Cimraan kolkuu warda ku yiri Hooyo ayaa arrinteena qasi rabto, Anigana waxba kama qarin dhammaan arrinteena waan u sheegay, waxaana arkaa ineysan iyada raali ka aheyn Meherkeena, Anigana waad ogtahay inaan ku jeclahay bal talo keen halkee wax ka bilownaa ?.

Warda markuu Cimran intaa uu ku yiri, sidii ruux dhiig kar ku dhacay intey xanaaqday ayey ku tiri: Taas aniga wax ha iga weydiin, adigaa Raggii ah oo i soo mehersaday Aniga, xaqna Adiga ayaan kugu leeyahay, Hooyadaada Aniga waxba igama gelin, waayo iyada ima qabto aniga, Hooyadaada waa qof kibir badan, Aniga iyo iyada meel kuma wada dhaqmi karno ee waxaan ku dhahaa Nakala Badbaadi Aniga iyo iyada, Halkii habeen aan la Seexday qolka ayaa waxaan ku sigtay inaan meesha ku Aflagaadeeyo waayo waxey igula hadleysay wax loo Adkeysan karo ma aheyn, weliba gabadhii Adna la dhalatay oo maqleyso waxa ay igula hadleysay.

Cimran ayaa dhahay Waan Ogahay Hooyo aad ayey u kulushahay, dulqaad ayey u baahan tahay.

Warda ayaa tiri dulqaad hadii u baahan tahay Adiga ayey kaaga baahan tahay, waayo Adiga ayey ku dhashay, balse Aniga iyo iyada dhexdeena waxa yaalo waa ixtiraam, haddii leyska waayana waa leys deynaa, koley Aniga Hooyadaada hadalada qaar kama yeeli doono, waayo habeenkaasi keliya igulama hadlin hadal ixtiraam leh, habeenkaas hadey iga baxsatay Nasiib ayey leedahay.

Cimran ayaa yiri Wlhi waa dhibaato wax aan sameeyo ma aqaan iyo meel aan wax ka bilaabo, Hooyo waa waalid oo hadalkeeda ma diidi karo, adigana Xaskeyga ayaa tahay waan ku jeclahay oo kuma xumeyn karo.

Warda ayaa hadalkeeda ku soo koobtay, Wlhi arintaasi Adigey kuu taal, aniga keliya waxaan ku leeyahay Aniga iyo Islaantaas ina kala Badbaadi, Aniga kibirka qaar ma qaadan karo.

Maamada oo qolka fadhiga ku jirto ayaa waxaa u timid Adna, Asma yareey ayaa u keentay Labadood Casariya, Salaan iyo wada sheekeysi gaaban ka dib, waxaa dhex martay Sheekadaan:-

Maamada ayaa tiri:- Adna saaka ma maqleysay Cimran taan ku dhigay.

Adna ayaa ku tiri May hooyo ma maqlin.

Maamada:- Saaka wuxuu iila yimid, hadal Ciyaal suuq.

Adna: Muxuu kugu yiri hooyo

Maamada: Edebdaradaasi ishaada ayu ka arkay, waayo Adiga ayey debecsanaa kaa arkeen, waxaanse la yaabay Anigu gabadhaas sidee gurigaada ugu Amintay iney muddo Sannad ku dhawaad ah ay kugula noolaato, oo damiir miyaadan laheyn hooyo ?, gabar Asaagaaga ah sidee Reerkaaga u dhex keentay ?, kama baqeysid miyaadviney reerka kaa fidneyso ?.

Adna:- Hooyo Saabiib ayaan aheyn oo waan iska aminay, dhankaasna kama aan fikirin balse ilaah dartiis ayaan u jeclaa maadaama aan Sxb iyada keliya aan ka lahaa.

Maamada ayaa tiri:- Hooyo waan arkaa inaad daacad u tahay, waxaan kuu sheegaa iney qoftaasi sheydaamad tahay, mar kalena ha soo dhaweysan, maxaa yeelay Arrintii aan hadda kaaga hadlayay ayey sameysay oo Aniga iyo Cimran waxaan Saaka ku doodeynay oo aan Cimraan guriga uga eryay waxey aheyd taas.

Adna oo Arrinta dhan hoosta kala socotay, baa tiri: Hooyo muxuu sameeyay Cimran?

Maamada: Cimran Naagta Saaxiibada aad aheydeen ayuu kula guursaday, adigana war uma heysid.

Adna oo iska dhigeysa qof aan war u heynin ayaa tiri: Alla ma sidaasuu sameeyay, waan filaayay waayo beryihii dambe xaaladooda anigaba waan ka Shakisanaa, lkn waa iska Adduun, hadduu isagu damiirkiisu sidaas siiyay dhib maleh waa Adduun iyo xaalkeeda.

Maamada ayaa tiri:- Waan u sheegay Cimran waxaan ku iri haddaad dhoocishaas soo mehersatay horey u raac, gurigeyga iiga baxa, gurigan Aniga ka sokow gabadheyda Adna ayaa leh.

Maamada si weyn ayey ugu bogtay Adna iyo Reerkeeda waayo waa Reer aad u fiican oon Aqoon Buuq iyo rabsho, waa Reer sharaf leh oo ay ku weyn tahay Qaddarinta Bini’aadannimada.

Xataa beryahaan markey aragtay gabadha Adna ka yar ee Asma, waxey la jeclaatay Wiilkeeda kale ee Cimran ka yar iney ku darto, oo waxey dooneysaa iney Wiilkeeda u shukaamiso oo ay ku darto maadaama ay aragtay iney Reerka ay ka dhasheen ay yihiin Reer aad u fiican.

Maamada waxey Adna u sheegtay Cimran wax kasta hadduu keeno inuusan waxba ka qaadi karin oo ay garabkeeda tahay Adna, waxey kaloo u sheegtay in uusan Cimran gurigeeda keeni karin Warda, oo ay gurigaasi Adna cid aan aheyn ineysan ku noolaan doonin, iyadoo ku tiri:- Gabadheyda Adna Adiga iyo Reerkiina waan idiin jeclahay, run ahaantii waxaad ka dhalatay Reer sharaf badan, mana ka Ogolaan doono Cimran in lagu xumeeyo, waayo lama helaayo gabar Adiga kuu dhiganta.

Maamada waxey sidaas ugu amaaneysaa Reerka Adna waa Shukaansi oo waxey rabtaa gabadha Gabadha Asmo ah iney ku darsato Wiilkeeda Caadil ee Cimraan ka yar.

Cimraan Laba habeen guriga kuma soo hoyan, wuu ka maqan yahay, Xaaskiisa kale ayuu u jiraa, bal maxaa dhici doona haduu yimaado ?.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted