Cimran markey guriga ka baxeysay Warda, dhulka ayuu eegayay isagoo Qalbigiisu aad u gubanaayo, markey baxdayna intu qolka soo galay ayuu Sariirtiisa aaday, Adna oo iyada farxad ka muuqatay maalintaas ayaa Cimran ku tiri:-
Haye Xaaji ii waran bal, aad baan uga xumahay in guriga laga eryo Saaxiibtaada Warda, waan ku arkaa maanta waxa kaa muuqda inuu Qalbigadu dhaawac culus gaaray, balse Aniga kuma xumeynaayo oo waajibaadka Alla iga saaray dhankaaga anoo gudanaaya, waxaa ku leeyahay mar 2aad soo dhawoow, balse ogow in aadan aheyn Qof dar Alle loo jeclaado, maadaama aad u hogaansantay Sheydaanka, Anigu kugu dayayn maayo Gacaliye Soo dhawoow baan ku leeyahay mar 2aad iyo mar 3aadba.
Cimran Afka wuu kala qaadi waayay waayo waxaa ku jirto Baqdin uu Hooyadiisa ka baqaayo, maxaa yeelay waxa uu ogyahay in Hooyadiisa iyo Reerkiisuba ay aad u jecel yihiin Adna, hadduu Adna hadal xun yiraahdana dhammaan Reerkiisa waa ka deyro.
Reerka Cimran waxey arkeen Adna iney tahay gabar aad u Akhlaaq fiican, Afgaaban isla markaasna Ixtiraam badan, waxaa u dheer in Cimran reerkiisa ay aad iyo aad u Qaddariso, qaasatan Hooyadiis, oo xataa mararka qaar ay Ciddiyaha u jarto, Lugahana u dhaqdo, iyadoo u ugu adeegeysa sida Hooyadeed.
Cimran meel uu wax ka bilaabo ma yaqaan, waayo Warda wuu soo mehersaday Hooyadiisna uma u sheegi kari, waayo waxaan shaki ku jirin iney Arrintaasi ay ku kala go’i doonaan isaga iyo dhammaan reerkiisa, wuxuu in badan ka fikiray sida uu arrintaasi uga dhaadhicin lahaa Hooyadiis, hadba fikir ayey soo saarta Maskaxdiisa balse markii ugu dambeysay wuxuu go’aan ku gaaray inuu Afka furto oo uu Hooyadiisa Shaaca uga qaado Arrintaas, ka dib wuxuu u yimid Hooyo oo qolka fadhiga ku jirta, Sheekadaan ayaana dhex martay isaga iyo hooyadiis:-
Cimran: Hooyo ii waran, see tahay ?
Maamada: Nabad Hooyo waan fiicanahay, adigana see ii tahay hooyo?
Cimraan: Hooyo aniga waan fiicanahay, waxaanse rabay maanta inaan kuu sheego Arin yar oo Aniga i khuseysa oo aan rabo inaad Adigana garab igu siiso.
Maamada: Haddey macquul tahay, intii karaankeyga ah waan kugu saacidaa Hooyo, bal ii sheeg maxaa daran ?.
Cimran: Hooyo Inaan wax kaa qariyo ma jecli, Beryahaan aan guriga ka maqnaa ee ay Adna kuu sheegtay, Aniga iyo Warda ayaan isla maqneyn, sidaas darteed Hooyo waan soo Mehersaday, oo waa Xaaskeyga, sidaas ayey wax u dhaceen ee la soco hooyo.
Maamada oo wejigeeda is beddelay ayaa waxey ku tiri: Mehersaday aa ?, Wallee Aniga iyo taas meel ma wada joogeyno, haddaad soo Mehersatay oo ay Xaaskaagu tahay Orod horey u raac, gurigaan Aniga ka sokow waxaa iska leh Gabadheyda Adna, cid ka bixin karta ma jirto, Adiga iyo Dhoocishaada xun, Orda meeshaad doontaan isla aada.
Qeylada Maamada waxaa maqleysay Asma yarey, oo jikada ku jirtay iyadoo Qado ku diyaarineysay, intaas ay Maamada ku dhaheysay Cimran iyo isaga warkiisa wey maqleysay Asma.
Maamada waxey Cimran ku tiri Horay u raac Naagtaas Ma xishootada ah oo damac ka galay Ninka qaba Sxbteed oo Amintay, Adna waa gabar Nasab ah, oo weliba Anshax iyo Asluub leh, mana aheyn inaad Sumcadeeda sidaas ugu ciyaartid, waa tan waa Xaamilo ilaah wax ku siiyay daacadnimadeeda, Adigase iyada iska daayoo xataa Aniga igamaadan xishoon, oo hadal aan kugu oran ayaa dusha iga saartay, oo reerka islaameed igu Ceebeysay, ee hadda intaan ku arkaayo iiga bax guriga, dhoocishaada meel haku geyso.
Asma wey soo dhameysay diyaarinta Cashada, ka dib wey soo baxday, qolkeeda ayey gashay, maadaama uu qolka Adna galay Cimran.
Adna intii ay wada hadlayeen Cimran iyo Maamada, qolka ayey ku jirtay wey la socotay wada hadalka Cimran iyo Hooyadiis.
Cimran goortuu soo galay qolka lama eysan hadlin oo wey maqleysay Maamada in ay iyada la Safan tahay, taas awgeedayey uga Aamustay oo waxey is tiri Maadaama ay hooyadiisa ku taageersan tahay, Adiga dhankaaga yaan laga arag wax dhaliil ah.
Cimran Madaxa ayu gacanta saartay oo madaxa ayaa xanuunay, Adna waxba kuma darsan Afkeeda wey xiratay, intuu is celin waayay ayuu ku yiri Madaxa ayaa I xanuunay ee Kaniin ii raadi.
Adna maba la hadlin, Asma intey u wacday ayey ku tiri Kaalay Talaajada Kaniinka ku jiro ee Madax xanuunka u keen.
Asma ayaa u keentay Kaniin iyo Biyo uu ku cabbo, marku cabay wuu iska Seexday, wuuna hurday.
5:00 galabnimo ayuu soo toosay, Casariya ayaa loo keenay, ka dibna intuu lebistay ayuu baxay, ka dib markuu magaalada dhex galay ayuu u wacay Warda oo uu ku yiri:- Igu imoow Hotelka, halkaas ayaa hada fadhiyaa, warna waan kuu hayaa.
Warda waa yahay intey tiri daqiiqado ka dibna wey u timid, oo meel gaas ah oo sheekada ku haboon intey fariisteen, ayaa Cimran waxa uu ku yiri Warda:-
Gacaliso waan ku Salaamay, see tahay, Xaalada ka waran.
Waxey tiri Gacaliye waan kuu fiicanahay, dhankaaga bal ka waran, maxaa soo kordhay, Hooyo ka waran see tahay ?
Kolkaas ayuu ku yiri Hooyo wey fiican tahay, dhamaan gurigana waa la wada fiican yahay, Xoogaa Arrintii ayaa isku Cakiran, si aan wax ka yeelo, ayaan fahmi la’ahay.
Waxey tiri Maxaa dhacan Xabiibi oo is beddelay ?.
Hooyo ayaa qorshaheena dhan naga qasi rabta, bal talo keen Xabiibti, Aniga waan u sheegay Arrintii, waxaana ka arkaa ineysan raali ka aheyn Meherkeena, Anigana waad ogtahay in aan ku jeclahay oo aanan kaa maarmin, talo keen bal maxaan ka yeelnaa arintan?
Warda ayaa intey Xanaaqday ku tiri Cimraan:-
( La soco Qeybta Xigta).














