Ma dhacday inaad fikrad fiican maskaxda ku hayso, laakiin marka aad dadka dhex joogto aad iska gudbin kari la’dahay? Ama aad hadalka bilowdo, haddana codkaagu yara daciifo, aad degdegto, ama aad hadalkaaga macnihiisa ka bayrto hadalkana disho?
Waxaa laga yaabaa inaad markaas naftaada ku tiraahdo, “Anigu qof hadal badan ma ihi,” ama “Dad hortooda si fiican uma hadli karo.” Laakiin Vinh Giang, oo caan ku ah tababarka xirfadaha fagaare ka hadalka iyo isgaarsiinta, wuxuu tilmaamayaa fikrad muhiim ah: habka aad u hadasho ma aha wax gebi ahaanba cayiman. In badan oo ka mid ah waa xirfado la baran karo laguna tababaran karo.
Taasi waxay ka dhigan tahay in badanaa dhibku uusan ahayn inaad wax fikrad ah hayn. Mararka qaar waxaad haysataa fikrad fiican, laakiin codkaaga, xawaaraha hadalkaaga iyo habka aad u soo bandhigayso ayaa fikraddaas ka dhigi kara mid aan lahayn awooddii ay lahayd.
Marka hore is dhegeyso
Dad badan ma oga sida ay dadka kale ugu muuqdaan marka ay hadlayaan, sababtoo ah qofku ma arko naftiisa sida dadka kale u arkaan.
Isku day inaad telefoonka ku duubto adigoo dhowr daqiiqo ka hadlaya mawduuc aad taqaan. Markaas daawo adigoon isla markiiba is canaanan. Fiiri sida aad u fadhiisato, wejigaaga, gacmahaaga iyo meesha aad eegayso. Kadib codka si gaar ah u dhageyso.
Ma degdegtaa? Erayada ma liqdaa? Ma isticmaashaa “uhmm”, “een” iyo erayo kale marka aad fikirayso?. Hoos ma u dhigtaa codka marka aad fikrad muhiim ah sheegaysid?
Waxyaabahaas yar yar markaad ogaato, waxaad bilaabaysaa inaad wax ka beddesho.

Xishoodku mar walba ma aha qofnimadaada
Qofka xishoodka badan ma aha qof aan awoodin inuu hadlo. Waxaa laga yaabaa in qofka im sanado badan ay caado u ahayd aamusnaantu, dadka ka hor hadalkooda uu ku khalkhalo, ama ka baqo inuu khalad sameeyo.
Haddii aad mar kasta iska aamusto marka aad rabto inaad hadasho, maskaxdaadu waxay baranaysaa inaad aamusnaato. Laakiin haddii aad si tartiib ah u bilowdo inaad fikraddaada dhiibato, xitaa marka aad yara welwelsan tahay, waxaad dhisaysaa waayo-aragnimo cusub.
Uma baahnid inaad berri noqoto qof dadka oo dhan hortooda hadal ka jeediya. Bilow qof aad taqaan, kadib koox yar, kadib meel aad shaqo ama waxbarasho joogto.
Codka xooggan macnihiisu ma aha qaylo
Dad badan waxay moodaan in qofka la dhageysto ama dadku attentionkooda siiyaan uu yahay qof codkiisu dheer yahay marka uu hadlayo. Taasi sax ma aha.
Cod awood leh waa cod cad, deggan oo la fahmi karo. Haddii aad hadalka aad dedejiso, codka hoos u dhigto ama erayadaada ku khalkhasho, qofka kale wuxuu ku dhibtoonayaa inuu fahmo xitaa haddii fikraddaadu wanaagsan tahay.
Markaad hadlaysid, si fiican u fadhiiso ama u istaag. Qofka eeg. Erayada si cad u sheeg, hana isku dayin inaad hadalka ku dhammayso sida ugu dhakhsaha badan.
Aamusnaanta ha ka baqin
Qofka aan kalsoonida badan ku qabin hadalka wuxuu inta badan isku dayaa inuusan hal ilbiriqsi aamusin. Marka uu fikirayo wuxuu leeyahay “ah…”, “een een …” ama hadalka ayuu ku celceliyaa.
Laakiin aamusnaan ama hakad yar mararka qaar waxay hadalkaaga ka dhigtaa mid ka xoog badan.
Haddii aad tiraahdo, “Waxaan u malaynayaa in dhibaatadu aysan ahayn waqtiga…” hal ilbiriqsi hakad geli, kadib sii wad. Qofka ku dhagaysanaya wuxuu helayaa waqti uu ku fahmo fikraddaada, adiguna waxaad helaysaa waqti aad hadalkaaga u sii qorshayso.
Ha isku dayin inaad noqoto qof aanad ahayn
Hadalka wanaagsan macnihiisu ma aha inaad noqoto qof qaylo badan, kaftan badan ama mar walba dadka dhexdiisa ka muuqda.
Haddii aad tahay qof deggan, degganaantaada hayso. Waxa aad u baahan tahay waa inaad barato sida qofka deggan uu fikradiisa si cad ugu sheegi karo.
Ujeeddadu ma aha inaad shakhsiyaddaada beddesho. Waa inaad awood u yeelato inaad hadasho marka ay muhiim tahay.
Waxaa laga yaabaa in habka aad maanta dadka ula hadasho uu ahaa mid aad sannado badan jidkiisa saarnayd. Haddii aad maanta ogaato meelaha uu qaab hadalkaagu ka liito, kadibna si joogto ah u tababarato sixitaankiisa, waad hagaajin kartaa.
Mararka qaar dhibku ma aha in dadku aysan rabin inay ku dhagaystaan. Waxaa laga yaabaa in fikraddaada ay weli u baahan tahay cod si fiican u gudbiya.
















