Markuu helay Numberkeeda, markiiba Fariin ayuu u soo diray, iyaduna weli Shaqada ayay joogtaa, xoogaa ka dib ayay aragtay fariintii, waxa uuna u soo qoray sidatan:- Hello Adna xaladaada iiga waran, waxaan ahay Wiilkii kuu soo wakiishay Muuse ama wiilkii laguu sheegay inuu kaa helay.

Ka dib Adna wey aqoonsatay Wiilka, markaas ayay tiri:- Waan fiicnahay soo dhawow, wuxu yiri Mahadsanid, waxa aan filayaa iminka Shaqada inad joogto, hawshaada iska wado Ila hadhow ayaynu soo wada hadli doonaa, markaas ayey tiri Haa shaqada joogaa waana inoo hadhow.

Markay inyar joogtay ayuu u soo diray sawiraantiisa Fariintii may furin oo waxay is leedahay markiiba ha eegin, yaan lagu dareemine, Hadana intay eegayso way sugi kari la’dahay Waa Xilli Duhur, waana wakhtigii ay Guriga tegi lahayd wey soo baxday gaarigii Shaqada soo Qaday guriga ayay timid, markii qadeysay ee qolkeeda tagtay ayay Mobeilka soo qaaday, Fariintii ayay furtay markey aragtay Sawirada Wiilka waxay aragtay Wiil Jir iyo Qurux ilahay isku siiyay oo weliba Dookheedii ah.

Cabaar kolba ha ku soo dhaweyso sawirka oo si fiican ha u daawato wuu Caajabiyay wiilku, Isaguna sawiradaadii ii soo dir ayuu dhahay, weyna u dirtay.

Adna waa inan aad u Qurux badan oo Mqasha Allaah ah isaga xataa wuu la dhacay Gabartan Geenyada, wuxuu u soo qoray ma indhihii ku arkaybaan Mahad badan u celiyaa, mise Qoyskii ku dhalaan u Mahad naqaa ?. Quruxda Alle ku siiyay durba dareen Awood badan ayaad igu abuurtay, waxaan Rajeynayaa inaad Hanti ii noqon doonto.

Adna markay aragtay Qoralkaas dareenkedu aad ayuu isku bedelay, waxayba is tiri malaha waa kii laguu Qoray, hadana ma rabto inay is dareen siiso oo mesageka hore ugama jaawabayso, waxay u qortay jaceylku Barasho ayaa ka horeysee, laakiin wuxuu iska imaan jaceylkuna. Isaguna wuxuu yiri Insha Allah, Wuu imaan jaceylku. Ka dib ayay ku tiri caadi isku key bar.

Markaas ayuu dhahay Aniga Cimraan ayaa ley dhahaa, waxaan ku noolahay Dalka UK, oo aan ka shaqeeyaa, Family-keygu waxay joogaan Turki, xiliyada fasaxa waxa aan imaadaa Soomaaliya.

Waxay tiri Okay Anigana aan iskaa baro Aniga iyo Famliga Soomaali ayaan isla joognaa, sidaad ogtahayna waan shaqeeyaa. Intaas ka dib Wuxuu dhahay Dalxiiska see isku tihiin ?, Waan jeclahay laakiin ma Safro oo weli meel ma tegin, waan gartay, Adna waan baxayaa Gym ayaan aadayaa waa ino Caawa, ayuu ku yiri.

Adna Saaxiibted Warda ayey wacday si ay ugu sheegto waxa soo kordhay, Hello Naa Warda maanta Sheekadii aduunka ku haya, markaas ayay Warda tiri Naa maxaa jira, Markaas ayay Adna tiri Wiilka madaxda ka ah meeshan ka shaqeeyo ayaa Saaxiibkii iga helay, ka dibna wuu ii soo dirsaday anigana waan aqbaalay, Warda tiri Naa way igu socota ii wad, ka dib waa is baranay wiilkii, Wardaay Saaxiib hadaad aragto Waad yaabi Quruxda, Cadaanka, Jirka iyo Cod macaanida.

Warda ayaa tiri Naa Maseyr ayaan dareemaya kk, Halkuu joogaa wiilku, Adna iyada oo hadalkii u sii wada ayay tiri, Uk ayuu jooga familkiisuna Turki ayay joogaan. Warda waxay tiri Bal sawirkiisa ii soo dir dee aan kaa eegee. Adna Haye ayay tiri, weyna u dirtay. Warda sawirka marka ay aragtay, maxaa dhacay ?.

Warda markay aragtay Wiilka wey is celin weyday micnaha dareen baa galay, Mobeilkii ayay demisay meel ayay istaagtay iyadoo la yaaban Sawirkii ay aragtay, inay ka heshay Wadnaha aad u garaacmaya, nafteeda waxay ku leedahay ma waxaad jeclaan doonta saaxiibtaada Qofkeeda.

Saacado kadib ayey furtay Mobielkeedii, waxayna u qortay Adna, iga raali noqo Dabka iga dhacay, Wiilkuna wuu shidan yahay ilaasho, Adna ayaa tiri Thanks, laakin maxaad ka wadaa ilaasho ?, Markaas ayay Warda tiri:- Yaan lagaa dul qaadin Quruxlowga. Adna waxay tiri kaftanka inaga jooji saaxib.

Cimraan fariin ayuu u soo diray Adna, wuxuuna dhahay Habeen Wanaagsan Adna, markas bey u qortay habeen la mida, Ka dib wuxuu yiri: Iminka muddo Week ah baan Xiriir kula lahaa Naftaydii way is beddeshay Mar walba inaan kula hadlo uun baan doonayaa adoo raaliya Vedio Call ma kugu soo wici karaa inaan ku arko ayaan rabaa, Waa caadi ayay tiri, weyna furatay Callkii.

Indhihiisa markay aragtay xishood jira awgii wey eegi kari la’dahay kolba marka uu jeesto ayay wajigiisa eegaysay, wuxu yiri Markaan ku arkay Wadnaha saa’id u shaqeeyay farxadna waan dareemayaa, laakiin i soo fiiri Hal mar. Iyadoo aad moodo Inay illin ku taagan tahay ayay eegtay, markaas ayuu dhahay waxaad u Qalantaa in Adiga un lagu daawado Waqti walba. Adna wey Dhoola cadeysay markaas ayay tiri, Sawirka Halkaaga dambe ku dhegsan aan eegee i yara banee.

Waa Iyada Sawirkedii oo la weyneeyay, markaas ayuu dhahay waa qdiga waxaan jeclaystay Inaad hortayda ka muuqato habeenkii markan seexanaayo adiga igu dambeeya ku sii eega, subaxdiina markan indhaha kala qaado adaa igu horeya.

Adna qalbiga ayaa jilcay, waxayna Ogaatay inuu yahay qofka keliya ee u Qalma Inay jeclato, waxay weydiisay Hore miya Qof u jeclaatay, markas ayuu dhahay May Aniga ma Aamini jirin jacaylka ila aan adiga ku arkay, Waxay tiri Anigana weligay Qof ma jeclaan oo Cabsi ayaan ka qabay iyo inan qalbiga leyga dhawaco, Markaas ayuu dhabay Adiga Qofka Qalbiga kwa jebiya qma kaa taga waa qof bilaa Nasiib ah, oo jaceylka aan waxba ka Aqoon, Aniga waxaan kaa balan qaadayaa inaan sida Boqoradaha kuu ilaalin doono Wax cabsiya iska ilaali inta aniga kuu joogo.

Ka dib Waan Seexanayaa ayey tiri, Beri ayaan Shaqo tagayaa ee waa inoo mar kale. Haye ayuu dhahay weynu soo wada hadli, Telefankii markay dhigtay Farxad ayaa soo gashay kolba Sawirkiisa ayay eegtaa wey isku dhiibtay oo qalbiga ayay gelisay.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

5 1 vote
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted