Dadka badankood waxay balwad ku qabaan adeegsida badan ee Baraha bulshada iyagoonan ogayn.
Subixii markay sidaas u soo toosaan waxa ugu horeeya ay ka wardoonayaan waa taleefonkooda.
Habeenkii markay sii seexanayaan waxa ugu danbeeya ay indhahooda qabanayaan waa taleefonkooda.
Markay dareen yar oo aanan wanaagsanayn dareemaan, waxay isku ilowsiinayaa inay taleefonkooda gad-gadiyaan.
Jiilkan hada nool waxaad u moodaa inuu u hogaasamay inuu adoon u noqdo Baraha bulshada, taasoo ah wado aad khatar u ah.
Anigoo halkaas kasoo duulaya ayaan rabaa saaxiibayaal inaa qormadaan kooban idiin kula wadaago qodobadaan ee soosocda:
- Sababta ay tahay inaa adeegsiga badan ee Baraha Bulshada iska xakamayno?
- Adeegsiga badan ee Baraha bulshada sidee ayuu maankeena u saameeyaa?
- Afar tallaabo aad hada iskaga maarayn kartid, adeegsida xad-dhaafka ah ee Baraha bulshada.
Sababta ay tahay inaa adeegsiga badan ee Baraha Bulshada iska xakamayno?
Dadka badankood aqoon uma laha in Baraha bulshada dadka handasay ay yihiin: injineero iyo dhakhaatiir cilmiga nafsiga bartay.
Ku waasoo ujeedadooda ugu wayn ay tahay, markaad soo gashid application ka aadan ka bixin oo wakhtiga ugu badan ku qaadato.
Sidaas daraadeed ayay u sameeyeen shaashadan aanan dhamaad lahay ee scrolling le, waxay rabaan qofku markuu app-ka ku dhufto inuu wakhti badan ku dhex jiro.
Eeg adigu TikTok markaad gashid wax-yar baad ku dhex jiraysaa, kadibna saacadaad eegaysaa mise 2-saac baad scrolling samaynaysay!
Waa arin layaab le soo ma aha!?, Baraha bulshada waxay u handaseen sidii maandooriyaha oo kale. Markaad furtid ayaaba kugu danbaysa wacyiga aad wakhtiga u qabtid.
Waligaa ma agfariisatay qof Baraha bulshada adeegsanaya, waxaad u moodaysaa qof uusan maankiisu jooginba: gacmihiisu si is-kood ah ayay shaashada ugad-gadinayaan, indhihiisu shaashada ayay ku dhajisan yihiin, wacyigiisu goobta uu fadhiyo maba joogo. Waxaad u moodaysaa ina maankiisa lala wareegayba.
Adeegsiga badan ee Baraha bulshada sidee ayuu maankeena u saameeyaa?
Marka laga hadlayo saamaynta adeegsiga badan ee Baraha bulshada ay ku leedahay maankeena waa mid run ahaan tii indhahaaga si fiican ukala furidoonta, oo yaab kugu abuuridoonta.
Markaad ogaatidna baddelidoonta qaabka aad adigu u adeegsatid Baraha bulshadaada, waxayna kala yihiin:
B. Dopamine iyo Filashada
Markaad Baraha bulshadaada aad isticmaalayso, falka ah inaad shaashadaada aad gad-gadinayso adigoonan ogaan waxa kaa hor imaan doona wuxuu kicinayaa habdhiska abaalmarinta ah ee maskaxdeena.
Marwalba aad scrolling aad samaynayso maskaxdaada waxay soo sii daynaysaa kiimikada Dopamine –ta, taasoo kugu boorinaysaa inaad adeegsigii sii wadid.
Marwalba aad heshid wax kaa farxad galiya, marwalba aad heshid wax aadan filayn, marwalba aad heshid wax aad layaabtid.
jirkaaga waxa lagu soo fasaxayaa xad aad u badan ee kiimikada Dopamine-ta.
T. Aqoonsiga Bulshada
Bini aadamku waxay u abuuran yihiin inay raadiyaan xiriir bulsho iyo in la aqbalo. Waagii hore dadku koox-koox ayay uwada noolaayeen, ruuxu siduu u badbaado waxa khasab ahaa in bulshada uu ku dhex jiro laga aqbalo.
Haddii la aqbali waayo, waa la cayrinayaa oo duur-joog ayaa cilda ka helaysa, halkaasna malagiisa ayaa galaya.
Marka inuu qofku raadiyo aqoonsiga dadka kale waa baahi dabiiciya, hasayeeshee ikhtiraacida Baraha bulshada ayaa baahidaas aad uga faa’idaysatay.
Marwalba aad sawir soo dhigtid Baraha bulshada oo dadka kale ay ka helaan, waxaad dareemaysaa dareen aad u waagsan.
Marwalba aad faallo ku soo qortid Baraha bulshada, markay dadka kale ay Lawadaagaan dadyow kale, waxaad dareemaysaa dareen heer sare ah.
Midkasta oo ka mida xilliyadaas waxay kicinayaan xaruumaha abaalmarinta maskaxdeena, kuwaasoo daboolaya baahidii dabiicigaa aheed ee Aqoonsi Raadinta.
Sidaas awgeed ayaad arkaysaa dadka badankood iyagoo Baraha bulshada 24 saac sawiro iyo muuqaallo soo dhigaya iyagoo u jeedadooda ugu wayn ay tahay: dadku ha u bogaan, dadku ha ku dhahaan waad qurxoon tahay iyo dadku ha ku amaanaan.
J. Daciifinta Qaybta Hore ee Maskaxda (Prefrontal Cortex)

Sida aad u badsanaysid isticmaalka badan ee Baraha bulshada, waxaad arkaysaa adigoonan is-xakamayn karin. Taleefonka markaad aragtidba aad isla markiiba soo qabsanaysid oo aad TiTok furaysid.
Maxaa keenaya arinkaas?!
Horay waxaan usoo fahanay in isticmaalka badan ee Baraha bulshada inuu maanka ku soo fasaxayo dopamine badan, sidaas awgeed waxa xoogaysanaya neerfaha iyo wadooyinka uu dopamine-ku marayo.
Taasoo ka dhigaysa caadada inaad scrolling samayso mid otomatik ah, markaad heerkaas aad gaartid waxa wiiqmay awooda ay leedahay Qaybta-hore ee maskaxda (Prefrontal Cortex).
Qaybtaas oo qaabilsan: is-xakamaynta, go’aan qadashada iyo feejignaanta. Waa arinka ku sababa dadka Baraha bulshada aadka u isticmaala inay taleefonkooda iska qariyaan, sababtoo ah markay arkaan awood umalaha inay naftooda xakameeyaan.
Sidee iskaga xakamaysaa adeegsiga Baraha Bulshada?
- Waa inaad ogaal-nafeed(self-aware) u leedahay adeegsiga badan ee Baraha Bulshada.
Midka mida waxyaalaha ugu awooda miiran aan anigu sameeyo markaan isku arko Baraha bulshada inaa si xad-dhaaf ah u adeegsanayo waxa weeye inaa wacyi ulahaado.Isbadelka lagu sheegayo halkaan ayuu ka bilaabmaa, markuu qofku ogaal-nafeed ulahaado dhaqan isaga aanan u wanaagsanayn. Dhaqamadaada markaad qiimaynaysid waa inaad u eegtid sidii qof dibadda ka jooga, oo aad is tiraahdid;- Dhaqankan sii samayntiisa ma ii fiican yahay?
- Maxaa igu kallifaya inaa sameeyo, marka kowaadba?
Is ilowsiiyaan cidlada ay dareemayaan.Is ilowsiiyaan cadaadiska haya.Is hilmaamsiiyaan buuqa noloshooda.
Sideedaba waa inaad mid ogaataa hadii aad tahay qof dhalinyaro ah; dareen laga dhuunto ama la is-ilowsiiyo meel ma aado.
Hadii aad stress noloshaada ku dareemaysid oo aad TikTok isku ilowsiinaysid, markaad taleefonka meel dhigtid stress kii waakan meelna ma uusan aadin.
Waa inaad qaabab kale oo caafimaadle aad u maaraysaa dareemaha kugu sababaya inaad maankaaga 24-saac mashquulisid.
Qodobka saddexaad ayaa sii faahfaahin doona hasayeeshee waxa ka mida qaababkaas: Hadii aad cildo dareemaysid; saaxiibadaa, ehelkaa ama dad aad jeceshahay ka ag dhawow oo wakhti la qaado.
Hadii aad Cadaadis dareemaysid: Jirkaaga dhaq-dhaqaaji, socod aad, guriga ka bax, jimicsi suubi. Muuqaal dhan ayaa jira oo aan uga hadlay sida loo maareeyo walwalka nolosha, inaad soo daawato ayaan talo kugu siin lahaa. - Xilliyo ay mamnuuc tahay inaad adeegsato taleefankaaga?
Waxa ugu horeeya aan suubiyay markaan arkay adeegsigayga Baraha bulshada inuu tiro-beel noqday waxay aheed, inaa xilliyo maalintayda ka mida aan bandow kusoo rogay inaa isticmaalo taleefonkayga.
Xiliyadaas waxa kamida: Saacadda ugu horaysa aan subixii soo tooso, Markaan shaqeenayo, Markaan jimicsi suubinayo, markaan saaxiibaday la joogo iyo saacad ka hor inta aanan habeenkii seexan.
Waxa laga yaabaa inaad tiraahdid cabdifatax wuu ku dhuftay hahaha, laakiinse run ahaantii sida tan noloshayda ayay badeshay.
Kuma lihi sidayda soo minguuri oo samee, laakiinse waxaan ku leeyahay sababaha aan u sameeyo bal ila dhagayso: Markaan subixii sidaas u soo tooso aduunka ilaahay abuuray waxaan ugu necbahay inaa maalintayda ku bilaabo inaa Baraha bulshada galo, waxaan dareemaa inay fir-fircownidii ay maalintaydu laheed in la iga siibto, sidaas awgeed subixii khadka ma soogalo.
Dadbadan ayaa noloshayda igu dhaha Cabdifataaxow subixii khadka maxaad uga maqan tahay?, Waxaan ugu jawaabaa; Waxaan jeclahay inaa maalintayda ku bilaabto anigoo Shax-shax dareemaya 😉
Marka la joogo habeenkiina anigu hadiyo jeerba waxaan sameeyaa marka lagaaro xiliga aan seexan lahaa saacad ka hor ayaan shaashada oo dhan xiraa: Taleefonka, laptop ka iyo TV gaba.
Sababtoo ah Diraasado badan ayaa muujinaya in adeegsiga: taleefonada, Laptop, TV iyo dhamaan agabyada shaashadahooda iftiin soo daaya ay hoos u dhigaan hormonka ka hurdada Melatonin, taasoo sabab u noqonaysa inay wakhti dheer ku qaadato inaad seexato. taasoo keenaysa hurdo yari iyo inaad daal dareentid markaad soo toostid.
Hadii aad is leedahay, taleefonkayga hadii aanan agtayda dhigin habeenkii maxaa subixii itoosinaya? Saacad Digital ah adeegso. Taasaa anigu adeegsadaa, meeshana waxay ka saaraysaa mar-marsiiyo kasta aad taleefonkaaga agtaadu u dhigtid. - Caadada baddel
Dhaqan hadii aad rabtid inaad noloshaada ka cirib-tirtid, ma aha inaad isaga faraha ka qaado. Laakiise waxa weeye inaad dhaqankaas mid ka wanaagsan booskiisa ku badashid.
Cuntooyinka mac-macaan baad jeceshahay, booskooda ku badel cunto macaan oo jirkaaga u fiican sida :Timirta, Tufaaxa, malabka, iwm.
Haddii aad aragtid inaad marwalba Baraha bulshada ku dhex jirtid, taas waa caado xun, caado xuna maxaan soo sheegnay?In habka ugu haboon ee lagu cirib-tiro ay tahay in caado fiican booskeeda lagu badelo, soo ma aha?
Anigu shaksi ahaantayda waxaan ogaaday inaad Baraha bulshada aad u adeegsado markaan wakhti firaaqo ah ku jiro, marka maxaan sameeyaa?Booskii firaaqada ahaa ayaan ku qabtaa falal aniga ii wanaagsan, sida: Buug akhrin, socod, jimicsi iyo saaxiibaday inaa wakhti laqaato.
Adiga waxaan kaa rabaa inaad wacyi ula haatid: xiliga aad ugu adeegsiga badan tahay Baraha bulshada iyo inaad xiligaas ku buuxisid caado kuu wanaagsan. - Ogeysiisyada (Notifications) iska xir
Caado samaynteedu waxay ka bilaabmataa tilmaan inuu qofku arko:Xalwal baad suuga ku dhex arkaysaa, waad soo iibsanaysaa.Hees shidan ayaad maqlaysaa, magaceeda ayaad baaraysaa si aad u dhagaysatid.Fariin codkeeda ayaad maqlaysaa, kadibna taleefonka ayaad soo qaadaysaa.
Anigu markaan intaas ogaaday ayaan go’aan saday saaxiibayaal inaa taleefonkayga Ogaysiisyada Baraha bulshada oo dhan aan ka xiro, marka laga reebo WhatsApp.Markaygi hore si kasta aan taleefonka is-kaga xakameeyo mar hadii aan maqlo fariin codkeeda taleefonka waan la haadi jiray.
Iminka taleefonkii shib, waxa laga yaabaa maalintaas oo dhan inaa dhowr jeer oo faro-ku-tiris ah aan soo qaato, markaasna aan dan cad ka leeyahay.Adiguba tijaabi bal, maantay iska xir taleefonkaada ogaysiisyada Baraha bulshada. Waxaad arkaysaa gacantii ku cun-cunaysay inay caadi noqotay)
Gunaanad
U jeedadu ma aha inaa Baraha bulshada adeegsigeeda joojino balse waxa weeye inaa u jeelano ogaal-nafeed wakhtigeena qiimaha le meesha ugu badan uu innaga baxayo.
Xigasho














