Nabaadiino
Waa Ekiskaagii ee afurr wanaagsan. Goobtaad joogto inaad ku caafimaad iyo nabadqabto ayaan rajaynayaa. Intaa kadib, waxaa sannad jirsaday Kala tageennii. Badi xidhiidhada dhammaada saddex nooc ayaa la sheegaa inay ku idlaadaan. Kuwa ayaa si qaab iyo foolxun ku kala taga. Waa isku xanaaqaan oo isbaloogaan. Kuwane wanaag ayay ku kala tagaan. Midba ka kale intuu samo u rajeeyo ayay si fudud u kala dhaqaaqaan. Waxaa se jirta nooc saddexaad oo u dhexeeya labadaasi.
Kuwaasi waa kuwa kala aammusa, deedna sidaa xidhiidhka ku dhammaada! Iyaga oo aan isku foolxumaanin, dhanka kalena wanaag isu rajaynin ayay wax walba dhammaadaan. Waa tabtii uu xidhiidhkeenu ku dhammaaday. Dhimbishii dareen ee gunta qalbiyadeena ka kacday ee dabka weyn ee cishqiga shidday ee siday muddo u halaclaynaysay waa tii mar kaliya dantay!Dhabtii waa wax aad looga xumaado in arrimaha qaar ay sidaa fudud ku soo idlaadaan. Malaha sababaha ka dambeeya, waxa uun baan ku soo koobi karaa; waxyaabo ay ahayd inaan samayno oo aynan samaynin iyo waxyaabo ay ahayd inaanan samaynin oo aynu samaynay.

Ah! Miyaan kuu Falsafadeeyay?! Ha ku laaban anigaa si ka fudud kuugu dhigiye. Ereyo iyo ficillo loo baahnaa in aynu samayno ayaynan samaynin. Taa cagsigeeda waxaan ku kacnay ficillo iyo ereyo dhabarjab ku ah xidhiidhkeena.Malaha sababta aan arrinkaa u wada sixi weynay; waa inay isku beegantay duruufaheenna nololeed oo ina maasheeyay iyo tamarteena dareen oo hoosaysay. Iyada oo ay sidaa tahay ayaa waxaa xaqiiqa ah; inay cid uun qaadanayso badi masuuliyadda khaladka xidhiidhkeenii dhammaaday.
Haddaba kuula ma soo xidhiidhin si aan kuu eedeeyo ama ku inkiro sida dadka qaar sameeyaan. Taa beddelkeeda waa inaan kula wadaago waxyar oo adiga kugu saabsan oo gunta laabtayda aan in muddo ah ku qarinayay.Sida dabiiciga ah badi Insaanka waa ku adag tahay qof uusan dan ka lahayn ama ay kala dhammaadeen inuu wanaag iyo same u qiro. Isaga oo ka maqan ama hor taaganba. Qaybtaydii sharka ahayd iyo aniga waxaan in muddo ah loollannaba waxaan caawa go’aansaday inaan wax kuu qiro. Wax uun gacaladaydaaaaaaaaaaay!
Dhabtii aan dusha ka muujiyo inkiraad, se uurkayga waxa uu ku faraxsan yahay barashadaadii iyo wax kasta oo kugu saabsanaa. Muuqa sare inaan adke ahay muujiyo, se qalbigayga waxa uu u riyaaqsan yahay inaad sikin jeclaatay oo weliba laabtaada gelisay.
Waxaad ahayd Gashaanti jidh cuddoon oo ku dahaadhan ruux ka sii cajab badan. Waxaa kugu jirtay naf halgamaayad ahayd. Waxaad ahayd mid isu arkaysay inay ka macne iyo mugweyn tahay jidhkeeda, aragtidaas oo aanan ku arkin badi Gashaantimooyinka aynigaada ah. Naag isleh oo is ah oo naagnimadeeda ku qanacsan oo awoodaheeda aamminsan baad ahayd.Dhanka dareenka iyo dabciga waxaad ahayd qof dun macaan. Walow dulqaadka la la xidhiidhiyo danta iyo dareenka, haddane xilliyada aan isku xanaaqno oo uu miyirku yar yahay waxaad muujin jirtay dulbadni iyo tanaasul. Qof jajaban, ilbax ah, dhega nugul, furfuran, abuuri og dareenka, maareeya xaaladaha degdegga ah ayaad ahayd.
Dhab ahaantii kunjeer ayaan ku faraxsanahay in qof shakhsiyaddiisu ay sidaa u dhekafaarsan tahay inaan maalmo la midoobay oo qalbigeedii xariirta ahaa mar galay oo bishimihii abuurtooda cajabta badnayd ay mar “Gacaliye” igu tidhi
inaan lumiyay qof sidaa u yaab iyo cajab badan. Isku soo xoori oo ciqaabtaydu waa inaad iga maqan tahay! Maya! Maya! Waa innaan wanaagaaga iyo samahaaga xusuusto. Samaysanka Insaanka waxaa kamida; waxa uu u arko inuusan helayn ama uusan rabin waxa uu dusha ka saaraa foolxumooyin badan.
Waa sababta dadka kala taga ay meelaha iska eedeeyaan oo midba ka kale uu sawir foolxun ka gudbiyo. Balse aniga waxaan naftayda iyo ciddii ikaa warsataba u sheegidoonaa; cajabtaada, quruxdaada, halgankaada, kartidaada, dunwanaagaada iyo dareen-macaanidaada, si ay damiirkayga ciqaab ugu noqoto; inaan lumiyay qof sidaas oo kale ah.
Si kastaba guul, caafimaad, nabad iyo naf kuu qalanta ayaan kuu rajaynayaa.
















