Adna markay qolkeda tagtay ayaa waxay Aragtay inuu Cimram Dhawr mar soo wacay, ka dib Si degdeg ah ayay ugu celisay marku ka qabtay ayay ku tiri Iga raali noqo xaafada ayaan hawl ka hayay, Markaas ayuu dhahay Waa caadi Boqoradydii waan kuu xiisay, sidaa darteed ayaan intaa mar kugu soo wacay.
Waxay tiri sido kale waan kuu xiisay Nolosheydi, Wuxu dhahay Dharkan Madow aad ayaad ugu soo baxeysaa, Adna intay indhaha hoos u dhigtay ayay tiri Ma iga Hubtaa, wuxua dhahay Haa aad weliba, ka dib wuxau yiri Habibti waxaan rabay inaan kuu sheego Beri Qof ayaan kugu soo dhiiba Hadyad aan ogahay inaad ku Farxeysid, Marka ogow.
Markas ayay ku tiri Haye laakiin xilima ?, Markas ayuu dhahay Muuse marku kula soo hadlo uu ku dhaho kaalay u tag, Waxad la kulmi wax kaa farxiye, markaas ayay tiri laakiin maad in yar iiga sheegtid, Wuxu yiri May adaa indhahaga ku arki Beri.
Adna waxay fariin u firtay Warda iyadoo u sheegaysa Arinkan, waxayna ku tiri, Saxiib Cimran wuxuu igu yiri beri wax aad ku farxi doonto ayaan Hadiyad ahaan kuugu soo dhiibay Wlhi waan sugi kari la’ahay, Warda jawigeda aad ayuu isku beddelay Ciil ayaa haya xanuun ayaa haya waxay ku hadasho ayay wayday Fariintii ugama ay Jawaabin.
Cabaar ka dib hadana Adna ayaa u qortay Saaxiib intaad eegtay maxaad igu soo jawaabi wayday, Warda intay is tidri yaan lagu dareemin ayay ku tiri Sxb Qof ayaan la hadlaayay ee tolow muxuu noqon doonaa Beri waxaas laguu keeni doono.
Adna ayaa tiri Ma aqaani wuxuu noqon doono waan eegi doonaa Insha Allaah, Adna iyada oo faraxsan oo Sugi karin Bari intay ayay seexatay, Subaxdii markay soo kacday waxay isku diyaarisay Shaqadii, ka dib markay cabaar joogtay waxay furtay Khadka iyada oo eegaysa Fariintii ay subax walba arki jirtay laakiin Wax fariin ah May arag, Wey yaabtay maxa ku dhacay tolow manu soo Nabad kicin fariin ayay u dirtay, laakiin Qadka kuma jiro.
Waxay is tiri laga yaaba inuu hurdo iska yar Sug, hadana markay sugtay ay aragtay in anu soo galin ayay Caadi wacday, wuu Xiran yahay mobeilkiisu wey Warwartay Kolba waxay eegtaa inuu khadka soo galay hadana waa sidii uun oo wali muu soo galin.
Adna kolba ha yara eegto Mobeilka, lakiin Wax fariin ah iyo Call midna ma helin, aad ayay u Walwalsan tahay waxay sameyso ayay garan la’dahay Shaqadii ayay iska wadatay markay Adkaysan weyday waxay u tagtay Muuse oo ah Wiilka Cimraan ay saaxiibka yihiin Xafiiskiisa ayay gashay, ka dib ayay tiri:-
Asc Walaal Muuse Arin ayan rabay inaan kuu sheego ee Waqti maad heysaa, Haa ayuu Dhahay waad ii sheegi kartaa, Markaa ayay tiri Walaal Cimraan xalay ayaa igu dambeysay Anaga oo caadi ah ayaan kala tagnay ilaa saaka Qadka muu soo gelin, Numbarkiisu wuu xiran yahay ee walaal meel kale oo aan kala hadlo ma garaneysaa.
Muuse wuu og yahay Cimran inuu safar ku soo jiro, isla markaana iyada kedis looga dhigaayo, Markaas ayuu yiri Walal Anigaba waan waayay Saaka, mana aqaan wax ku dhacay ee wiil ay isku magaalo joogan ayaan wici i sug. Wuxuu iska dhigay inuu wacay laakiin muu wicin Ilen Cimran wuu ogyahay inuu soo socdee, iyaduu rabaa inuusan fahansiin sheekada, Markaas ayuu ku dhahay Adna Wiilkii isaguna mobilka ma qabanaayo inuu shaqo ku jiro ayaa laga yaaba ee iska sug laga yaabaa inuu Cimran soo hadlo, Adna baa tiri Haye Walaal weynu sugi, weyna iska soo baxday iyada oo aad u murugeysan.
Adna guriga ayay timid markas ayay wacday oo ay u sheegtay Arrintii oy ku tiri:-
Saaxiib Cimran Xalay Ayaa igu war dambeysay Wlhi waxaan sameeyo ma Aqaan aad baan u war-warsanahay, Warda baa ku tiri Sxb, maxaa sidaas oo dhan isugu murjineysaa Isagaa kula soo hadli doonee Caadi iska dhig.
Markaas ayey Adna tiri Haye Sxb, Khayr ayay noqon. Warda ayaa hadana ku tiri Iska yar sug ilaa Saacad bal sideey wax noqdaan.
Saacadu waa 5:00 PM, waxaa Airport ka soo degay Cimran, waxaana u yimid saaxiibkii Muuse, weyna soo baxeen Gaariga markay soo raacean ayaa Muuse ku yiri Saaxiibkii: Sxb, Adna aad bey u warwarsan tahay iminka xaaladeeda side tahay tolow, markaas ayuu Ximran yiri Haa Sxb waan dareemi kara wax fiican maan sameyn ana inaan ka farxiyo un baan rabaa, Cimran guriga ayuu yimid Showerka ayuu tagay daalkii ayuu ka soo meydhay Wuxuu u lebistay sidii Nin Caruus ah camal, Muusana wuxuu diyaariyay Goob aad u qurux badan.
( La soco Qeybta Xigta ).














