Dunida casriga ahi waxay abaalmarisaa dadka sida ugu dhaqsaha badan wax u barta. Se dugsiyadu waxay dadka baraan sida si gaabis ah wax loo barto.
Maxaa kugu beeray fikirka ah inaad u baahan tahay in ka badan 15 sano oo wax barasho ah(12 sanno school + 4 sanno jaamacad ) si aad wax u dhisto ama wax muhiim ah uga qabato noloshaada?
Waxaan aaminsanahay in nidaamka waxbarashada dadka ku tababaro inay si aad u gaabis ah wax u bartaan, taasoo ka dhigaysa inay u maleeyaan in horumar kasta iyo dhaqaale uu samaysto qofku ay qaadanayso 15+ sanno si loogaadho.
Sidaa darteed, waxaan doonayaa inaan kula wadaago taa badalkeeda. Iyo sababta aan sidaa uleeyahay.
Waxa jirta hal xirfad oo ka qiimo badan xirfadaha kale maanta:
Awoodda aad wax cusub ugu baran karto si degdeg ah.
Sababta oo ah dunidu si joogto ah ayay isu beddelaysaa.
Teknoolajiyad cusub ayaa soo baxaysa.
Warshado iyo baahiyo cusub ayaa dhalanaya.
Xirfado qiimo lahaa shalay ayaa qiimahooda luminaya maanta.
Waa xirfadda dhista dhammaan xirfadaha kale.
Halkan waxaa ku qoran qaabka aan maanta u isticmaalo inaan ku barto ku dhawaad wax kasta.
1. Xirfaduhu Kuma Bilowdaan Barasho. Waxay Ku Bilowdaan Ujeeddo.
Khaladka ugu weyn ee dadka badankiisu sameeyaan waa inay marka hore raadiyaan xog.
Waxay daawadaan videos.
Waxay akhriyaan buugaag.
Waxay qaataan courses.
Laakiin ma haystaan sabab cad oo ay wax u baranayaan.
Sidaas darteed maskaxdu ma kala saari karto waxa muhiimka ah iyo waxa aan muhiimka ahayn.
Waxbarashada ugu fiican waxay ku bilaabataa hal su’aal:
Maxaan rabaa inaan gaadho?
Kadib:
Maxaan u baahanahay inaan barto si aan halkaas u gaadho?
Haddii aad rabto lacag, maskaxdu waxay si dabiici ah u ogaanaysaa waxa mudnaanta leh.
Waxaad u baahan tahay tusaale ahaan:
- wax aad iibiso
- qof kaa iibsada
- nidaam dhaqaale
Markaas ayaad bilaabaysaa inaad barato xirfadihii ku haboonaa, sida: iibinta, suuq-geynta, dhisidda products-ka, iyo xirfadaha kale ee yoolkaaga ku dhoweynaya.
Ujeeddadu waa waxa dedejiya waxbarashada.
2. Wax Ku Baro Ficil, Maaha Aragti Keliya
Dadka badankoodu waxay aaminsan yihiin in marka hore la barto, kadibna la dhaqangeliyo. Taasi badanaa waxa ku baraya waa dugsiyada. Maaha nolosha dhabta ah.
Laakiin dadka sida ugu dhaqsaha badan wax u bartaa waxay sameeyaan lidkaas.
Waxay bartaan iyagoo samaynaya.
Haddii aad rabto inaad barato qorista:
Qor.
Haddii aad rabto inaad barato iibinta:
Wax iibi.
Haddii aad rabto inaad barato AI:
Mashruuc ku dhis AI.
Maskaxdu kuma barato akhriska badan.
Waxay ku barataa jawaab-celinta ay ka hesho ficilka.
Sidaa darteed, barashada ugu fiican waa:
Baro → Tijaabi → Sax → Ku Celceli.
3. Pressure La Xamili karo Ku Samee Maskaxdaada
Sida murqaha jirku ugu koraan culayska sii kordhaya, maskaxduna sidaas ayay u kortaa.
Tani waa waxa loo yaqaan:
Progressive Overload of the Mind.
Micnaha (Progressive Overload of the Mind):- Tababar Joogto ah oo Maskaxda Lagu Kordhiyo Heerkeeda.
Tusaale ahaan:
Maanta waxaad iibisaa hal adeeg.
Berri waxaad isku daydaa inaad hesho shan macmiil.
Hadana waxaad isku dayeysaa inaad labaatan macmii u adeegi karto.
Mar kasta wax yar ka adkee.
La hadal qof cusub.
Samee maqaal cusub.
Bilow project cusub.
Iibi product cusub.
Ha isku dayin inaad hal mar noqoto khabiir.
Kaliya isku day inaad maanta ka fiicnaato qofkii aad ahayd shalay.
Horumarka waaweyn waxay ka yimaadaan guulo yaryar oo is dul saaran.
4. Ka Saar Noloshaada Waxyaabaha Kala Daadiya Feejignaantaada
Maanta, qof kastaa wuxuu heli karaa buugga, casharka, ama xogta uu u baahan yahay. Waxa kala saara dadka horumara iyo kuwa kale waa awoodda ay u leeyihiin inay maskaxdooda ku hayaan hal yool muddo dheer.
Diiraddu waa sida muraayadda qorraxda oo iftiinka usoo ururisa. Marka tamartaada maskaxeed ay ku kala firidhsan tahay tobannaan yool, horumar badan ma samaynaysid. Laakiin marka aad hal yool ku ururiso, waxbarashadaadu waxay noqotaa mid degdeg ah, qoto dheer, oo wax ku ool ah.
Qaabka 3-da Tallaabo ee Diiraddaada ku sugayso
1. Hal Yool Dooro
- Go’aanso waxa ugu muhiimsan ee aad rabto inaad barato ama gaadho.
- Ha isku dayin inaad wax walba hal mar barato.
2. Ka Saar Waxyaabaha Ku Mashquulinaya
- Yaree social media-da, ogeysiisyada, iyo wax kasta oo dareenkaaga ka jiidaya yoolkaaga.
- Wax kasta oo kaa fogeeya hadafkaaga waa kharash qarsoon oo mardanbe ogaandoonto.
3. Waqti Joogto Ah U Qoondee
- Maalin kasta sii yoolkaaga waqtiga ugu fiican ee aad leedahay.
- Xitaa hal saac oo diirad buuxda leh ayaa ka qiimo badan afar saacadood oo mashquul iyo kala firidhsanaan leh.
Ugu dambayn, xusuusnow:
Meesha dareenkaagu tago, tamartaaduna way tagtaa. Meesha tamartaadu tagtana, noloshaaduna way ku danbaysaa.
5. Ku Celcelintu Waa Hooyada Xirfadda
Halbeegga Dhabta Ah Ee Guusha waa Joogtaynta.
Sababtoo ah wax kasta oo qiimo leh waxay u baahan yihiin waqti si ay u koraan.
Xirfaddu waxay ku timaaddaa ku celcelin.
Kalsoonidu waxay ku timaaddaa ficil joogto ah.
Natiijooyinkuna waxay ku yimaadaan dadaal muddo dheer la isku dul saaray.
Dhibaatada ugu weyn ee kugu iman kartaa, Waa inaad sii wadi waayday.
Hal saac oo maalin kasta ah ayaa ka qiimo badan hal maalin oo xamaasad leh oo toddobaadkii mar dhacda.
Marka aad barato sida loo barto, sida loo dhiso, iyo sida loo kasbado, waxaa hadhay hal shay oo keliya:
Inaad sii waddo.
















