Warda markay guriga timid waxay la ashqaarartay Quruxda Cimraan iyo marku Caawa la hadlay siday isku bedeshay iyada oo leh Wiilkan Aniga ayaa laygu talagalay, Adna Xaq uma laha inay lahaato malinba malinta ka dambeysa waan sii jeclaanaya Cimraan.
Cimraan ayaa fariin u soo diray Adna isaga oo leh Xabiibti guriga ma nabad timid, Waxay tiri Haa qaali waan imid Alxamdullilaah, Wuxuu yiri Naftaada adaa iga masuul ah intaan kaa maqnahay, Markaas ayay tiri Anaad igu Ogtahay, Ka dib wuxuu weydiiyay Iminka Qalbigaada Boos maygu sameysay, Haa ayay tiri Wan isku kaa dhiibay Xabiibi, wuxuu yiri Waa nalan inaan kuu xafidi doono Naftaada.
Adna baa tiri Aniga Jaceylka waan iska Ilaalin jiray, laakiin Maanta jaceylka isagaa i ilaalinaya cajiib, Cimran ayaa dhahay Waxaad u qalantaa jaceylka Aduunka yaala in adiga lagu siiyo, Waxay tiri Dumarka wixii loo dhiibto wey sii badiyaan hadaad jacayl dhaba ii dhibato Anna laba jibarkiisa ayaad iga heleysaa, Markas ayuu yiri: Aniga intay naftu iga jirto Farxadaada ayaan ka talin doonaa.
Adna ayaa tiri Anna waxaan kuu noqon doona Indhaha ku tusa nolosha quruxdeeda, Wuxuu yiri Waan sugi kari la’ayahay intan kuu imanayo oo aan Kula kulmi doono, Adna baa tiri Anba xiiso ayay igu heysaa Aragtidaadu, Wuxuu yiri: Weynu is arki doonaa waliba Nolosha ku midoobi doonaa.
Subax ayay noqotay Adna Shaqada bey isku diyaarisay gaarigii shaqada ayaa u yimid, weyna baxday.
Markay noqotay Barqo, tahayna Xiligi nasashada ayay tagtay Cafateriyadii ay tegi jirtay Caffe iyo Cake ayay dalbatay, ka dibna Mobeilkedii ayay la soo baxday Khadkii ayay furtay iyado faraxsan, waxayna aragtay Fariin qurux badan oo u taal.
Adna markay Qoraalkaasi Quruxda iyo Dareenka leh aragtay, aad ayay isku bedeshay farxad iyo dareen dhab ah ayaa qaaday waxay ku hadasho ayay garan weyday, Qoralkii ayay Boqol mar Akhrisatay Cuntadii ayaa ka daadegi wayday,
Adna iyadoo aad u faraxsan ayay ku laabatay Shaqadedii cabaar ka dibna wiil ayaa u soo galay, markaas ayuu ku yiri Adna adiga sow maaha Haa, ayay tiri Hoo ayuu yiri Alaabtan weyka qaadatay, wiilkiina wuu baxay markay eegtay oo ay furtay Waxay aragtay Waraaq ay ku Qoran tahay Mudantaydii waa Hadiyad yar aan kugu tala galay, Waxay Fahantay inay tahay Cimran Hadiyadii uu ku yiri waan ku soo dhiibaya wey furtay, waxayna aragtay IPhone 15 iyo Ubax iyo purfum iyo Alaabo yar yar.
Adna wey ka heshay hadiyada Cimran kadib wey wacday Waxayna ku tiri Geesigeygii wey ii timid Hadiyaddii, waana ka helay Nahadsanid Qaali, Markaa ayuu dhahay middan waa tii ugu yareyd aan ku siiyay waxaan filayaa mid ka qaalisan inaan kuu keeno ood ku farxi doontid, Markas ayay tiri Jacaylka sidaan u macaan maxaad mar hore ii siin weyday maxaan kuu baran waayay mar hore, wuxuu dhahay iminka ayuu nasiibku qoray inaan is helno.
Wada hadal ka dib markay Fariimaha Quruxda badan is weydarsadeen, Adna waxay wacday saaxiibted laakiin Mobeilka kamay qaban, ka dib waxay is dhahday laga yaabaa inay mashquul tahay, Warda wey arkaysay wicitanka Adna, lkn iyadaan rabin inay la hadasho oo ay ka qabato Mobeilka.
Warda oo Mobeilka iyo Khadka iskaga Mashquulsan ayaa waxay aragtay Adna oo Whtsappka Status soo dhigtay Fariimihii Quruxda dadnaa ee iyada iyo Cimraan dhex maray iyadoo ku qortay Dhameystirka Nolosheyda, Warda markay aragtay in arintu faraha ka baxday oo Labadan marba narka ka dambeysa isku sii siqayaan, Wax ay sameyso ayay garan wayday, iyadana xanuun ayay ku tahay inay waxaas Aragto.
Cimran wuxuu go’aan ku gaaray inuu Dalka yimaado si uu ula kulmo gacalidiisa uu jecel yahay, ka dib wuxuu ku kikiray inuu kedis uga dhigo Imantinkiisa, wuxuu wacay saaxiibkiis Muuse Wiilkii hay’ada madaxda ka ahaa, wuxuu u sheegay inuu Rabo Dalka inuu yimaado, weliba Adna uu kedis uga dhigo.
Saaxiibkii ayaa ku dhahay Beri ayaan soo baxayaa waxaan rabaa inaad ii diyaariso Meel Qurux badan oo aan Adna kula kulmo, hana u sheegina is ilaaliya ma rabo inay ogaato, Wiilkii Muuse ayaa dhahay waa arin fiican Anna kuu dhamaynaya intaas saaxiib, waa Xilli habeen ah, Adna Xaafada ayay Casho u karineysaa oo Jikada ayey ku jirtaa.
Iyada oo hawsheeda iska wadata ayaa waxa u timid Warda markaas ayay ku tiri Saaxiib Callka iminka ayaan arkay iga raali noqo Caawa hawsha ayaa igu badneyde, Adna ayaa tiri dhib malaha qaaliyay Xaaladaada ayaan rabay inaan ogaado, Warda iyada tiri Waan fiicanahay macaanto, Warda ayaa ku tiri Waad Shidan tahay waxa aan arka IPhone 15 laguu keenay, Adna ayaa inta ay qososhay tiri sow ma aragtid.
Warda ayaa tiri Cimraan oo kale iigu ducee Sxb, waa Wiil fiican ku ilaaliya markaad isaga heshay waad is bedeshay, oo Qurux ayaa ku siyaaday, Adna ayaa tiri Ma iga Hubta ina shidnaaday, Waa Runta inaan helay Haldoor aan la heli karin 10 bilood ayaan Xiriir leenahay waxaadna moodaa 3sano inaan xiriir lahayn, Adigana Sxb mid kasii fiican ayaan kugu Duceynaa inaad hesho waana hubaa inaad helayso, Warda waxay tiri Haa waan heli doona Cimran oo kale. Adna ma oga Ninka loo socdo inuu jacelkeeda yahay.
Warda ayaa tiri Sxb waan sii baxayaa ee Qadka ayaan ka soo wada hadlaynaa. Adna ayay tiri Haye saaxiib.
( La soco Qeybta Xigta ).















