Warda waxey Ilowday Adna inay tahay saaxiibteeda ay Wakhtiga badan soo wada qaateen inay waliged waxba ka qarsan, Shey haday soo iibsato iyadana ay u keeni jirtay nolosheda aney marna xumayn saaxiib qaaliya inay tahay, Iyadoo waxas og ayay hadana Isku qancisay inay ka heshay wiilkan oy rabto inay Gacanta ku dhigto.
Adna Subaxdii Shaqadii ayay tagtay, ka dib Iyada oo Cafateriyada u socota ayaa waxay la hadashay Warda, waxayna ku tiri: Sxb Caawa banaanka ayaan ka soo cashaynaynaa ee meelna ha tagin Baryahaan wakhti maynaan wada qaadane, Warda waxay ku tiri Waa yahay saaxiib.
Markay Adna Shaqada ka timid Cabaar nasatay waxaa u timid Warda, markaas ayay ku dhahday Saaxiib Dhar aan kugu raaco ii dhaib, markaas waxay ku tiri Qolkayga tag oo kuwii ku Cajabiya soo xiro, Haye ayay dhahday, Labadii hablood sidii ayey isku raaceen.
Hotel aad u Qurux badan bey tageen Casho ayay dalbaden Vedio ayay iska duubeen, kama qasna Adna waa Qof iska daacad ah oo ma oga Warda wax ka dhex guuxaya, Iyagoo Cashadii cunaaya oo Jawi isaga jiro ayaa Adna, Cimran soo wacay, Adna ayaa tiri Saaxiib yara aamus Cimran ayaan la hadlayaaye, Warda Haye bey tiri, iyadana Ciil ayaaba ka haaya oo Maseyr ayaa ku dhan.
Adna wey ka qabatay Vedio Call ayuu ku soo wacay, Codkana kor ayuu u kacay waa leys maqlaa, markaas ayuu yiri Caawa bananka miyaad joogtaa.
Waxay tiri Haa, Aniga iyo saaxiibtey ayaa Caawa banaanka u soo baxnay, Warda codkiisa ayaa ku socda si fiican ayay u dhageysaneysaa, iyada oo hadana ka Xun sida ay u wada hadlayaan, Cimran ayaa ku dhahay wiil aan Saaxiib nahay ayaa soo baxaaya, waxaan kugu soo dhibayaa (IPhone 15), wey ku faraxday, waxay tiri Run miyaa, aad ayaan u xiiseeyaa Mobeilkas Thnks.
Markaas ayuu ahahay Adaa ka qaalisan inaa Mar walba lagaa farxiyo weeyaan, waxa ay tiri: Waxaa ka sii fiicnaan lahayd inaad adigu timaado, Wuxau yiri Aniga Laba bil ka dib waan imaanayaa.
Warda markay maqashay In Mobeil loo keeni rabo oo Ssaxiibted Isku heshay Nin hanti leh oo weliba Qurux badan wey u quuri la’dahay.
Adna ayaa ku tiri Saaxiibtay ayaan ku barayaa la hadal, Warda aad ayay u naxday, markaas ayay si hoos ah ugu tiri Naa iga daa lama hadlaye, Adna waxay ku tiri Waa caadi saaxiib dee baro Mobeilkii ayay u dhiibtay, Naagtii Warda oo sina u naxsan sina ugu faraxday ayaa la hadashay markii ay isku dhaceen Labadooda indhood Warda dhoola cadayn ayay bilowday, Markas ayuu yiri: Walaal see tahay?, waxay tiri Waan Fiicnahay, see tahay Adiga, Alxamdulilah Barasho wacan waan ku salaamayaa bye.
Mobeilkii ayay u dhiibtay Adna, ka dib Adna ayaa ku tiri Cimran markaan guriga tago ayaan kula soo hadli, Haye ayuu dhahay naftaada ii ilaali.
Warda baa ku tiri Adna: Qof aad jeceshahay hadduu kaa raaco Qof kale oo weliba aad adiga kalsooni ku qabto, maxaad sameyn lahayd?.
Adna ayaa tiri Qofka aan jeclahay haddu isagu Qof kale iga raaco isaga ayaan khaladka saari lahaa Qofka kale waxba kuma dhaheen.
Warda waxay iska hubineysa falcelinta Adna, balse Adna ayaa tiri Lkn hadalka maxad ugala jeedaa, Warda ayaa tiri Waxba kaliya waan ku wrydiinaayay un wax kale ma jiraan.
Adna ayaa tiri: Saaxiib aynu iska tagno waa xilli dambe, Wayna soo baxean markey Guryahooda soo gaareen ayay Adna tiri: Saaxiib intan aan halkan kuu taaganahay gal guriga, narkay Warda gashay ayay Adna guriga soo gashay. Adna waxay u ilaalisaa Warda sida Ubad oo kale Warda Hooyo ma laha Habar yarteeda ayay la nooshahay, sidaa darteed Adna waxey is dhahdaa yaaney hooyo la’aan dareemin saaxiibada, Nafteeda Nafta saaxiibteed ayay ka hor marisaa, laakiin Warda mey eegin wanaaga ay ka heshay Adna, iyo siday u ilaaliso saaxiibnimadooda oo waxay ku fikireysaa siday Ninkan uga qaadi laheyd.
( La soco Qeybta Xigta ).















