Warda markay qolkedii timid ayaa waxaa ku soo xaadiray xasuustii Caawa kolba Hadalkiisa mar Qosolkiisa iyo siduu Alle u Abuuray Wiilka, iyadoo leh waqtiga yaa dib u celiya si aad uga bogato aragtida Cimran, waxay marba marka ka xiga sii nacaysaa Saaxiibteed Adna oo ay ka aamintay inay iyadu ka hor taagan tahay Qofka ay rabto, habeenkii oo dhan fikir ayay ku jirtay iyo Qorshaha ay Cimran gacanta ugu dhigi lahayd.
Maalin kale oo qurux badan ayaa bilaabmay, Adna fasax bey shaqada ka tahay, guriga ayay joogtaa, ka dib waxay fariin u qortay Saaxiibteed Warda ilaa ay la hadasho ma joogi karto, sababta oo ah aad ayay u jeceshahay, Warda Fariintii wey aragtay, laakiin Wax jawaab ah umay soo dirin, Qadkana way ku jirtaa.
Adna waxay is waydiisay Qofta maxaa helay beryahan si caadiya ilama dhaqantee wey wacday, laakiin kama qaban Cod ayay u dubtay iyada oo leh, Warda maxa jira ee fariinta iyo Callka midna uga soo hadli la’dahay ii sheeg waxa jira saaxiib, Warda hadana ma rabto in la dareemo ismana xakamayn karto, Markii dambe ayay iyaduna cod u duubtay ay leedahay Saaxiib hadaan kaa qaban waayo micnaheedu maaha inuu dhib jiro, waad ogtahay guriga kaligay inaan ka shaqeeyo markaa lama deg-dego.
Adna ayaa tiri awalba Sxb hawsha waad qaban jirtay mar walbana waad ila soo hadli jirtay, laakiin iminka muddo Isbeddel ayaan kaa dareemayaa Anna waxan is dhahay maxaa jira, Warda tiri May aniga isma beddelin sideydii baan ahay ee xagga xun waxba haka eegin Sxb, Adna Hayee ayay tiri Sorry xabiibti. Adna waxay dareentay inay wax jirin wuxu doono ha noqdee, laakin waxay is waydiisay Maxa jira talow ee inanta beddelay.
Cimran wuxu go’aaan ku gaaray inuu guursado Adna, Intu Magaalada joogo, kadib iyada ayuu wacay, oo u sheegay Arinta iyo sida uu rabo markuu Adna u sheegay Runtii dhulka ayaa qaadi waayay, waxayna tiri Haa waa Oky, laakiin Arinta waa Xilima ?.
Cimran wuxuu yiri Khamiista hadaan dhamayno sidee bey kula tahay, waxay tiri Waa caadi oo waan Ogolahay adiga mar walba go’aankaga Markaas ayuu dhahay waa si fiican Arinteenu sidaa hanoo ahaato.
Adna Hooyadeed ayay ku tiri Hooyo maanta hadal ayaan ku wadaa kaalay. Maamadii ayaa ku tiri Khayr sheeg inantaydii, markaas ayay ku tiri Hooyo waxa jira Arin Wiil ayaa i soo doonan raba. Maamadii ayaa tiri Waa si wanaagsan ee waayo Wiilku, Markaas ayay ku tiri Waa wiil caynkaa ah oo Qoladaas ah famlikiisuna Turkey joogaan.
Markaas ayay ku tiri Dee hooyo ma Xuma illahay sidi Khayr leh haka dhigo waana soo dhawaynayaa Wiilka, waana ku faraxsanahay. Ka dib Adna arintan farxada badan waxay Jeclaysatay inay saaxiibted la wadaagto Warda ayay wacday, iyada oo farxad Ciiraysa, ka dibna way u sheegtay in laba cisho ka dib Meherkeedu yahay oo Cimaraan soo doonan rabo.
Warda warkaas narkay maqashay inay qeyliso Ciil iyo xanuun ayay inyar isku qabatay illin ayaa ku soo istaagtay, markaas ayaa afkeda hadal ka soo fakaday Iyadoo leh Yaah Naa maxaad sheegaysaa, Adna markaas wey yaabtay, waxeyna tiri Maxaa ku helay ?. intay isku naxday ayay tiri, micnaha saaxiib waa war farxad leh ee wax kale maaha waan u Qaadan waayay, waana ku farxay, Hambalyo ayaana ku leeyahay Sxb, Alle haysku kiin simo.
Markay Mobeilka dhigtay Warda waxay ku dhawaatay inay waalato oo Maryaha ay dhigato, ama ay Cararto Maskaxdeeda wey geli wayday. Sida xaalku yahay ayey fahmi weyday, talo nararka qaar waad weydaa, Warda waxay leedahay aniga malihi Khalad, Qof aysan jeclaaday aniga Gacantayda kuma dooran, balse jacaylku isaga ayaa i soo raadsaday Aniga Saaxiib iyo waxaas waxba igama gelin Naftaydu cidey rabto iyo oo ku faraxsanahay ayaa ii muhiim ah.
Adna mashquul ayay iska gashay, ileen waa qof Aroos ah, iyada iyo hooyadeed iyo hablo ay walalo yihiin waxay Dib u Qurxinayaan guriga, waxayna isku diyaarinayaan Maalinta Khamiista, oo Hal maalin uga dhiman tahay, Warda ma rabto in laga dareemo oo kaga shakiyo waxay ku qasban tahay xaafada inay timaado oo Caawiso, Qaybna ka noqoto hawsha Saaxiibteed.
Adna ayaa tiri Maanta waxan ku faraxsanay inay Hooyo & walaalo ay garabkayga yihiin, Wardana waa walaashey ee maaha saaxiibtay anigaba maalinteda sidaan iyo sii ka fiican ayaan uga shaqeeyn doonaa haddu Alle idmo.
Warda ayaa tiri Haa waa waajib i saran in mar walba garabkaaga ahaado Aniga booskad ii buxisay miyu jira qof ii buuxin kara.
Ka dib Hablihi la dhashay Adna iyo Warda ayaa go’aan ku qaatay inay Adna ku dhahaan adiga Fadhi un oo indhaha naga daawo waxba ha qaban naftaada un ka Shaqee, Adna waxaa u bilaabmay Maalmo ay moodayso inay yihiin kuwii ugu Quruxda iyo Farxada badnaa, laakiin Arinku sida na noqon doonaa, waxay rumaysan la’dahay sida fican ee noloshu u siisay qofka dunida ugu fiican.
Waa goor habeen ah, Adna qolkeda ayay joogtaa Cimran ayay Vedio Call kula hadlaysaa, Cimran ayaa yiri Hantida ugu qaalisan ee la helo waa Qof ku jecel anna waxaan helay Boqorad i jecel Maalin kadibna Xaaskayga noqonaysa, Markaas ayay tiri Qof Abaal galay ayaa tahay oo naftayda intaad u sameysay ayaa ka badan intaan naftaada u sameyay waana ku faraxsanahay in aan noqon doono Xaaskaga iyo Caruurtaada Hooyadood.
( La soco Qeybta Xigta).














