Runtii Adana waa xaas aad u Ixtiraam iyo qadarin badan Ninkedana adeecda jecelna Xilka Xaasnimo inay ka soo baxdo, Adna iyada oo Qolka iska dhex jiifta oo kaligeed ah ayuu Cimran ku soo noqday, ka dib wuxuu yiri xabibti i fasax Saaxiibkey Muuse ayaan u aadaa, waayo beryahaan war kama haayo Xaaladiisa, inaan soo arko ayaan rabaa.

Adna kamay fiidin dhibmaleh ayay tiri, wuu labistay Perfun ayuu saa’id isugu shubay, wuuna baxay.

Warda ayaa u timid Adna, waxayna ku tiri Sxb waxaa ley soo sheegay Aabo inuu yara xanuunsanayo inaan soo eego ayaan rabaa ii dul qaado intaas, Adna waa qof Naxariis illahay ugu deeqay waxay tiri inaan ku raaco oo kula soo eego ayaa fiicnaan lahayd, laakiin waad aragtaa xaaladayda ee u tag iguna Salaan, Warda way labisatay weyna baxday, waxay wada kulmayaan Cimran oo banaanka waqti lagu soo qaadanayaa, Adna Guri Cidla ah ayay dhex joogta waa qof Lug ka jaban oo u baahan Caawinaad badan iyo in la garab joogo, Cimran muusan garan masuliyada ka saaran Gabadhan.

Warda iyo Cimran waxey ku jiraan jawi Shukaansi, waxay tiri Warda Qaali Cimran waan rumaysan kari la’ahay waxa dhacaaya imika iyo sidaan kuu helay maxaa dhawac aan dartaada soo maray, xataa heer aan Saaxibadey kaa doortay, Wuxuu dhahay Waqtigaa qoray imika inaan Midowno, wixii hore iska ilow, hadda nolol Cusub ayad galeysaa, waxay tiri Siduu inagu fududaan doonaa in aan Adna nolosheena ka saarno, Markaas ayuu yiri: Xalkaasi wuu imaan doonaa ee Adigu haw bixin, hadana waxey ku tiri Anaa Xal haaya ee ka waran, markaas ayuu yiri ii sheeg, waxay tiri Iminka Muddo Hal sano iyo Bar is qabtaan walina Waxba kuumay dhalin taas ku fur oo Ubad ayaan rabaa ku dheh.

Wuxuu yiri Haa waa Arrin fuican, waana runta Xiligan inay Xaamiilo ahaato ayay aheyd, waxay tiri waxaan u malenaa inay Madhalays tahay oo anay dhaleyn ee intaan in ka badan ha sugin. iyaga oo ku Qosqoslaaya ayay Adna soo wacday Cimran, dhowr jeer markuu telku dhacay ayuu mar dambe ka qabtay, waxayna tiri Waxaan filayaa inaad mashquul tahay anna guriga aad ayaan ugu caajisay, Wardana way iga maqan tahay ee haday Macquul tahay ii soo dhakhso, Wuxuu dhahay Hawshan Gacanta ku hayo markan dhameyo si toos ah ayaan kugu imaan doonaa, haye ayay tiri.

Warda aya tiri Naagtan xataa waqti yar kama qaadan karno Waan dhibsaday Wlhi, Cimran ayaa dhahay iminka waa inaan guriga tagnaa kolayba caawa oo dhan ayaynu Sheekaysan doonaa, Adna waxay ku Fikireysaa inanteda Curad inay Warda u bixiso, sababtoo ah waxay aad u jeceshahay saaxibated waxayna rabtaa markay Cafimaado inay Hadiyad u siin doonto Wax lama filaan ah.

In yar ka dib waxaa timid Warda, ka dib Qolkeeda ayay tagtay make upkii ayay iska soo dhaqday Caadi ayey iska soo dhigtay, waxayna u timid Adna iyada oo ku leh maxaa ka Xun Qol inaad sida u dhex fadhido, Adna ayaa tiri Sxb dantaa ku bareysa wax walba Anigaba inaan qol ku jiro maan dooran ee waa qadar Alle. Warda ayaa tiri kaftan ayey iga ahayd iyada oo ay run ka ahayd.

Ka dib Adna waxaa u soo uray Perfunka Cimran inuu si saa’id Warda uga so uraayo, Ka dib Adna ayaa tiri Sxb ma waxa isku shubtay Parfunkii ragga, Warda tiri May ee maxaa uga jeedaa, Adna ayaa tiri Perfunkii Ragga baa sankayga soo gaaray, Warda ayaa tiri Qolkaan ayuu ka Carfaya aniga maha, Adna ayaa tiri laga yaabaa, Ka dib Cimran ayaa yimid wardana Qolka TVga ayay tagtay, Cimran ayaa dhahay iga raali noqo hadan kaa soo daahay Adna ayaa tiri dhibmale, intu soo ag fadhistay ayuu yiri Ma Ogtahay Caawa waxan la hadlay hooyaday, waxayna i weydiisay Iminka ilmo aan Ayeey u ahay, maanu soo socon, (Sheeka ayu bedelay oo waatay Warda ka wada hadleen).

Adna ayaa ugu jawaabtay ilaahey ayaan ka sugaynaa Ubad khayr qaba, Markaas ayuu yiri Haa ilaahey ayan ka sugayna, laakiin inaga ayay inagu xiran tahay oo muddo badan ayaynu is qabnaa, Adna ayaa tiri Xabibi Ubadka gacantena kuma jirane Alle ha keeno, wuxuu dhahay Anigu taa ilaahay waan ogahay laakiin waa muhiim inan Aabo noqdo, Adna ayaa tiri Qof walba inuu waalid noqdo wuu jecel yahay, maaha inaynu ilaahay ka Aamin baxno iska sug, Ka dib wuxu dhahay Caawa Qolka fadhiga ayaan seexanayaa ee iska Nafis, Adna ayaa tiri Maxaa ku seexin Qolkas, halkan Seexo, lakiin hadalkeeda Dhag uma uusan dhigin.

Adna aad ayay u yaabtay Caawa waxa uu la yimid, Awalba waxaas kamu hadli jirin, waxay moodaysaa inay Hooyadii soo dirtay, iyada oo niyad jabsan ayay seexatay, Labadii Wejiga xumaana halkan ayay ku Daawanayan filin oo kama qasna, Warda ayaa ku tiri Cimran Haye Markad Arinka u sheegtay Adna sidee noqotay, wuxuu dhahay wajigeda aad ayuu isku bedelay oo waxaad moodaysay in Dil lagu Xukumay, Warda Qosol ayay jabsatay.

Waxay sidii ahataba waqtigu wuu is guraya Adna waxaa soo dhaw goortii laga Furi lahaa lugta oo ay Cafimaadi lahayd, waxaa lagu yiyi yara soc-soco Laba cisho ka dib waa lagaa soo furayaa, oo sideedi ayay ku soo noqotay Guriga markay timid, Warda wejigeeda Caro ayaa laga dareemayay, Adna ayaa tiri Maxaa kugu dhacay Sxb?, markaas ayay tiei Waxna kaliya Madaxaa i yara xanuunay, laakiin waan ku faraxsanay cafimaadkaagii inuu dib kuugu soo noqday, Adna ayaa tiri Mahadsanid.

Adna oo jikada ku uirta ayay Warda u timid, waxayna ku tiri Sxb maad iska nasatid Anaa jooge, Adna ayaa tiri May aniga ayaa hawsha dhamaynaya adi naso sidan u jiifay jirkii ayaan ka daalay markaa Jimicsi ayaan ka dhigan, Warda tiri Haye Sxb, hadaad ii baahato i yeer, Adna Haye ayay tiri.

Markii ay cunto sii kalgacayl leh u soo karisay oo waliba diyaarisay ayay Showerka tagtay, ka dib markuu yimid sidii dhaqanka u ahayd hadal Naxariis leh ayay ku tiri, Isaguna Intu si degdeg ah ula hadlay ayuu dhahay Markii la yimid meeshay Cuntadu taalay.

Ayaa waxay Adna tiri Muddo ka dib gacantayda ayaan kugu kariyay Cuntada Xaaji, Intuu aamusay ayuu dhahay Warda ha karise maxaa kuu geeyay Adiga, intay yaabtay ayay ku tiri kuma Fahmin, Markas ayuu yiri waa runtey Qoftas aad ayaan uga helay cuntadeda isagoo hadalkii sii wata ayay Warda timid, markaas ayay tiri: Cimran Sxb-tey sidaa hawla hadline Cun dee si ku jeesjees ah. Adna Shaki ayaa galay..

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted