Adna marku yiri safar ayaan ahay aad ayay uga naxday way yara cabsatay oo la joogiisa ayay rabtaa, Ka dib Afkeeda wax cunto ah ma eysan saarin sidii ayay uga soo kacday Miiskii iyada oo Qolka Hurdada ku soo socota ayuu ka hor yimid isaga oo wata Alaabtiisa.
Waxay tiri Bustaha halkeed u wadata Caawana ma qolka TVga ayaa seexaneysa intuu iska soo dhaafay ayuu yiri TVga rabaa inaan daawado markuu galay ayay iyaduna ka daba timid waxayna ku tiri sidaad iila dhaqmayso kama helin Maalmahan, maxaa jira Ilama sheekaysaneysid, Wejiga ayaad igala carareysa oo indhaha caadi iima siin kartid, hadal fiican ima lihid ii sheeg waxa jira.
Isagu maba is dhibine wuxu yiri Waxba ma jiraane Orod qolkaaga seexo, sheydaanka iska Naar, Xilligan lama buuqe, intay Indhaha Xoog ugu gubtay ayay uga soo baxday Qolka, waxay timid Qolkii jiifka aad ayay u Oysay xanuun ayay Qalbiga ka dareemaysa, waxay la yaaban tahay wuxuu ku yiri Ninkii Naxariista badnaa, oo hadalka macaanaa Jacaylka badan u muujin jiray waxa helay ee sidaan ka dhigay.
iyada iyo Nafteedii ayaa Isla hadlaaya iyadoo isku leh Malaha wuxuu rabaa Uur, lakiin Aniga hadaan hayo miyaan iska raajin lahaa ilaa maalintu Uur ula soo hadal qaaday wuu is bedelay, ka dib wey kacday Salaad ayay isku diyaarisay ilaahay ayay ka bariday Ubad Saaliixa iyo inuu iIaahay Ninkeeda u ilaaliyo, sidii horena uga dhigo habeankii oo dhan Salaad ayay ku jirtay iyada oo ilintu ka socoto, isaguna Halkan ayuu la hadlayaa Warda isaga oo leh macaan badan waxaa inoo diyaariyay Guri ku yaala Koonaha magalada meel jawi fiicana leh, waan hubaa inad ka heli doonto, waxay tiri waan u qaadan la’ahay, waana ku qancayaa waxaad adigu ii doorto Gacaliye.
Wuxuu yiri waxaan rabaa in aad noqoto Qofka ugu farxada badan dunida Wax walba gacantada ayaan saari doonaa dunida halka aad rabto ayaad ku soo dalxiisi doontaa, waxay tiri Hal maalin ka dib inaan Xaaskaaga noqonayo ayaan sugi kari la’ahay.
Waxay tiri ma qiyaasi karta Nafaan intaas Xakamenayay inay tahay maalintay farxi lahayd, Aniga waxa kale oo dhan hay danbeeyane kaliya Naagta Fur anna i guurso, wuxau yiri intaas oo keliya haday tahay waan Aqbalay, Is diyaari Caawa waan is arkaynaa waxay tiri Haye waa inoo Caawa. Adna waxa ay ku dadaaleysaa inay wax walba hagaajiso, waxayna go’aansatay inay iska ilowdo dhamaan waxaan dhacaya oo iska indho tirto, ka dib waxay wacday Sodohdeed iyada oo rabta inay xaalka ka wareysato.
Wey wacday Maamadii waxa ay tiri Hello Hooyo Macaan see tahay, xaaladiina, Maamadii ayaa tiri inantaydii waa fiicanahay hooyo idinku see tiihiin, Adna ayaa tiri Aad ayaan u Wanaagsanahay. Maamadii ayaa tiri Meynaan soo wada hadal maalmahan, Anna waxaan rabaa inaan dhawaan idiin imaado, Adna ayaa tiri Insha Allah Hooyo waan ku Sugaynaa, waana ii farxad inaan ku Arko, Maamadii ayaa tiri Waan rajeynayaa inaynu Nabadqab isku aragno. Adna ayaa tiri Haye hooyo waynu soo wada hadli doonaa.
Markay sida u dhigtay waxa qabsaday Warwar oo waxay is tiri islaantii wiilkeeda kugu soo dirtay miyaa iminka kuu imaanaysa Bes weeyaan iminka ayuu Mushakiilkii ugu weynaa ayaa imaanayaa. Adna miskiin waxay moodaa maamada inay waxan wado, Ma oga Naagtay walaasha ka dhigatay inay Mas noqotay, Cimran guriga ayuu yimid, In yar kadib markuu joogay isaga oo Aamusan oo Hal mar la hadlin ayuu aayar intuu labistay isagoo sii baxaaya ayay ku tiri Adna Xagee u socotaa Kaalay Cashee, wuxu ugu Jawaabay asxaabtayda cawa casho igu Casuuntay maadama aan Beri safar ahay ee Albaabka ii bane.
Waxay ku hadasho intey garan wayday ayey iska soo baxday isaguna wuu baxay, Qof sida loo galay Intee in la’eg ayuu xanuun dareemi karaa, iyaduna Cunto may cunin, Miiskii Cashada ayay ku dul seexatay, Subaxdii sidii Qorshuhu ahaa Safarkii beenta ayuu isku diyaariyay, ka dib waxay ku tiri Aan ku sii raaco ilaa airpotka, laakiin wuxu ku dhahay Wiilal badan ayaa i sii dhaweenaye adigu Gurigaaga iska joog, sidii ayuu ku baxay, Week ka dib Cimran iyo Warda guurkodii wuu dhacay, si qarsoodi ah ayuuna u dhacay, waxaad moodaa Dad aan Khalad ku jirin siday u faraxsan yihiin.
Adna waxay weyday Call uu soo waco, maalin walba Hooyadii iyo wiilkii Muuse ee saaxibka ahaayeen ayay waydiisaa inuu bal iyaga la soo hadlay, lakiin wax war ah kama helin Murug iyo rafaad ayaa u dhamaaday, aad ayey u xanuunsatay, Maamadii Cimran dhashay ayaa turkiga ka timid, waxayna u timid Adna xaalku ma fiicna waxa ayna Aragtay, Gabadhan sida ay tahay Waxayna la yaabtay wiilkeedu wuxuu u soo hadli waayay maamadu waxba ma oga, laakiin waxay fahantay Inay Wax jiraan oo meeshu qasan tahay.
Adna xaaladeeda way sii xumaatay kadib hooyadeed ayaa u timid, labadii Maamo ayaa Hospitalka geeyay Adna ka dib markii la Eegay ugu dambeyn dhakhtarku wuxuu sheegay iney Uur leedahay, tabaryarina iney heyso, nasiino badanna iney u bahan tahay. Adna markii loo sheegay inay Uur lee dahay Farxad siyaada ayay dareentay Guriga markii la keenay, ayaa Labadii Maamo si gaar ah isku wareysteen, ka dib Maamadii Cimran dhashay ayaa tiri Wiilkaygii wuu maqan yahay ayaa laygu yiri Cidna lama uusan soo hadal waligiina intaas lama waayin mida kale Waxaan arkaa Gurigan inuu fiicnayn oo wax jiraan, Adaa labada ciyaala magalada la joogee maxa jira.
Maamadii Adna dhashay baa si Caro ku jirto u tiri Reerkan si fiican ayuu u dhisnaa, laga bilaabo maalintad wiilkaaga ku tiri Naagtan Uur miyayna ku laheyn iyo hadalo aan loo joogin, wixii ka dambeyay reerka mushaakil ayuu ka bixi waayay waa taas xaaladu,
Maamadi Cimran dhashay ayaa tiri Kuma fahmin oo hadalkaaga Ixtiraam ayan ku dhagaysanayay, lakiin Anigu wiilkayga weligay kalama hadal arimaha xaaskiisa Uurna ma weydiin hortiina ayaan ku waydiin doonaa, Adna oo hadalka maqleysay ayaa tiri Hooyo anigu siduu wiilkaagu igu yiri ayaan u qaatay, laakiin hadaad adigu oran muxuu hadalkaas ku keenay, Maamadii Cimran dhashay ayaa tiri inuu Been iga sheego maxa ku kalifay tolow Wixi jira wayba soo bixi. Adna ayaa tiri wuxu ku maqan yahay ee bedelay way soo bixi doonaan.
Iyaga oo hadalkii wata ayaa waxaa soo galay Cimran iyo Warda oo gacanta is haysta. Tolow maxaa dhici doona ?
( La soco Qeybta Xigta).














