Gacalisadaydii maalmaha adag igaga dhex luntayeey, maxaan kuu sameeyaa oo kale haddii aan qirtay inaan la’aantaa dhib badan mutay? Maxaan kuu sameeyaa haddii aan ogsoonahay in aanad qalad geysan ee, maalmo aad la jirkayga u baahnayd aan duruufaha iyo is diidooyinka nolashayda aan ku dhex lumay?
Maxaan se kuu sameeyaa haddii aan si dadban iyo si daacad ah ba kugu sheegay inaan caynaano iyo cudur daar kaa sugayay, markaan hirarkii waayaha ka soo dhex baxay? Markaan lumay een dib isu soo helay; markii aan lumay ee anigoo is raadinaya hadana aan la jirkaaga, farxaddaada iyo naxriistaadii ka dhex raadinyay maalmaha is waaga!
Gacaliso maxaan kuu sameeyaa oo kale haddii aan hortaada si cad uga sheegay in waajibkaygu yahay qirashada jacaylkaaga, iyo aqbalidda inaad nolashayda boos weyn ku leedahay?
Ii sheeg haddii aan anigu ilaaway luuqaddaada jacayl garashadeeda, haddii aan ku liito dareen qirashada, Iyo haddii qabkayga ninimo nugaylku ku adkaaday? Anigoo qable ayaan jacaylkaaga qiranayaa; anigoo duruufaha, waayaha iyo is diidooyinka nolasha u adkaysi badan ayuu jacaylkaaga dartii maalin kaste qalbigaygu u dhiig baxaa!
Ma se garanayo luuqad ka duwan tan qirashada ah oo aan kuugu sheego! Haa, waan ku jecelahay gacalo, laakiin is-dhul-dhigga, ka badbadinta iyo catowga badan waa la igaga fiicanyahay.
Gocoshada aan la ii garaabayn in aan waaayahaaga jacayl gaar ku noqdo, ayaan ka doorbidayaa. Qaladaadkayga waan qiranayaa, ma se ogalaan karo in si taxane ah la iigu ciqaabo; Waa runtay oo hal mar oo aan fogaaday, ayaa nolasheennii, wada jirkeennii iyo Farxaddaydiiba lumiyay! Ha se ii baqan gacaladaydaay.
Awoodda iyadoo la dhibanyahay lagu dhoollacadeeyo, midda iyadoo culaysyada nolasha la marayo xal looga raadiyo dhammaantood waan leeyahay; illaa hadda se tii xasuus tirtiradaada ayaan laayahay! I cafi gacalo haddii maalmaha xasuusahaaga aan la daala dhacayo aan farriimaha kugu badiyo.
Mar kale i cafi haddii aan noolihii aad jeclayd jacaylkaaga ku ciqaabo iyo Haddii marka aan bogsado aan qof cusub noqdo, gadaalna kuu soo fiirin waayo.
Bal haddaba inta aynaan ciqaabahaas oo dhan mid mid u marin, Ii sheeg maxaan kuu sameeyaa? Maxaan kugu xaal mariyaa? Maxaan se kugu raali geliyaa?!
Ugu danbayn gacaladaydaay haddii aanad garanyn wax aan ku sameeyo, oo xalin kara dareennadeenna aniga ayaa kuu sheegaya ee waxaad ii samaysaa:
Igu garab sii ilowshahaaga yacni iga daa soo faqidda; xasuusaha, farriimaha, qirashadaada ah inaad i jeceshahay iyo sheegidda aad ii sheegayso in aanad baddelkayga helin.
Igu bogsii bogsiimahaaga, igu calool adkaysi caynaano iyo cafis la’aantada. Hana ii rejayn farxadan aad iga fogaatay dhigaana aad iga rejaynayso. Haa iska kay iloow!
- Intaan awadaa kali ooyi lahaa
- Adna aad dartay u ilamyn lahayd
- Ma isku uur samannaa eed la’aan
- Inagoo is jecel mays ilashannaa?















