Sheekada oo Maamooyinka halkaas u mareyso, misana ay guriga soo galeen Cimran iyo Warda oo gacmaha is heysta, ugu horeyn Cimraan iyo Warda Naxdin awgii Wadnaha ayaa gariiray waxa ay ku dhawaadeen iney isla meesha ku dhacaan, waayo isma aysan laheyn Waalidka ayaa guriga idiinkaga horeya, isla goortii ay soo galeen waxaa durba isku dhacay Lix indhood, oo ah labada hooyo iyo Adna, waa leys wada eegay, Waxaa u shidma Filim cusub oo aysan weligooda daawan, waxaa hadalka si dhib ah uga soo baxay isaga oo ku yiri:- Hooyo ii waran goormaa timid, maxaad iigu soo sheegi weysay inaad imaaneyso?.
Hooyadii ayaa ku tiri:- Hoog kugu dhacyee maxaan kuu soo sheegaa ?, Sow Adiga Adduunkaagii dhamaan ku ciyaaray ?, ma imaan laheyn balse waxaan gurigeyga iga soo kaxeeyay waa Adiga dartaada, ka dib markaan arkay sida aad u galeysid Gabadhaan Maskiinta ah ee Adigan foosha xun kaa soo dooratay waxa Rag aduunka ku nool, maxaa dhacay sow Xaaskaaga maaha?, Haa ayuu yiri, ka dib ayey ku tiri: Maxaa sababay inaadan u sheegin halka aad aadeyso.
Kolkaas ayuu la soo booday Hooyo waan u sheegay, waxey tiri Been baad sheegeysaa, haddaad run u sheegi laheyn Teleefankagu kama aadan densan laheyn, maalin kasta Aniga ayey iga kaa wareysan jirtay, iyo Wiil saaxiibkaaga ah, waxaa aad sameysay ma nasabnimo baa?, taas waxaaba ka sii daran oo rabaa inaad hadda horteyda ku cadeyso halka aan kaagala hadlay ama aan kugu iri Gabadha Uur hadey laheyn iska Fur. (Intaa ka dib waxey u raacisay), Waryaa Cimraanow waan ku arkaa Ciyaal suuq baad noqotay, bal gabadhaan ku daba socotana maxey tahay ?,
Adna iyo Hooyadeed waxey dhageysanayaan hadalka iyo Gantaalaha lagu ridaayo Cimran iyo Warda.
Intaas goortey Cimran ku tiri hooyadiis, Isaga iyo Warda waxaa ku dhegay hadalkii, talo ayaa ku cadaatay oo waxey la’yihiin halkii ay ka bilaabi lahaayeen hadalka, in yar ka dib waxaa is qasbay Cimraan oo isku dayay inuu sheego, wuxuna yiri:- Hooyo taleefanka ma densanin Aniga ee Biyo ayuu iiga dhex dhacay oo wuu iga halaabay, Maamadii ayaa ku tiri Waxba kaama halaabin ee Runta ka hadal maanta, gabadhaan wixii ku daba dhigayna ka soo hadal.
Cimran iyo Warda wey isa soo mehersadeen, cidna ma oga Arrintaasi, iyaga Cimran iyo Warda waxey u soo socdeen iney Adna ay ku jees-jeesaan Maanta, balse waxaa la kulmeen waalidkii oo aad u kulul.
Cimran wuxuu yiri Hooyo gabadhaan waa Adna Saaxibteed, oo guriga ayey nala joogtaa, qolkaas ayeyna degen tahay, Hooyadii ayaa Adna ku tiri Adna gabadhan ma run baa iney guriga idin la joogto ?, Adna baa tiri Haa hooyo, ayaamihiin Arooska ayaan u yeertay iney guriga howshiisa iga saacido.
Cimran hooyadiisa ayaa Adna ku tiri Hooyo hadey sidaas tahay maxaa dad u eedeyneesaa, sow Adigan Middidaada isku gowracay.
Adna ayaa tiri Maxaa dhacay hooyo ?, Maamadii ayaa tiri Adna hooyo ma xilligaan baa Saaxib Guriga la keenaa ?, ee Hooyo Guriga yaan lagaa fidneyninee, Bini’aadan lama amino.
Weli hooyada wiilked Cimran kama harin, waxey ku tiri: Reerkaan Ixtiraamka in dhex yaal, beentaad iiga sheegtay waa iney ka qancaan, waxa aad inoo sheegtaa goorta aan kugu iri Uurka ma kuu leedahay Gabadha ?.
Cimran oo hadalka ka soo bixi la’, ayaa Adna Hooyaded ku tiri Maamada War wuu Cad yahay inaada Adiga ku dhihin Wiilka waan aragnaa, Bal Adiga naga raali noqo, midda kalena Reerkaan sidii uu ku waari lahaa falkeeda hala galo,
Cimran hooyadiis hooyadiis oo Waayo arag ah ayaa tiri Arrinta intaan joogo Anaa meel saarayo ee haley yara Sugo, tan kale gabadheyda Adna Adigana waxaan kuu sheegayaa inaan kaa arko daldaloolo, waxaase lagaa rabaa inaad Naf is geliso oo gurigaada Adiga Marwo ka noqotid, waayo Hal sano gabar islaameed iney kula joogto waa dhibaato, waan Ceeb, taas waxey sababi kartaa inuu Reerkaagu Burburo, waayo waqtiga la joogo cidna lama Amino Ogow.
Adna hooyadeed wey ku qanacday hadalka maamada kolkaas ayey gabadheeda ku tiri Maadaama Uur lagu soo sheegay, kuna yiri dhaqtarka Nasashada badi, ka dib ayey Gabadheeda iyo Maamada waxey ku tiri:- Adna Nasasho badi ayuu dhaqtarka ku soo yiri, sidaas darteed waxaan kuu soo diraa Walaashaada Asma, iyada ayaa idinku filan (Asma waa Adna walaashed ka yar), Adna iyo Maamada waxey yiraahdeen waa si fiican.
Warda ayaa durbadiiba soo booday oo ku tiri Adna hooyadeed: Maya Hooyo Asma iska daa Anaa la joogo Saaxiibteey oo wax kasta ku filan, waxaa isla markiiba u jawaabtay Cimran hooyadiis oo ku tiri, Maya Walaasheed ayaa ku wanaagsan iney Hawsha u qabato, markii hore ayeyba Qalad aheyd Walaasheed oo joogta in ay Adiga kuu yeerato, waayo Adduunku wuu is beddelay Maanta.
Warda iyadoo aad u naxsan oo hadal xataa ka soo bixi waayay ayey Qolkeeda gashay, waxa ayna horey ka bilowday Dhar Xirxirasho iyo diyaar garow oo waxey dareentay Xaaladda guriga iney is beddeshay oo waxey qalbigeeda gashatay in Guriga laga eryi doono, oo weliba iyada iyo Cimrana sidaasi isku seegi doonaan, maadaama ay aragtay Hooyo aad u kulul, oo aan aqoonin war lala gambado.
Durba Adna hooyadeed wey soo dirtay gabadhii yareed ee Asma, Asma ayaa u timid Guriga oo dhaqi hawshii kala habeysay, Cashiina wey diyaarisay.
Xilligii Cashada goortii la gaaray ee gabadhii yareed ee Asma ay Cashada ku diyaarisay Miiska, ayey u yeertay dhamaan in leysugu yimaado Cashada, waana la soo wada xaadiray, oo si wanaagsan oo Asluub ku jirto ayaa loo Casheeyay, maadaama ay Warda iyo Cimran ay is lahaayeen Caawa Adna ku jees-jeesa, waa tan dhacday Arrintaa Lama filaanka ah ee kedis ku noqotay Labadooda. Warda Caawa war iska daayee xataa waxaa laga la’yahay Salaanta oo waxey is leedahay tolow goormaa guriga lagaa eryi doonaa ?.
Xilligii jiifka markii la gaaray Cimran wuxu iska xaadiriyay Sariirtiisa Adna agteeda, ilen Cawa lama sexan karo Qolkii fadhiga oo la oran jiray Ciyaaraha ayaan daawanaa, waayo waa la baqaa, teeda kale Warda qolkeeda waxaa la seexday Cimran hooyadiis iyo Asma yareen, oo Warda Cawa Dhulka ayey seexatay, cabsi darteed ma hadli karto, markey qolka soo wada galeen ayaa Warda iyo Cimran hooyadiis waxaa dhex martay Sheekadaan.
( La soco Qeybta Xigta).














