Uukow Media
Ma garanayo halka aad hadda joogto, waxa aad ku mashquulsan tahay, ama xitaa haddii aad hadda ogtahay in meel adduunkan ka mid ah uu jiro nin maalin uun qalbigiisa, gurigiisa iyo mustaqbalkiisa kula wadaagi doona. Laakiin hal shay ayaan ogahay: maalinta aan kula kulmo, waxaan jeclaan lahaa inaanan kuu arkin oo keliya gabadh aan jeclaaday, balse aan kuu arko qof aan doonayo inaan noloshayda inteeda kale la dhiso.
Waxaan rabaa in sheekadeennu aysan ku bilaaban erayo qurux badan oo keliya, balse ay ku bilaabato isbarasho, ixtiraam, kalsooni iyo laba qof oo si tartiib ah u ogaanaya in laga yaabo in Ilaahay isu soo diray.
Bilowgeennu wuxuu noqon doonaa maalmo aan is baranayno, qosol aan sabab weyn lahayn, sheekooyin habeenkii dheeraada, iyo fariimo laga yaabo inay ku bilaabmaan “iska warran?” balse si lama filaan ah ugu dhammaada saacado sheeko ah. 😂
Waxaan rabaa inaan noqdo qof aad hortiisa ku noqon karto naftaada dhabta ah. Qof aadan ka baqayn inaad u sheegto waxa ku farxad geliya iyo waxa ku dhaawaca. Waxaan rabaa inaan ogaado marka aad aamusto waxa maskaxdaada ka socda, marka aad xanaaqdo waxa ku dejinaya, iyo marka aad faraxdo waxa indhahaaga ka muuqda.
Marka jacaylkeennu weynaado, waxaan rabaa inaan dhisno guri aan quruxdiisu ku koobnayn darbiyada iyo alaabta dhex taalla, balse uu noqdo meel labadeennu nabad ku helno.
Kadibna, haddii Ilaahay nagu gallado carruur, waxaan rabaa inaan noqono waalid ay carruurteennu ku faanaan.
Waxaan rabaa inaan arko adigoo hooyo noqotay, aniguna aan noqday aabbe, oo labadeenuba mararka qaar is eegno annagoo yaaban sida laba qof oo is jeclaa ay u noqdeen laba qof oo mas’uul ka ah nolol yar oo guriga dhex ordaya. 😂
Waxaan rabaa subaxdii inaan maqlo carruurta oo isugu yeeraya, mid wax doonaya, mid ooyaya, midna aan la garanayn waxa uu sababta u yahay. Waxaan rabaa inaan arko guriga oo mararka qaar buuq noqda, alaab meel walba taal, iyo adiga oo leh “Carruurtaada ayaa wax walba kala dhigay!” aniguna aan ku iraahdo: “Carruurteenna ayay yihiin, ha ila qaybsan masuuliyadda!😂
Waxaan rabaa inaan carruurteenna barno in jacaylku uusan ahayn hadal oo keliya. Waxaan rabaa inay arkaan annaga oo is ixtiraamayna, is cafinayna, is garab taagan marka noloshu adkaato, oo aan carruurteenna tusno in qoys wanaagsan lagu dhiso dulqaad iyo dadaal.
Waxaan rabaa in wiilashayadu ay kaa bartaan sida haweeney loo ixtiraamo, gabdhahayaduna ay iga bartaan in nin wanaagsan uusan ahayn qof hadal badan oo keliya, balse uu yahay qof masuul ah, daacad ah, naxariis leh, oo marka uu ballan qaado isku dayaya inuu oofiyo.
Waxaan rabaa inay ogaadaan in gurigoodu yahay meesha ay mar kasta ku soo noqon karaan.
Sanado badan kadib, waxaan jeclaan lahaa inaan ku arko adigoo carruurteennii waaweyn daawanaya. Waxaa laga yaabaa inay qaar jaamacad aadayaan, qaar shaqo bilaabeen, qaarna weli guriga joogaan iyagoo aan qorshayn inay weligood naga guuraan. 😂
Markaas waxaan rabaa inaan labadeenuba is eegno oo aan nidhaahno:
“Waxaan soo marnay wax badan, laakiin Ilaahay ayaa naga dhigay inaan maanta halkaan soo gaarno.
Carruurteennu way kori doonaan. Gurigii buuqa badnaa wuu aamusnaan doonaa. Qolalkii ay carruurtu ku ciyaari jireen way madhnaan doonaan. Waxaan mararka qaar xasuusan doonnaa codkoodii, qosolkoodii, iyo maalmahoodii yaraa.
Laakiin markaas waxaan rajaynayaa inaan weli is haysanno.
In aan weli xasuusanno maalintii ugu horreysay ee aan is baranay.
Oo marka aynu gabowno, aan awoodno inaan dib u eegno nolosheenna oo aan nidhaahno
Haddii Ilaahay carruur ina siiyo, waxaan rajaynayaa in carruurteennu ay maalin uun yiraahdaan:
Aabbahay iyo hooyaday waxay na bareen waxa uu yahay jacaylka dhabta ahi.
Aniguna markaas waxaan rabaa inaan dhinacaaga fadhiisto, gacantaada qabto, oo aan si hoose kuugu iraahdo:
Adigaa ahayd bilowgii sheekadan oo dhan.
















