Adna Waa gabar dhalinyar ah, oo Xaasna ah Qisaadu Waxay Ku Bilaamatay Sida Tan.

Adna Laba sanno ka hor ayay jaamacadda dhameysay, nolosheeda Hal gabar ayay saaxib la ahayd, Waa Warda muddo dheer ayay dhex taalay saaxiibtinimo noqotay walaaltinimo,

Adna in muddo ah waxay raadineysay Shaqo, maadama ay Guriga iska dhex joogto Dhawr meelood ayay Ka Xaraysatay, Shaqo ayaamo ka dib waxay heshay Shaqo aad u fiican oo iyada Caajabisay, Halkii ayay ku Hawl gashay.

Adna iyadoo gurigooda joogta ayay wacday saaxiibted Warda oo ay deris yihiin, ii kalaay ayay tiri, Wardana Haye ayay tiri, in yar ka dib wey u timid, Qolka Fadhiga ayay fadhiisteen Cabaar markay Sheeko dhex martay ayaa Adna tiri Saaxiib Hadyaad ayaan ku haayay ee Hoo iga gudoon.

Warda ayaa tiri: Saaxib armaa igu ciyaaraysa?, Adna ayaa tiri Adi horta fur oo eeg waxa ku jira. Warda ayaa furtay mise waa Fargal Dahab ah, Warda ayaa tiri Saaxiib Hadiyadan Maxaad isugu dhibtay waa qaaliye. Adna ayaa ku tiri Adaa ka Qaalisan saaxiib, Farxad kale ayaan ku hayaa Ma Ogtahay inaan Shaqo fiican helay oo Hey’ad ka shaqeeyo.

Markaa ayey tiri Saaxib waan ku hambalyenaa Guushada waa teyda.

Wakhtiga ayaa ku dheeraaday markaas ayay tiri Warda Saaxiib waan tagaya Xaafada ayan Casho u sameynayaa waan isla soo hadli doonaa. Adna waxay ku tiri Haye saaxiib markaad tagto guriga message ii soo qor Oky ayay tiri Warda.

Adna Laba Week ayay shaqadu u mareysaa Nolol Happy ah ayay isaga jirtaa waana Qof Kalgacal badan dadka ay iska shaqeeyan ayaa u bogay wanaageeda, iyado Xafiiskeda joogta ayaa waxa u imid Maamuulaha Hay’ada Kadib wuxuu ku yiri Runtii waxaan arkaa ina tahay gabar Cilmi fiican leh kuna darsatay Maskax iyo Wanaag, ee waxaan kuu sheegayaa Caawa Shaqaalaha oo dhan xaflad ayaa jirta waxaan rajenayaa inaad ka soo Qayb gali doonto, waana ii sharaf, Adna waxay tiri Waad mahadsan tahay waana kasoo qayb galayaa Xaflada Insha Allaah.

Wuxuu dhahay Aqbalaadaada waad ku mahadsan tahay waana inoo Caawa insha Allah, Adna markay guriga timid waxay wacday saaxiibted Warda, waxayna ku tiri Waxaan rabaa inaad suuqa ii raacdo Dhar ayaan raba inaan soo iibsado Caawa xaflad ayaa jirta dadka meesha imaanaya waa VIP inaan iska dhiso ayaan rabaa ee is diyaari waan ku soo marayaa. Haye ayay tiri saaxiib waan ku sugayaa ee soo dhakhso waad ogtahay guriga ayaa hawlo iga haystaane.

Adna ayaa tiri Oky 5 daqiiqo un i Sug, ka dib sidii ayay suuqa ku tageen Dharkii iyo alaabtay rabtay soo iibsatay waxooga way soo daheen oo suuqa waa iska jaam Maqrib ayey timid Markay guriga timid Showerka ayay gashay ka dib make upkeedii dhac isku siisay, dharkiina way xiratay Gaari ayaa u yimid weyna baxday.

Goobta Xaflada waxa iskugu yimid dad Caan ah iyo Qaar Hanti leh Xaflad shidan ayay aheyd Ka dib Ninka maamuulka ah Vedio call ayuu saaxiibkii kula hadlayaa isagoo ku leh Saaxiib caawa adaa meeshan ka maqan Iyaga oo sidii u hadlaaya ayaa waxaa soo istaagay Gaarigi Adna waday, kadib markay Lugta dhulka soo dhigtay ayaa waxaa halka ka arkay wiilkii Vedio callka ku jiray, ka dib wuu sii eegay mise waxaa ka soo degtay Gabar geenyo ah, oo ilaqhay Qurux u dhameeyay, kadib Hoolkii ayay soo gashay, ka dib wuu arki waayay markaas ayuu ku dhahay saaxiib Gabar aad u qurux badan ayaan arkee kac oo soo raadi.

Wiilkii maamuulaha ahaa ayaa yiri sideen ku garanayaa kun hablood ayaa jooge, markaas ayuu dhahay anaa kula eegiye igu aadi mobeilka Wiilkii cabaar marku socday ayuu wiilkii Callka ku jiray Mar kale Isha ku dhuftay Adna markas ayuu dhahay Saaxiib waa taas waan arkaa, waana gabarta Halka taagan ee dharkas noocas ah xiran, markuu maamulihii eegay mise waa Adna.

( La soco Qeybta Xigta ).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted