Warda ugu dambeyn guriga Adna wey timid, waxayna joogi doontaa halkan, Adna waxay tiri Sxb waxaan rabaa inaad ii noqoto sida Walaashey ii garab taagnaato, iina dhiiri geliso sida Hooyadey, Sababtoo ah yaranteydii ilaa maanta adiga kaliya Sxb ii ah waana ku ilaashadaa cid walba waan kaa soo dhaweystaa, Warda waxay ugu jawaabtay Sxb Aniga sidaan awal kuu ahaa kuuma wada noqon karo, balse Garabkaaga waan ahay xilli walba oo waan rajenayaa wanaag badan inaan kuu sii qabto.
Adna ayaa tiri Maxad ka wada sidan awal kuu ahaa kuuma noqon karo ?. Warda intay naxday ayay tiri Waxba kama wadin kaliya sidii aan markii hore kugu dhawaa si ka sii fiican ayaan rabaa ina noqdo, waxay u malaysay inay Adna shakisay oo hadalkii ayay u bedeshay, Adna ayaa tiri Haa Anna waan yaabay waan fahmi waayay un Qaali, Iyaga oo Qolka fadhiga sheekadoodii ku sii wata ayaa Cimran yimid, Ka dib Warda eaxay damacday inay kacdo oo qolkeeda gasho maadaama uu yimid Dumaashigeed, Naag Xishoonaysa ayay iska dhigaysaa, ka dib Cimran Qolkiisa ayuu tagay wuu iska soo nafisay, ka dib wuxu u yimid Adna oo jikada ku jirta oo diyarinaysa Cashada.
Markaas ayuu dhahay waan ku Caawinayaa isug, si wada jira ayay u soo diyaariyeen, ka dib Adna ayaa damacday inay u yeerto Saaxibted si ay Cashada ula cunto, Adna ayaa soo gashay qolka Warda waxayna tiri Haye xabiibti waa xilligii Cuntada mobeilka iska dhig kaalay, Warda tiri Cimran sow ma joogo ?, Adna ayaa Haa tiri, markaas ayay Warda tiri idinka iska casheeya aniga markaad dhameysataan ayaan soo baxayaa.
Adna ayaa tiri May taasi ma aha tu aan kaa maqlaayo, ee soo kac sadexdena Hal meel ayaynu ku cuneynaaye, Adna way ku madax adeygtay, Wardana way Ogolaatay, way soo fadhisteen Miiskii, ka dib Cimran iyo Warda baa is xaal waraystay, ka dib cuntadii ayaa lw bilaabay, inta leys ag fadhiyo Adna iyo Cimran Cuntada afka laysku galinayaa oo waa lays shuminayaa Hadalo macaan ayaa dhex maraya, Warda intaas Caro iyo Ciil ayaa haya Hal mar ayay booday oo way is celin wayday, markas ayay Adna tiri Maxa kugu dhacay habibti, Warda ayaa tiri waxba, laakiin waan dhergay oo waan kacayaa idinku Caafimaad ku cuna sidii ayay ku soo baxday.
Qolkeedii ayay timid Iyada oo Caro Naftu heyso oo haday Nafta ka qaadi karto Adna ay ka qaadi lahayd. Ka dib wey iska seexatay Subaxdii ayay Warda xili hore soo kacday waxay aragtay inay hurdaan Adna iyo Cimran, waana maalin jimce ah, kadib jikada ayay tagtay waxay rabtaa inay quraac sameyso iyada oo hawshii wada ayaa hal mar fikrad ku soo dhacday Niyadeeda oo waxay ku fikirtay inay bilowdo jidkii ay ku kala fogeyn laheyd Adna iyo Xaajigeeda.
Waxey go’aan ku gaartay in ay ku dirto Wiilalal oo Walaalkeed Saaxiibo la ah, si ay Adna wax u gaarsiiyaan, balse ka hor waxaa wada kulmay Adna iyo Warda, aad bey u wada sheekeysteen si fiican ayaa loo Baashaalay, ka waxey Adna ka codsatay iney Caawa isku raacaan magaalada, Adna iyadu waa daacad, waa yahay ayey ku tiri, waxeyna ku balameen 7:00 fiidnimo, iney is raacan.
Ka dib waxey la hadashay Walaalkeed iyo asxaabtiisa, oo waxey ku balamisay iney Caawa ku soo xaadiraan Waddo.u dhow guriga Habar yarteed, si ay iyadu ugu leexato guriga Habaryar, si ay Adna u tiraahdo halkaan igu sug, oomarkey istaagto ay Wiilasha halkaas ku waxyeelaan.
Waxaa la gaaray xilligii ay Warda iyo Adna ay ka soo baxayeen Guriga, 7:00dii wey isa soo raaceen, magaalada ayey Adeeg iyo Hawlo yar yar ka doonatay Warda, Adna intaas wey la socotaa oo marna Dukaan ayey galaan, ka dib wey soo adeegteen, waxaa la gaaray Xilligii soo noqoshada, Gaari ayey soo raaceen, Warda ayaa Adna waxey ku tiri Saaxiibey waxa aan ku degeynaa guriga Habaryar, Alaab iga taal ayaan ka soo qaadanaa ee in yar halkaas ii istaag, waan soo dhaqsanaa Sxb, gaarigii kolkii laga degay Adna meel gidaar ah ayey fariisatay si ay ugu sugto Warda, Warda iyadana gurigii ayry gashay.
Goobtu waa Xaafad, oo wax Nal ah kama shidna Wadada goobtu waa gidaar ku yaala Geed hoostiisa, iyadoo Adna halkii fadhisa ayaa waxaa ku soo baxay Saddex wiil oo Bir iyo Baangado heysta, Adna ayey u yimaadeen waxey isku dayeen iney Mobileka ka xoogaan, goortey diiday ayey jug ku bilaabeen oo lugtey qaado ayey jebiyeen, Adna oohinteeda ayaa lagu kala baxay, Wiilashiina wey kala carareen.
Warda ayaa soo baxday oo bilowday Oohin Been ah, iyadoo leh Waa Saaxiibteey Alla Wiilashaas maxey ahaayeen, yaa yaqaano, Alla maxaan Sameeyaa Caawa, Caawa oo keliya ayaan ka codsaday iney isoo raacdo, Alla balaayadan maxey aheyd ?.
Warda Taksi ayey raadisay ka dib Adna waxaa la dhigay Hosbitaalka, baaritaan ka dib dhakhtar wuxuu sheegay in ay Labo meel ka jaban tahay Lugteeda, dhaawac xoog lehna uu gaaray Adna.
Maadaama uu dhaawacu ahaa xilli habeennimo, Adna halkaas ayey habeenkii seexatay, oo dhaqtarka ayaa yiri Subaxdii ayaa Lugta laga shaqeynaa, hadda Dhaqtar ma joogo.
Warda waxey taleefan u soo dirtay Cimran, waxeyna u sheegtay Arrintii Caawa dhacday, Cimraan oo aad u naxsan ayaa yimid goobtii waxaana loo sheegay wixii dhacay, iyo iney Adna lugta ka jaban tahay, dhaawacyo kalena soo gaaray.
Kolkii Subaxdii la gaaray aya Adna hawsheeda la bilaabay, ka dibna gurigeeda ayaa loo soo qaaday, ka dibna waxaa la keenay Qolkeeda, Cimran ayaa dhahay Macantaydii waa inaad Naftaada ilaalisaa oo ka taxadartaa. waxay tiri waa yahay Xabiibi, Anaa is ilaalin doona, Warda ayaa u soo gashay iyadoo Cunto u wada, waxayna tiri Waa xilli danbe Maydaan quraacan ee wax cuna, Adna ayaa tiri Sxb wax maku soo gaareen ama xanuun ma dareemaysaa, Warda intaan jawaabin Adna iyada ayaa aragtay Warda gacanteeyda oo meel yar wax ka gaaray, ka dibna Warda ayaa tiri May Aniga Waxba ima soo gaarin waan fiicanahay ee adiga naftaada ka fikir Sxb.
Adna ayaa tiri maxaad been iigu sheegi waanba arkaa dhaawaca kugu yaal, Warda tiri waa inyar wax weyn ma aha Qaali. Ka dib, Adna ayaa Cimran ku tiri Xabibi Warda Gacanta daawo u mari, Warda ayaa tiri May May Anaa is Marin doona ee dhib male, Adna ayaa tiri Maaha meel aad isku narin karto Aamus isagaa kau marine.
isaguna wuxu yiri Waa caadi keen aan kuu mariye Wey ag fadhiisatay intuu marinaayay Naxariis ayay dareemaysay iyo jawi kale, ka dib markuu u dhameeyay ayay Adna tiri Gabar shaqaale ah waa in aan doonanaa anigana Maba kici karo, adigana hawsha kuma Quurayo, Wardaa tiri Ceeb Anno jooga miyaa Qof kale Hawl kuu qaban doona anaa intaas ku filan ee igu daa.
( La soco Qeybta Xigta).














