qaar wuu murugoodaa.
Qof walba wuu walwalaa.
Qof walba wuu daalaa.
Qof walba wuxuu leeyahay maalmo uusan rabin inuu cidna arko.
Waxa muhiimka ah waa joogteynta, xoogga calaamadaha, iyo saamaynta ay ku leeyihiin nolol maalmeedkaaga.
Haddii calaamaduhu muddo sii socdaan ama ay si weyn u saameeyaan waxbarashadaada, shaqadaada, xiriirradaada ama awooddaada inaad noloshaada maamusho, la hadalka xirfadle caafimaad ama caafimaad-nafsi waa tallaabo muhiim ah.
Ma aha ceeb.
Ma aha daciifnimo.
Waa daryeel.
Mararka qaar maskaxdu ma dalbanayso inaad xoog badnaato
Waxaan mararka qaar nafteena ku qasnaa inaan xoog yeelanno.
Waxaan leenahay:
“Waa inaan iska adkaystaa.”
“Dadku way iga daran yihiin.”
“Waxba ima hayaan.”
Laakiin xooggu mar walba ma aha inaad wax walba kaligaa xamili karto.
Mararka qaar xooggu waa inaad tiraahdo:
“Waxaan u baahanahay caawimaad.”
Qofka dhaawacmay ma aha qof daciif ah.
Qofka ooyaya ma aha qof daciif ah.
Qofka caawimaad raadsanaya ma aha qof daciif ah.
Sometimes, asking for help is one of the strongest things you can do.
Ugu dambayn
Waxaa laga yaabaa in qof kasta oo akhriya qoraalkan uu isku arko hal ama laba calaamadood.
Taasi macnaheedu maaha inaad “dhibaato nafsiyeed qabto.”
Laakiin haddii aad muddo dheer dareemaysay inaadan ahayn sidii qofkii aad hore u ahayd, haddii farxaddii kaa yaraatay, haddii maskaxdaadu nasan weyday, ama haddii nolosha maalinlaha ahi kuu noqotay culays—ha iska indhatirin.
Naftaada dhegayso.
Mararka qaar jirku wuxuu kuu sheegaa inuu daalay.
Mararka qaar maskaxduna sidaas oo kale ayay samaysaa.
Waxaad mudan tahay inaad naftaada fahanto ka hor inta aadan naftaada xukumin.
You don’t have to be falling apart to deserve support.
Caawimaad uma baahnid oo keliya marka wax walba burburaan.
Mararka qaar waxaad caawimaad u baahan tahay marka aad weli isku dayayso inaad wax walba isku hayso.














