Warda si jeesjees ah markay kula hadashay Cimran, Adna wey yara shakisay, ka dib Intay wejiga Cimran aad u eegtay, waxay ka aragtay Caro badan, markaas ayay Adna tiri oo Cimran maxaa jira awalba waad cuni jirtee, Markaas ayuu dhahay Haa waan Cuni jiray, lkn cuntada gabadhan ayaan ka helay Ceeb miyaa. Intay Xanaaq is celin wayday ayay iska soo baxday qolkeeda ayay tagtay yaab, waxay is tiri Ninkii maxaa helay hadana naftedii waxay ku qancisay inay Cuntaduu rabo loo sameeyo oo Warda ay u deyso Cunto karinta.
Goor habeen ah markay noqotay ayuu Cimran Qolka TVga Alabtiisa u soo qaatay si uu u seexdo Adna markey Showerka ka soo baxday waxayba aragtay xaajigii oo sii wata Alaabtiisa, waxay tiri Caawa halkee u wadataa Bustaha.
Wuxuu yiri Caawa inaan seexdo Qolka TVga ayaan rabaa Ciyaaro Xilli dambe soo galaaya ayaan sugayaa, Waxay tiri Dhib male xabiobi ka dib wuu iska baxay Qolkii marku tagay Mobeilkii ayuu la soo baxay Halkaaa ayuu message ahaan ugala sheekaysanayaa Warda.
Adna markay madaxa dhulka dhigtay waxay Xasuusatay Habeenku lahaa miyaanad Ubad dhalayn maxa jira iyo maanta siduu ula hadlay, hadana wuu diiday cuntaday u soo karisay, waxay is leedahay Sodohda ayaa kugu dirtay ileen waa tuu dhahay Hooyaa igu tiri, miyaanay Xaaskagu wali Uur yeelan / hadalkaasna Warda ayaa tiri.
Adna waxay is tiri Ninkaaga muxuu dhibsanayaa talow laga yaaba Uur la’aanta inuu isku bedelay, lakiin sanad iyo bar ayaan is Qabnaa ilaahna wuu keeni doonaa Ubad ee maxaan sameeya tolow ma quruxdaydii ayaa yaraatay maxaa jira, Adna kun fikir ayaa ku soo dhacay.
Wardadii hadalo jacayl ah ayaa lagu Akhrinayaa oo Cimran ayaa halkan ugu sheekeynaya, Macaan badaney waxaad tahay Gabar intii Dumar lagu xulan jiray leh oo aad u soo jidasho badan, waxaan rabaa inaan ku siiyo jacaylka aad hore u wayday, imikana adaa naftayda gacanta ku haya waxaad rabto ayaan kuu sameyn doonaa.
Waxay ugu jawaabtay Gacaliye waxaa tahay Ruux si yar aan ugu qaaday Jacayl Xad la’aan ah nan u ilaaway dartiis wax walba, waxaan rabaa inaan ku hantiyo oo aan Nolol kula wadaago Ubad aad Aabo u tahay aan Hooyo dhaho riyada adaa inoo rumayn kara.
Ka dib waxay u raacisay gacaliye waxaan rabaa inaan si degdeg ah lamaane ku noqono intaas aniga maba sugi karo, waa riyadayda oo weliba aad Xaaskaga furto si aan inagu Degenaasho ugu noolaano.
Wuxuu yiri isaguna macaan badan Hal week i sug anaa Xaaskeyga kaa dhigaaya oo Riyadaada rumeeyn doona, Intay farxad darentay qiyaas la’aan ah, ayay tiri Mayga hubtaa oo iminka Week ka dib waan ku hantiyay miyaa, Hadana waxay tiri oo Adna maxaad ka yeeli doontaa, Wuxuu yiri: Haa waa balan aan kaa qaaday inaan riyada rumeyo week ka dib arinta Adna Adiga ka Warwar la’ow, Waxaan hore ugu sheegay inaan Safar ahay oo Qurbaha ku yara laaban doona, ka dib waxaan dhahayaa safar ayan u baxaya, ka dibna magalada anoo jooga ayaan uga dhigayaa inaan maqnahay.
Waxay tiri waa arin fiican lakiin si aanay inooga shakin waxaan sameeyn doona Beri ayaan dhahayaa Kismaayo ayaan tagayaa oo waan kaa sii hor tagayaa anoo 2 cisho ama 3 cisho maqan adigana dheh Safarkii ayaan tagayaa oo sidaa ku soo bax, fikradaa ka waran, Wuxuu yiri Waa si fiican fikirkaagu, sidaas ayad xaaskayga ku tahay.
Habenkaa lama seexan Warda iyo Cimraan Message ayaa lagu dhamaystay, Subaxdii markay noqotay Warda sii farxad ku dheehan tahay ayay quraacda u diyaarisay, Adna iyaduna hawsha kale ayay haysay, ka dib markii la quraacday uu Cimram baxay ayaa waxaa meel iska fadhiday Adna oo aad isaga murugsan, ka dib Warda ayaa u timid waxayna ku tiri maxsa jira maanta Wejigaada ma fiicnee.
Adna ayaa tiri Sxb, wejiga iska daaye anoo dhan ma fiicni sidan ahay xataa hadal kuma qiyaasi karo, Warda ayaa tiri Ma Cimran arintiisa, Adna baa tiri: Haa, (iyadoo u raacisay) Saaxib maalin dhawayd wuxuu igu dhahay hadal aan ka joogi waayay oo ah maxaad Uur u yeelan wayday, Hadalkaas aad ayaan uga xumaaday Ma wuxuu sugi kari waayay intu ilaahay keenayo?, ka dib, Warda ayaa tiri: Sxb Nin ma laysku mashquuliyo, waxna Naftaada ha murjin.
Markay Warda intaasi ku tiri ayaa Adna tiri Sxb waad Og tahay Xaas markaad noqoto inaad Masuuliyad badan ku fuulayso ana in aan Raaliyo u noqdo ayaan rabaa isagu waa Qofkaan Dunida ka doortay, waxaana rajenayaa inu Caadi noqon doono sidiisii horena ii noqon doono.
Warda ayaa ku tiri Haddu isagu wanaagii garan waayay maxaad adigu culayska isku saareysaa, waxna raaliyo haw noqone hadduu sidan ku sii socdo Reerkiina ku xiise Iskaga tag ninkaan. Warda waxay rabta inay Adna niyada un ka sii disho oo ay ku dirto, Adna ayaa tiri May Aniga ma rabo Qoyskaygu inuu iga burburo ama aan xumaan ku kala tagno Xaajigayga, ilaahay ayaan talo saartay wax kasta wey hagaagi doonaan.
Adna Qolkeeda intay tagtay ayay wacday hooyaded iyada oo uga warantay Ninkeedu Hawshu la soo baxay, ka dib Maamadii ayaa tiri Hooyo adigu ku dadaal inaad soo jiidato haddey Cunto tahay haddey Udgoonka guriga tahay iyo haddey naftaada tahayba, Waxaan rajaynayaa inuu Gurigiinu wacnado oo balaayo Alle idiin keenin. Adna hadalka Hooyadeed si wacan ayay u qaadatay.
Ka dib Warda sidii uu fikirku ahaa waxay guriga kaga baxday inay Kismaayo yara aadeyso Alaabteedii ayay diyaarsatay Gurigoodii ayayna qabatay waxay Wacday Cimran waxayna tiri, Hello Gacaliye Imika ayaan Guriga imid ee Adigana Hawshaada hore u soo Dhamee, intasna waji fican ama naxariis leh yaanay kaa arkin Adna isku kulayli. wuxuu ku yiri Aniga ayad igu ogtahay inaan Hawsha u soo dhameeyo, laba cisho ayaan kaa dambeynaa wax fiicnaan ahna ma tusi doono.
Ka dib markay hadalkoodii dhamaysteen ayuu Cimran yimid guriga, wuxuu arkay shacniga iyo quruxda Adna inay Cawa sidii hore ugu soo lebisatay Casho Romantic ah u diyaarisay, ka dib marku showerka tagay uu soo nafisay, ayuu yimid halkii Cashadu diyaarka ku ahayd, wuxuu dhahay Caawa na niyada ayaad iga Ogeyd, Adna ayaa tiri Sidee kuma fahmine, wuxuu yiri Inaan Caawa iyo Habeen danbe un kula joogo, Adna yaab waxey tiri Si fiican ii deeqsi hadalka, wuxuu dhahay Waxan rabaa inaan dib ugu laabto Qurbihii Shaqadii ayaa leyga rabaa, Adna ayaa tiri Waan ka xumahay inaad iga dheeraneyso, lakiin waan ku sugayaa Xabiibi dhib maleh.
Ka dib intuu Cashadii in yar ka cunay ayuu Miiskii isaga kacay isaga oo wax ixtiraam iyo Weji furnaan ah midna ka muuqan.
( La soco Qeybta Xigta).














