Xilligii Seexashada kolkii la gaaray ayaa waxaa qol wada Seexday Cimran hooyadiis, Warda iyo Asma yarey oo ah Adna walaasheed, intaan la seexan kolkii Albaabkooda ay soo xirteen, waxaa hadal bilaabay Maamada oo Warda ku tiri: Hooyo Adiga gurigiina yaa kula nool ?, Warda waxey tiri Reerkeena oo dhan ayaan la joogaa.
Maamada:- Haddaad Reerka la joogtid, maxey tahay sababta aysan soo tabeynin Adigoo Sannad ka maqan, teeda kale Adna ma iyadaa kugu tiri Weligaaba guriga joog?,
Warda:- Maya hooyo lkn wey xanuunsatay Saaxiibadeey, intaas anaa garab u ahaa oo wax kasta u sameyn jiray.
Maamada: Waa yaabe iyada ma Curyaan baa, weli ifka kama dhicin Naag la guursaday oo gurigeeda u maamuleyso Saaxiibadeed, taasi waa wax lala yaabee, waa tan hadda Walaasheed ayaa u timid, ee Maandheey Orod gurigaada ah, Reerkiin ayaa kuu baahan.
Warda: Waa yahay Hooyo Berito waan baxayaa, haduu ilaah ka raali noqdo.
Maamada: Insha Allaah waa si wanaagsan,
Intaas ka dib waxey u soo jeesatay Asma yareey oo ay ku tiri:- Asma see tahay hooyo.
Asma: Nabad hooyo waan fiicanahay.
Maamada:- Asma waa kaas guriga, Walaashaada wey xanunsan tahay, Adiga guriga Hooyo ka noqo, intuu Adna soo hagaagaayo Caafimaadkeda Uurna wey leedahay, halaga ilaaliyo Shaqada badan waxa ay u baahan tahay Nasasho ayuu dhakhtarku inagu yiri.
Asma: Waa yahay Hooyo wax kasta anaa ku filan, wey soo fiicnaan doontaa Adna Insha Allaah.
Warda dhegaheeda markey ku soo dhaceen ama ay maqashay Adna Uur ayey leedahay, Madaxa ayaa Qarxi gaaray, waxey ku sigatay in ay Qeylo ku dhufato.
Habeenkii sidii ayaa lagu kala seexday, balse Warda wey seexan weyday, waayo fikir iyo murugo fara badan ayuu Waagu ugu baryay, waxaa Qalbigeeda ka guuxayay Shalaay aad u fara badan, iyadoo is leh: Alla dhibaato badanaa waa tan Saaxiibadeey oo i amintay ayaan Qayaanay, Ninkii aan ka xaagayna waa kan isaga ayaaba sidii Caruurtii loo canaantay, bal runta isaga sheego oo uu yiraahdo waan qabaa Labadoodaba.
Subaxdii markuu waagu baryay, ayey Asma yareey durba diyaarisay Quraacdii, kolkii la soo wada kacayna waxey ku diyaarisay Miiska, si fiican ayaa loo quraacday balse Warda ma imaan Miiska, waxey sheegatay cudurdaar been ah.
Kolkii la wada Quraacday, Cimran qolkiisa intuu galay ayuu What’s Apka fariin u qoray Warday oo uu ku yiri:
Xabiibti iiga waran Xaaladda.
Warda ayaa ku tiri: Diyaar ayaan ahay, Dharkeyga waan Xirxirtay waa baxaa ogoow, Maamada ayaa xalay igu tiri Gurigaada aadso, Reerkan dartaada yuusan u duminin.
Kolkey sidaas ku tiri Cimran jirka oo dhan ayaa gariiray, ma awoodo inuu Arrintaas ka hadlo, waayo Hooyadiisa aad buu u jecel yahay, hadalkeedana ma diidi karo, aad ayuu hadalkaasi uga naxay, ka dib ayaa wuxuu ku yiri:- Dhib maleh Maamada anaa si tartiib ah ula hadlaa, waxba haka welwelin.
Iyagoo sidaa u wada hadlayo ayaa Cimran waxa u wacday Hooyadiis oo weli qolka fadhiga ku jirto, Cimran wuu u tagay, kolkaas ayey ku tiri: Cimran Hooyo Naagta halkan ku jirta maxey tahay,
Kolkaasxayuu ku yiri: Hooyo waa Adno saaxiibadeed.
Maamadii baa tiri Haddeey tahay Saaxiibadeed ma labadood ayaad soo wada guursatay mise Adna ayaad soo guursatay.
Cimran ayaa yiri Adna ayaan soo guursaday.
Maamada: Waa tahay guriga kuma arki karo gabadhaan iga saar isla maanta.
Cimran Waa yahay Hooyo anaa si deggen ula hadlaa igu halee.
Maamada Waa tahay guriga nooga saar Balaayada, waan ku arkaayay Shalay markaad guriga imaaneyseen gacanta ayaad iska heysateen, bal ka waran Adna wey ila fadhisay hadeey ku arki laheyd sow Reerkaagu ma burburi laheyn. Bartaas ayaa Shaki weyn aan ka qaaday kow dheh, waxaan ku leedahay Sheydaamadaas arageeda iga qari, isla maanta.
Asma yareey iyadana waxey u timid walaasheed Adna oo qolkeeda ku jirta, kolkaas ayaa waxaa dhex martay Sheekadaan:-
Asma:- Adna Abaayo xalay markaan seexanenay Warda waa lagu qeyliyay,
Adna: yaa ku qeyliyay Warda.
Asma: Cimran hoyadiis ayaa tiri Berito gurigiina aad, meeshaan Reer ayaa joogo, Reerkooda ha dhaqdaane faraha kala bax, waayo Hal sano ayaan ag joogtaa, waa Ceeb Reer Usbuuc wax ka badan in laha joogo.
Adna: Waa Runted Maamada waayo Aniga hadda ayaa Shaki iga galay Labadooda, isku maalin ayey baxeen, isku maalinna wey soo laabteen, weliba shalay markey imaanaayen gacanta ayey iska heysteen, markaan arkay ayaan ka jeestay.
Asma, Saas hadeey yeeshay wey Edeb daran tahay ha baxdo, maxey u joogeysaa?.
Adna: Bes waaye gurigooda ha aado, maxaa naga galay haddey Saaxibtinimadii iyo Wanaagii ay garan weysay hana dhaafto.
Daqiiqado ka dib waxaa ka oo baxday qolkeeda Warda oo Boorsadeeda wadato, iyadoon cidna aan la hadlin ayey Albabka ka soo baxday, xataa Saaxiibadeed Adna macsalaama ma dhahin, intii ay baxeysay Cimran dhulka ayuu ku sii jeeday oo hadal waa laga waayay, intaas ka dibna qolkiisa ayuu iska soo galay, Adna ayaa ku jirtay, Adna iyada farxadda intey ka badatay ayey ku tiri Cimraan.
( La soco Qeybta Xigta).














