Iyaga wada sheekaysanaaya ayaa Adna mobeilka u soo dhacay Cimran ayaana soo wacay, wuxuuna ku yiri: Xbb waxaan rabaa ina dalxiis u baxno, ka waran sidee kula tahay ?, Waxay tiri Waad ogtahay inaan jeclahay dalxiiska waana ogolahay inaan aadno, laakiin Shalay ayuu Meherkena dhacay waan yara xishoonayaa dadku waxay dhahayaan ayaan ogahay yaan la oran durba gormay raacday?. Week ka dib ayaynu is raaci qaali intu qoslay ayuu yiri Xishoodka iska yare aniga ninkaaga soma ihi, markas ayay tiri Haa waa tahay, lkn xishood baan dareemayaa.

Wuxuu yiri Dadka inta iska ilowdo waynu is raacayna waliba Beri, mana diidi kartid, Markas ayay tiri haddey sidaa tahay Warda ayaan soo kaxaysanayaa wuxu dhahay habiibti Aniga kula socda maxa qof kale u soo kaxaysan labadeena is raacayna, waxay tiri May Aniga ilaa iyada aan kaxaysto kuma raaci karo ee ogolaw habiibi,Wuxu dhahay hadad happy ku tahay anna kuma diidi karo waan ogolahay, Waxay tiri Haye qaali thnks.

Ka dib Warda ayay u yeertay Qolkeeda ayay la gashay waxayna ku tiri Cimran ayaa iga dalbaday inaan safar u baxno anigana aad ayaan u xishoonayaa, Markaas ayay Warda tiri maxaad ka xishoonaysaa ma isagaa?, markaas ayay Adna tiri isaga kama xishoonayo ee dadka dee. Warda ayaa tiri Dadka waxba kama galine waa ninkaagi meeshad rabto ayaad isku raaci kartaan, maxaa iyaga ka galay.

Adna ayaa tiri Xataa hooyo iyo Aabo iyo walaalahay waan ka xishoonaya, Warday Adidu mid ii samee Waad i raacaysaa waana u sheegay Cimran, Warda tiri Naa maad waalan tahay Nin iyo naag is qaba maxaan ka daba doonayaa kuma raacayo ee kaliga ayaa tagaaya, Adna ayaa tiri saaxiib kaligay way igu adagtahay inaan baxo isku day inaad i fahanto i raac please, Warda way ka diiday laakiin Adna markay aad uga codsatay iyada oo aan rabin inay racdo ayay ogolaatay, inkastoy xanuun ku tahay Labadii hablood Adna iyo Warda Safarkii ayay isku diyaariyeen Laba cisho ka dib wey baxeen, Adna iyo Ninkeedu halka hore ee gaariga ayay Fadhiyaan, Wardana Halka Dambe ayay Fadhisaa oo Mobeilkeeda ayay isku Mashquulineysaa, Warda Labadan qof ee is qaba Qosolkooda iyo sheekadooda ayaa dhib ku heysa waa qof wax jecel, walibana waxa Qalbigeda ku jira qarsaneysa.

Goobtii markii la yimid Hotel ayay degeen Laba Qol oo Isku xiga ayay kala degeen, Warda qolkeeda ayay iska gashay, oo ku nasaneysa Adna iyo Cimran iyaguna qolkooda ayay joogaan, cabaar ka dib Adna ayaa soo baxday oo saaxiibteed qolka ugu timid iyada oo ku tiri: Xabiibti sorry hadaan ku cidleyay, Warda baa tiri: May Sxb Aniga hadan Mobeilka haysto waad ogtahay inyar oo cidla ah inaan dareemin ee adigu ii baashaal imikana Odaygaada ku noqo Anigu Happy ayaan ahaye.

Adna ayaa tiri Mayga hubtaa Sxb hadalkaas, Wardaa tiri Haa Sxb. Adna ayaa tiri Haye Is diyaari banaanka ayaynu Wax ka soo Cuneynaaye, Warda tiri Aniga Halkan igu keen Labadiinu kaliya wax isla cuna waan Xishoonaya hadaan sida un idiin daba socdee. Adna ayaa tiri Waan ku dareemi karaa, lakiin anna la’aantaa ma socon aqaano, hadey sidaa tahay Qolka ayaa lagugu keeni doonaa Sxb.

Adna wey ka soo baxday qolka Warda oo Cimran ayay u timid, Labadooda ayaa banaanka isku raacay iyaga oo meel jawi Quruxle jooga, Iyaduna aad isugu faraxsan yihiin ayuu ku dhahay Aaway Warda, markas ayay ku tiri Qolkeeda ayay joogtaa oo way iga diiday inay i soo raacdo, markas ayuu dhahay Gabarta adaa waxaas ugu wacan maad iska daysid maxaad u soo kaxeysay Iminka Cidla ayay joogtaa, Markaas ayay tiri waa runta anaa khaladka leh.

Warda waxay aad uga Xun tahay waxa ku dhacaaya, iyada nafteedana waxay u Ciqaabeysaa jaceylkeeda oo horteda ku faraxsan, nololna ku jira, hadana waxay isku qancisaa inay maalin un heleyso xiligay doonto ha noqotee, Balana ay tahay inay Saaxibted ka qaadi doonto, Mudadii Dalxiisku way soo Dhamaatay, dibna wey u soo laabteen.

Adna goobtii ay ka shaqayn jirtay wey iska joojisay, oo Nolol cusub ayay bilaabatay Meherkooda markay muddo badan ka soo wareegtay 5 bil waxa laysla fahmay inay Guri galaan, oo Reer meel degen noqdaan Cimran hawshi ayuu guda galay si fiican ayay ugu dhamaatay.

Cimran iyo Adna waxay u soo wareegen gurigooda Cusub, ka dib waxay isla qaateen Nolol aad u wacan, Cimran wuxuu u sheegay xaaskiisa inuu rabo inuu dib ugu laabto Wadankii uu ka yimid, laba week ka dib uu bixi rabo, Adna wey ogolatay, maalmo ka dib Adna waxay la hadashay Warda iyado ku tiri saaxib Guriga Cidla ayaa ku dareemayaa Cimrana dib ayuu u noqonayaa waxaan rabaa inaan ku weheshado ood guriga igula noolaato.

Warda maanta jaanis ayaa u soo baxay, weyna Ogolaatay inay u timaado halkaasna ku noolaato, Adna ayaa aad ugu faraxday Ogolaanshaha saaxibted, Warda maanta waxay aragtay rajo aad u Qurux badan iyo inay tahay fursad aad u qaali ah oo ay ku heli lahayd Cimran iyada oo kalsooni ku qabtay inay gacanta ku dhigi doonto Ninkan, Qorshe waxay diyaarsatay aad u weyn oo u sahlaaya wax walba.

Adna waa gabar aan filanayn Waxyaabaha qaar iminka niyadeeda waxa ku jira iyo waxa dhici doonaa waa laba kala duwan.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted