Si guud ahaaneed waxaa jiro aqlaaqiyaad ama hab dhaqan bulsho walbo ay leedahay iyo mid guud oo aduunka oo idil isku raacsan yahay in ay tahay wax wanaagsan, taaso kala duwayso marka aan gurigeena joogno iyo marka aan bulshada soo dhax galno in kastoo ay fiican tahay in guriga iyo bulshadaba aan isku mid ka ahaano hab dhaqanka.
1: Is bar codsiga
mid kamida dhaqamadeena qallafsan ayaa ah in aanan cidna waxba waydiisan xataa hadii ay tahay wax uu u xaq leeyahay qofkaas
Tusaale ma qaadan karaa shaygan, fadlan ii ogolow in aan shaygan kaa qaato kuuguna soo celiyo sida ugu dhow, fadlan ma iiso diri kartaa shaygii,sawirkii amaba xogtii adoo mahadsan. IWM
Taasina waxa ay qofka aad wax ka codsanayso dareensiin doontaa waynayn iyo qadarin waxayna keeni doonto in uusan waxaas kuu diidin kuna jeclaysto sababtoo ah beni aadamku wuxuu jecel yahay waynaynta iyo in la qadariyo, waxayna sidoo kale ka dhigi doontaa mid ku xasuusto in mudo ah hadii ay tahay markaadi ugu horeysay ee aad wada hadashaan.
2: Noqo qof foojigan marka uu qof la fadhiyo:
badanaa waxaan samaynaa qaladaad marka aan qof la fadhino ama la hadlayno oo ah in aan mobile isku mashquulino ama aan dhinacyada fiirfiirino taaso naga dhigayso labo midkooda
In aanan aqoonin qaabka dadka loola xiriiro ama in aanan jeclahysan qofkaas.
Hadii aadan aqoon waa muhiim inaad barataa balse hadii aadan jeclaysan qofkaas ama wax uu kaala hadlaayo ugu yaraan isku dhib oo inta yar uu kula joogo u muuji tixgalin iyo dhagaysi,
Xataa hadii mobile kuuso dhaco waxaa fiican in aadan qaban hadii uusan muhiim saas ahayn, taas waxay kor u qaadi kartaa xushmada qofka kula fadhiyo, maadaama qofkaas uusan kula joogin ogayna waxa aad hayso, hadhowna aad ka raali galin karto waliba si fudud.
3: Hasoo dhax galin labo qof oo wada haydlayso bilaa idin
waxaan in badan dhacdo in adoo qof la hadlaayo uu qof kale iska kiinsoo dhax galo waliba mid idinka mida uu toos war ugu bilaabo taasna waa qalad wayn oo muujinayso heerka ilbaxnimo yaridaada, sababtoo ah ma taqaanid dadkaan waxa ay ka wada hadlayaan wax sir u ah iyo waxay doonaanba aysan ugu tala galin inuu qof ogaado, adigana waad iska soo dhax gashay loomana baahno.
Hadaba hadii mid kood aad u baahan tahay labadan qof waxaa fiican inaad kasoo agdhawaato meel ay kaa dareemi karaan inaad ayaga sugayso intay warkooda ka dhamaysanayaan ama si kore u dheh ma idiin imaan karaa, adigoo hadii ay sheeko iskugu dhimantahay dareemaayo, soona koobaayo.
4: Dhagaysiga qofka xitaa hadii uu kaala hadlayo wax aad taqaano
Ibnu qalduum ayaa yiri “inaad dhagaysato qof kaala hadlaayo wax aad taqaano balse isagu uusan aqoonin inaad taqaano waa meesha ugu sareeyso ee edabta” Taaso ka dhigan xushmeynta qofka kaana dhigi doonto mid uu qiimeeyo wax badana uu la wadaagi doono, halka bedelkeed hadii aad dhihi lahayd ha igala hadlin waxaas waan aqaanaahe ay keeni lahayd inuu kaa goosto wax danbane kaa dhagaysanin kuuna sheegan,
DHAGAYSO DADKA,HADII AY DUMAR IYO ILMO YIHIIN KUMABA SII JIRTO, DHAGAYS, waxay u baahan yihiin in la dhagaysto kabadan inta uu dadka kale kaaga baahan yahay.
5: Iska ilaali in aysan dadku ku dhibsan
Kabaha oo dhulka lagu jiido,kursi dhulka lagu jiido mobile sameecadiisa la dheereyo waxa ka daaran iyo hadalka aad ku wada shekeysanaysaan qofka kula joogo aad kor u qaadno waa dhaqan xumo inagu badan aanan iskala hadal, Yacni waa dhib jiro balse aysan jirin inta badan cid iska waaniso ayadoo la ilaalinaayo madax adaygeena midba midka kale,
Tan ugu daran bulshadeen soomaaliyeed waxay caan ku tahay hadii ay meel iskugu yimaadaan gaar ahaan maqaaxiyaha lagu qaxweeyo ama goobaha nasiinada in ay buuqaan waliba si sare, waxaa laga yaaba in uu meesha fadhiyo qof xanuunsan ama mid meesha nasiino uso doontay ama qof tell ku hadli rabay taaso keenayso inuu hoos kaa dhibsado asigoon si cad kuu dhihi karin warkaada yaree,
(Buuq oo nafis balse la soco meesha aad joogto iyo hareerahaada).
6: Wicitaanka tellka
in kastoo ay ku xeran tahay sida qofkaas aad isku fahansan tihiin, waxaa haboon qof hadii aad rabto inaad wacdo toos inta adan u garaacin fariin qor ma kuso wici karaa, sababtoo ah ma ogid ma dhibaataa haysato, ma howl culus uu ku jiraa ma meel buuq ah ayuu jooga iwm hadaba qofka ogaysii kadibn asaaba kuso wacaa haduu waqti munaasab ah ku jiro.
Plz is bar erayga makuso wici karaa waa heer qadarin oo aad u sareeyo kana turjumaayo aqlaaaq iyo ilbaxnimo qoto dheer.
7: Ha noqon qof bilaa focus ah
fahan mood ka ama xaalada qofka ku hortaagan ama aad la hadlayso hadii uu warkaada ku socdo iyo hadii kale, waxaa laga yaaba in hadalkaada uusan ku socon ama uusan jeclaysan mowduuca aad kala hadlee hadaba fahan qofka aad la tacaamulayso wajigiisa oo aqri, hadii uu mowduuca dhibsanaayo ka jooji, hadii uu adiga ku dhibsanaayana warka hakusii badinin, lagase yaabe in ay xumaan ka ahayn balse xaaladaas la taagan yahay uu mood kiisa qaldan yahay.
8: U cudur daarka dadka
In kastoo ay fiican tahay in aan ballanta ilaalino hadana hadii qofkii aad la ballansanayn uso daaho ama uu kasoo bixi waayo kaalintiisi shaqo haku eedeyn oo istaag booska uu asiga taagan yahay, oo is dareensii asiga caqabadaha qabsan karo, ma jaam ayuu so galay, ma dhib kalaa ku dhacay hadii ay shaqo tahayna ma dhibaato dhanka qoyska ah ayaa haysato ma arimo u gaar ah aya jiro mar walbo qofka u fiiri dhanka wanaaga adigo oo aan caro ama canaan kala dul dhicin.
wicitaanka waxaa laga yaabaa qof aad sugaysay inuusan kuso wicin mudo, haka xumaan oo ka fiiri xaaladaas dhanka wanaaga una cudur daaar oo dheh armay xalada saas ka tahay, armuu xanunsaday, mashquulay iwm. u cudurdaar dadka.
9: Ha caroonin marka aad la kulanto diidmo qayaxan
Qof ayaad la hadlaysay amaad wacday wuxuu ku yiri hada ma hadli karo ama aan kuguso celiyo, ama diidmo qayaxan ee dhanka codsiyadaada ama irid guri ayaa lagaa yiri maso gali kartid hada, u arag wax caadi ah, waa wax anan la jeclaysanaynin balse ay tahay in nafteena aan ku qancinaa in aysan waxaas waxba u arkin ayna tahay wax uu qofkaas xaq u leeyahay, caadi caadi.
















