Warda markay tiri Anaa Wax walba qabanaayo Adna wey ka Ogolsatay, waayo Adna ma jecla Saaxiibteed inay Culays saarto, Warda aad bey u faraxsan tahay maanta Waxay u rumeysan la’dahay inuu Cimran Jirkeda taabtay oo dhaawac u daweeyay, Intaas ayaa wax weyn la noqotay, kadib waxay go’aan ku gaartay siday ugu soo dhawaan lahayd Cimran.
Waxay bilowday in ay is Qurxiso oo ay soo jiidasho sameyso. Waa goor habeen ah waxay sameysay casho dhadhan leh Miiskii ayay ku diyaarisay, Cimran Qolka Xaaskiisa ayuu jooga, ka dib fariin ayay u dirtay Adna, waxayna ku tiri Saaxib waan diyaariyay Cashadii Cimran u soo bax ku dheh, Adna haye ayay tiri, oo Cimran ayay ku tiri soco soo cashee waa kuu diyaar, Cimran ayaa dhahay agtaada u soo qaadanaya isug, Adna ayaa tiri May Qolkan Cunto hayga soo geline, halkas ku soo Cashee, Markii dambe wuu Ogolaaday, Markuu Miiska yimid wuxau arkay cuntooyin aan weligii arag oo Indhaha deeqaya, wuuna fariistay.
Warda Qolkeeda ayay tagtay shower ayay qaadatay, ka dib Dirac ayay soo Xiratay, iyo Garbasaar, indhahana wey soo kuulatay, timo aad u dheerna wey lahayd intay qeyba dhinac ka riday ayay Cadar iyo Udug wixii guriga yaalay bey isku soo shubtay, iyada oo kaalay iska arag ah ayay Qolka ka soo baxday, Cimran sankiisa waxaa soo jiitay Udgoonka Xad dhaafka ah ee soo gaaray Hal mar, Waxaa u timid Warda, waxa ayna ku tiri: Habeen Wacan Seedi, intuu aad isku celiyay ayuu dhahay Habeen la mid ah, way soo fadhiisatay si degen oo xasilooni ah ayey u Casheesay.
Cimran indhaha ayuu ka Celcelinayaa, marna wuxuu is leeyahay miyaad eegtaa Warda quruxdeeda, markas ayuu dhahay Cunto aad u macaan ayad sameysay, waana ka helay runtii, markaas iyada oo qibrad kaashaneysa ayey ku tiri hadalo soo jiidasho leh kaas oo ahaa:- Waad mahadsan tahay, kadib markii Cashada la dhameyay ayuu Qolka xaaskiisa toos u galay, Adna ayaa tiri Markaad casheyso TVga ayaad daawan jirtee Caawa maxaa ku helay, ka dib ayuu ku dhahay: Xaaskeyga oo qol ku cidlooneysa miyaan TVga kaligey daawan karaa, Hadalkaas wey ku faraxday ka dibna wey seexatay.
Warda Qolka dhexdiisa ayay Heeso ku dhex qaadaysa oo kama qasna waxayna rabtaa inta Adna Qolka ku jirto ee lugtu jaban tahay inay ka faa’idaysato, oo ninka kala wareegto, nafteedii ayay u soo jeedsatay Habeen iyo maalin wax bey is marisaa, Subaxdii markay noqotay wey soo kacday jikadii ayay timid Hawsheedii ayay iska bilaabatay mida kale, Naagtan Warda Cunto karin Cid ka taqaana ma jirto, ileen inta ay saaxibadeed Adna shaqo ku maqnayd iyaduna Guri joog ahayde, oo iyadaa kaga khatarsan Adna.
Markay Cuntada karinaysay ayay tiri waxaan dareemayaa sidii Naag la qaabo intay Qososhay, Quracdii markay dhameysay Guriga ayay nadiifisay Cuud iyo Uunsi ayay ku shiday, ka dibna quraacdii ayay diyaarisay, Cimran ayaa soo baxay is bedel ayuu arkaa iyo jawi kale Udgoon saa’id ah Cunto macaan badan gabar qalanjo ah, hadana Shaydanka ayuu iska naaray, oo iskuma Mashquuliyo, isaga oo yara fikiraya ayay intay soo ag istaagtay ku tiri Cimran Cuntadii waa diyaar, iyada oo iska soo Shaqeysay oo aad moodo Marwada Guriga, marku dhamaystay eaxay timid Miiskii Cuntada, waxa ayna cuntay Intuu uu soo reebay isagu oo uu kaga tagay meesha, iyadoo Macaan laba jibar ah ka dhadhamineysa.
Cimran isagu wuu baxay, ka dib Warda waxay u tagtay Adna iyada oo ku leh saaxib waan ka xumahay inaad Qolkan yar un dhex fadhido Cidla dareemeysaa, Adna ayaa tiri maalin dhaw ayaan soo kacayaa ee is deji Qaali, Niyada waxay ka leedahay Wardi waxba ka soo kicine waligaa sidaa iga jiif.
Muddo usbuuc ka dib ah is beddel ayaan kaa arkaa xaga Cimran ah iyo inay soo jidatay Naagtani, Habeen waxaa dhacay intay sideedii Dhaqanka ahayd Casho u diyaarisay iyaduna is qurxisay, in Miiska la wada yimado, ka dib iyada oo Cuntadii cuneysa ayuu aad u eegay Warda, ka dib wuxuu dhahay Cunto macaanida qurux ayaad ku darsatay, Warda Waxay maqashay way u qaadan weyday layaab ayay ku noqotay intay si xad dhaaf u eegtay ayay tiri Ani miya ila hadlaysa, Haa ayuu dhahay.
intay is Celcelisay ayay ku tiri Mahadsanid, ka dibna Cashadii markay dhamaatay ayuu Qolka TVga tagay, iyaduna intay ka soo carartay ayay Qolka TVga timid oo film ayayba iska gaysatay Cimran damac ayaa galay oo wuu is celin kari waayay, ka dib intuu agteeda yimid ayuu dhahay Waxaad moodaa inuu is celin la’yahay ma aqaan dareen kan dareemayo, ka dib waa Naag sidan rabtee way iska xishoodsiisay Habenkaa way is dhex galen oo si Dad isku dhaw ayay u wada sheekaysteen oo loo wada qoslay ugu danbeyn Gacanta ayay ku dhigtay Ninkii Cimran ahaa, Miskiintii Adna Aduun ma oga oo Qol ayay iskw jiiftaa waxa dhacaaya wey ka hurudaa oo qayaano inay ka socoto meesha ma dareensana.
Adna waxa guriga ka socda waa wax ay arki karayn, oo waa lQof aan wax ka filayn, Adna iyada Is dhal-dhalaalin ma sameyn karto oo iyadii ayaa kici Karayn, Warda intaas ayay si weyn uga faa’idaysatay oo Udgoon iyo Nuurin Ninka ku Dawakhisay, Warda iminka ayunbay siday rabtay u soo Rumoobaysaa, Warda oo qolkeda joogta goor Casar ah ayuu Cimran Qolka TVgu yaalo yimid, ka dib wuxuu fariin u diray Warda isagoo u soo Qoray:
Warda kaalay Shaah ii keen, narkay aragtay fariintii sidii Dhaqankeeda ahayd wey is Qurxisay, weyna soo baxday Shaah iyo Casariye yar bey u keentay, ka dib Agtiisa ayay fariisatay, wuxau yiri:- Warda Daqiiqad walba, Daqiiqada xigta waad ka sii Qurux badan tahay, Ma moodaa in aad i soo jiidatay?. Intay Indho jacayl ka muuqdo ku eegtay ayay tiri ka waran Qofka Sannad iyo Bar Qof jeclaa hadana awoodin inuu hadlo ama jaceylkiisa sheegto, Waxaana kaaga sii daran qofkuu jeclaa hortiisa Qof kale kula midobay, Cimran ayaa hadalkii fahmi waayay.
Markaas ayuu yiri qofkaas waayo ?, markaas ayay tiri: Waa aniga oo qofkaan jecladay Nasiib uma helin wuxuu dhahay qofkaas waa bilaa Calaf ma Gabar qurux iyo Gaarinimo iyo wanaag isku darsatay ka tagay. Waxa ay tiri Qofka bilaa calafka ahi Cid kale maahe waa Adiga intuu yaabay ayuu dhahay sidee ?, kuma fahmine si cad iigu sheeg hadalka.
Waxay tiri Aniga waxaan ku jeclaaday maalin ay Adna i tustay sawirkaga, maalintas wixii ka dambeeyay Niyada ayaad iga qaadatay oo jacayl waali ah ayaa igu dhacay, wakhtigaa kuuma sheegan karin oo adaaba Qof jeclaa, waana soo samray ilaa wakhtigaa, Cimran ayaa dhahay ka waran iminka ayaad heshay qofkaagi wixii iminka ka dambeeya waad i heysataa jacaylkaad intaas kalinimada kugu ahaa imika ayaan kula qeybsanaa, Warda Farxad inay dhimato waxba lama aha ka dib Hab ayay siisay, waxayna tiri: Lkn iminka Adna ayaad qabtaa oo ana waxaas waan ka hinaasayaa ee naagta waa inaa Furtaa, wuxuu dhahay Isug qiil aan ku furo ayaan u raadine, Iyaga oo sidii u wata sheekada ayay Adna Caajis dareentay, ka dib waxay u yeeratay Warda, iyada oo karahsan ayay u timid ja dib Adna ayaa tiri Saaxib Ma Qiyaasi kartid sidaan uga daalay fadhiga, Warda tiri Inyar ayaa kuu haray ee samir Saaxib. Markay cabaar wada Sheekaysteen ayay Warda tiri Saaxib waa xilligii aan cashada sameyn lahaa ee Cimran u yeero intaas isaga kuu sheekayne, Adna ayaa tii Haye.
Cimran ayaa u yimid Adna, Markuu la joogay inyar ayuu agteeda wuxuu ku dareemay Caajis ileen waa qof meel kale looga durbaan tumaayo, kolkaas ayuu ku dhahay banaanka ayaan yara fadhiisan ee ii naso Xabibti, Adna beryahan wey yaaban tahay, wey dareensan tahay in beryahaan guriga isbeddel uu ka jiro, wey aragtay inuusan Cimran iyada agteeda uu joogi karin, kolba uu dhahaayo banaanka ayaan tagayaa Maalmihi ay kow jabtay kama uu dul dhaqaaqi jirin agteeda. hadana Ninkeeda inuu jecel yahay ayay ogtahay waxay is leedahay Waxba yaanu kugu caajisin ee wakhtigiisa hayska qaato.
( La soco Qeybta Xigta).














