Intaas ka dib wuxuu yiri Saaxiib gabartan waa shaqaalaha Cusub, Adna ayaana la yiraah ee miyaad ka heshay, wuxuu yiri Haa, laakin bila nasiib ayaan ahay Caawa hadaan joogi lahaa Xafladda waan heli lahaa gabarta, (Wiilkan madaxa hey’ada ahi waxaa la yiraah Muuse).
Ka dib Muuse ayaa dhahay Saaxiib anaa kaaga soo dhameynaaya iyada ee iga war sug, ka dib Callkii ayuu dhigay.
Adna isha ayay kala socotaa wiilkani inuu iyada kolba meel u daba socdo wey yaabtay, iyadoo Miis iska fadhida oo Vedio iska duubeysa ayuu ku dhahay Haye Adna ma soo fariisan karaa ?, markaas bey tiri Haa fariiso.
Ka dib markuu Fariistay ayuu ku yiri Ka waran Xafladda maku Caajistay ?, waxey tiri Wey shidan tahay Xafladu. ka dib wuxuu ku yiri Adna xafadahe degen tahay ?, way u sheegtay hadana wuxuu waydiiyay Xaas maa tahay mise ?. Maya Xaas ma ihi ayay tiri.
Iyada markeeda ayaa su’aal weydiisay ku tiri adi Xageed degen tahay?, markaas ayuu isaga u sheegay Xaafadiis. Haye xaasle maa tahay ayey ku tiri. Haa ayuu yiri weliba xaaskaygu meesha ayay inagala shaqeysaa waana maamule ku xigeenka.
Markaas ayay tiri Hani miyaa Haa ayuu dhahay, Oky ayey u raacisay iyaga oo halkii fadhiya ayaa waxaa u timid Hani oo ah Xaaska Muuse markaas ayay dhaheen soo fariiso. Halkii ayaa sheeko laysu weydaarsaday.
Ka dib Adna taleefan ayaa u soo dhacay, weyna kacday Muuse ayaa xaaskiisa Hani ku dhahay Hppti Arin ayaan rabaa inaan kuu sheego, Haye ii sheeg ayey tiri. Markaas ayuu yori Cimraan wiilkan saaxiibka aheyn ayaa Caawa ila hadlayay anaga oo wada hadleyna ayuu arkay Adna, wuuna ka helay. Anigana waxaan dhahay anaa ayaa ka soo dhameynaa, iyadana meel aan uga bilaabo ma aqaan ee adaa Dumar isku tihiine hawsha iga soo dhame, Markas ayay tiri Xaaji anaa igu ogtahay arinkaasi.
Xafladii ayaa soo dhamaatay Dadkii banaanka ayay u soo baxeen qof walba gaari ayuu raacay Adna dhaweeye ayay dalbatay iyado sugaysa ayaa soo hor istaagay Muuse iyo xaaskiisa Hani, markas ayay ku yiraahdeen Adna waa xilli dambe Inamari aan ku sii kaxayne. Haye ayay tiri, weyna soo raacday Guriga Hortiisa la keenay, markaas ayay ku tiri waad mahadsan tihiin.
Guriga ayay gashay waxaa soo wacday saaxiibteed Warda oo iska war jecel markaas ayay tiri Adna iga waran xafladii markaas ayay tiri Wey shidnayd caadi ma aheyn, Warda ayaa ku tiri Wiil lacag leh uun ma soo baratay ?, Adna ayaa ku tiri May lkn aniga inaan qof soo barto umaan tegin anaa isku mashquulsanaa ee Sxb waan daalanahay, Berina shaqaa i sugeysa waa inoo mar kale.
Way iska seexatay Adna, Subaxdii bey kacday Salaadii ayay tukatay Quraac ayay sameysatay iyadu Xili Hore ayay shaqada tagtaa wey is diyaarisay, ka dib gaarigii shaqada ayaa u yimid wayna tagtay, Markay noqotay xiliga Nasashada ayay soo baxday Cafateia u dhaw oo shaqalaha dhan tagaan ayay qabatay, Caffe iyo wax qafiif ayay iska dalbatay iyada oo halkii fadhida ayaa waxaa u timid Hani, waxayna ku tiri Adna see tahay ?, Waan fiicanahay ayay tiri, Adigana ayey ku tiri Tamaam ayey tiri.
Ka dib wey la soo fariisatay markaas ayay Hani tiri shaqada ka waran, mala qabsatay?, Haa ayay tiri Adna. Ka dib waxay ku tiri maanta Adna Arin ayaa iga kaa soo gashay, waxaana rajenaa inaad Iga aqbali doontid. Markaas ayey tiri Hadaan awoodo waan kaa aqbali Ii sheeg. Waxay tiri Walaal xalay Xaflada dhexdeeda ayuu Wiil kaaga helay, ka dib Aniga iyo Xaajiga ayuu noo kaa soo wakiishay ee ka waran, markaas ayay tiri Isaga muxuu afkiisa igula hadli waayay intu Idinka i kiin soo dirsanaayo.
Hani ayaa tiri Meesha ma uusan joogin, lakiin Muuse ayuu Vedio Call kula hadlaayay halkaes ayuu ka arkay markaas ayay tiri Haa sax inkasto aan xiriir wakhti u heynin idinka wajigiina ayaan ku aqbalay, waana caadi. Hani ayaa tiri Waad mahadsan tahay waana wiil fiican anaa kaa huba.
Ka dib Hani Xafiiska Muuse ayay tagtay arinkii inay dhaamaysay ayay u sheegtay, Muuse ayaa yiri waan ogaa waxaan kuu diro inaad ku guulaysato, waana si fiican isaga anaa u sheegi doona, wuuna wacay ka dib ayuu u sheegay inay gabartii ogolaatay Barashadiisa, ka dib Numbarkeda ayuu siiyay.
( La soco Qeybta Xigta).















