Haddii aad sideeya oo kale tahay, qof dhalinyaro ah oo hayaanka uu naftiisa ku horumarinayo ku dhex jira. Waxaa hadiyo jeerba dhalinyaradu hilmaamaan ama ay ka dul-tilaabsadaan inay kobacsadaan ogaal-nafeedkooda (self-awareness).

Ogaal-nafeedkuna waa tallaabada kowaad aad qaadaysid hadii aad rabtid inaad noloshaada hagaajisid.

Hadii aadan lahayn ogaal-nafeed caadooyinkaaga xun-xun noloshaada kama siibi kartid, sababtoo ah ma garanaysid; waxa kugu sababa inaad samaysid, xilliyada ay ubadan tahay inaad suubisid iyo dareenka aad ka dhuumanaysid inaad dareentid

Hadii aadan lahayn ogaal-nafeed jirkaaga ma dhisi kartid, sababtoo ah u malihid faham qoto dheer waxa aad jirkaaga quudisid.

Hadii aadan lahayn ogaal-nafeed xiriiro micno le noloshaada kama dhex-helaysid, sababtoo ah wacyi uma lihid qofka aad tahay iyo waxa xiriirka aad adigu ka doonaysid.

Annagoo intaas maankeena ku hayna ayaan rabaa saaxiibayal inaa maantay maqaalkan qodobadaan dul istaagno:

  • Waa maxay ogaal-nafeedku?
  • Muhiimada uu lee yahay ogaal-nafeedku waa maxay?
  • Sidee loo kobciyaa ogaal-nafeedka?Waa maxay ogaal-nafeedku?

Ogaal-nafeedku waa kartida uu qofku u leeyahay inuu naftiisa si cad u arko, u fahmana qofka uu yahay iyo sida ay dadka kale u arkaan. Garashana u leeyahay booska uu adduunkan kaga jiro.

Waa mid kamida astaamaha ugu heerka sareeya ee uu qofku lahaan karo taasoo tilmaan u noqonaysa qofka meesha uu ka gaaray hayaanka uu naftiisa ku horumarinayo.

Sababtoo ah dadka badankood kartidaas ma laha, cilmi baarisayaduna wey taageerayaan doodayda.

Cilmi baaris ay samaysay Dr. Tasha Eurich oo ah dhakhtar cilmi-nafsiyadeed iyo cilmi baare, ayaa muujisay: 95% dadku waxay aaminsan yihiin inay leeyihiin ogaal-nafeed, laakiin dhab ahaantii 10% ilaa 15% kaliya ayaa buuxiyay shuruudihii.

Tani waxay la macno tahay in dadka intiisa badani ay been isu sheegaan, oo aysan dhab ahaantii lahayn ogaal-nafeed. Marka laga hadlayo ogaal-nafeedka, cilmi baarisyadu waxay ukla qaybiyeen labadaan:

B. Ogaal-nafeedka gudaha

Waa sida cad ee aad naftaada u fahamto, taasoo ka kooban: ogaanshaha fikradahaaga, ka warqabka dareenkaaga, qiyamkaaga, iyo meelaha aad ku xooggan tahay, meelaha aad ku liidato, Ka warqabka saamaynta uu dhaqankaagu ku leeyahay dadka kale.

T. Ogaal-nafeedka dibadda

Waa fahamka qotoda-dheer ee sida ay kuu arkaan dadyowga kale, markay dibbada kaa soo eegayaan.

Muhiimada uu lee yahay ogaal-nafeedku waa maxay?

  1. Ogaal-nafeedku wuxuu kugu khasbayaa Xakamaynta Dareenkaaga.

Miraha ugu horeeya aad quudan doonto markaad lahaatid ogaal-nafeedka waa inaad xakamayn doontid dareenkaaga.

Dadka badankood waxaad arkaysaa iyagoo xanaaqsan, hadii aad weydii sidna; maxaa kaa xanaajiyay?. Kaama jawaabi karo, umalaha awood inuu dib-iskugu laabto si uu u cadeeyo waxa ku dhaliyay inuu falkaa ku dhaqaaqo.

Hasayeeshee markaad adigu leedahay ogaal-nafeed, awood waxaad u lahaanaysaa inaad fahamto sababta aad dareenkaas u dareentay, inta uusan maankaaga la wareegin. Waxaad wacyi ula haanaysaa xilliyada fikradaha keena dareenka noocaas ah iyo habka ugu wanaagsan aad ula dhaqmi karto markuu soo laabto.

Markaan GYM ka kasoo baxo habeenkii hadiyo jeerba waxaan jeclahay inaa qubaysto, is-hagaajiyo aan kasoo baxo goobta anigoo shax-shax ah 😉

Habeen habeenada ka mida markaan gymka kasoo dhamaaday ayaan qubays ugalay shower-ka, lasoco goobtu waa balaad. Meesha waxa yaala dacas ay tahay qofwalba inuu adeegsado si aysan meeshu u qoyin, qofkuna ugu kufin balaadka.

Markaan shower-ka galay ayaa xariif meesha joogay kabihii banaanka ii yaalay ayuu qaatay, anigu kama warhayn marka. Markaan soo qubaystay ayaan soo bax is-iri, kow! Ileen qof ayaa kabihii iga qaatay!

Meeshu waa balaad, cagahaygu way qoyan yihiin, kabo kale meesha ma yaalaan, shukumaan ayaan dhexda iigu xiran kabo kale ma doonan karo…

Anigii dhikh! Waan xanaaqay, waxay noqotay inaa cagahayga oo qoyan la dhex maro balaadka ilaa aan gaaray meesha dharka layskaga badalo, waxayna noqotay inaa caga hayga dib u dhaqo ileen meeshu waa goob kabo lala dhex-maree. Khatar bay aheed inaa meesha ku dhex siibto oo aan kufo.

Xanaaqii heer wuxuu i gaarsiin rabay inaa raadiyo doqonkii kabahayga iga qaatay markaan qubaysanayay hahaha, hasayeeshee markaan ogaal-nafeed ula haaday inaa xanaaq dareemay waxaan isweydiiyay; Ma waxaad ka xanaaqaysaa in kabahaaga lagaa qaatay?

Naftayda waan u daayay inay xanaaqdo laakiinse uma aanan dayn inuu dareen maankayga daboolo.

Habeenkaas ilaa iyo hada aad ayaan u xasuustaa, sababtoo ah waxa hubaal ah Cabdifataaxii hore inuu gacan qaadi lahaa, buuq raadsan lahaa ama uu samayn lahaa wax uu bari ka shallaayo.

Dhacdadaas waxay ii muujisay in hadii aan xanaaq dareemo ay caadi tahay, hasayeeshee inaa u hogaansamo dareenkaas aysan khasab ahayn. dareenkaaga inuu ku hogaamiyo ma aha, adiga waa inaad hogaamisaa.

  1. Ogaal-nafeedku wuxuu Hagaajiyaa Xiriiradaada

Haddii aadan adigu naftaada aqoon qoto-dheer u lahayn ma is leedahay qof kale ayaa ku fahmi kara? Qofka ogaal-nafeedka le awood ayuu uleeyahay inuu naftiisa fahmo, lafa-guro, dhaqamadiisa miisaamo, falcelintiisa ka fiirado. Xiriir markuu ku jirana dhowra, qiimeeya, xuduud aanan lasoo dhaafi karina le.

Wadan aanan xuduud lahayn, wadan ma aha.

Xiriiradda badankooda waxay ku bur-buraan waa qofka oo aanan xuduudiisa ogaal-nafeed ula hayn, intee mar aad aragtay qof xiriir jacayl ku dhex-jira laakiinse aanan sheegi karin waxa dhibaya, waxa dhaawacaya ama waxa kalsoonidiisa wiiqaya?.

Boqolaal jeer soo maha?, taas maxaa keenaya marka? Qofkii malaha ogaal-nafeed, ma laha is-faham, ma laha is-ogaal. Nasiib wanaag taas waa mid la hagaajin karo;)

Sidee loo kobciyaa ogaal-nafeedka?

  1. Dabagal Dareenkaaga

Marka aad xanaaq dareento, ula dhaqan naftaada sidii cilmi-baare oo kale. Ogow inaad dareentay xanaaq, laakiin uga bax qaab dhex-dhexaadnimo ah. Is weydii; Maxay tahay sababta dhabta ah ee aan u dareemayo xanaaqan?, halkii aad ka dhihi lahayd; Anigu waan xanaaq sanahay.

Su’aasha kowaad markaad is weydiinaysid “Maxay tahay sababta dhabta ah ee aan u dareemayo xanaaqan? ” naftaada awood waxaad u siinaysaa inay dareenka wacyi ula haato, oo uusan maankaaga daboolin. Waxaad bilaabaysaa inaad lafa-gur ku samayso dareenka; waxa keenay, sababta uu ku yimaaday, waxa uu yahay iyo habka ugu haboon oo loola dhaqmo.

Hasayeeshee markaad naftaada ku tiraahdid; Anigu waan xanaaq sanahay. Awood ayaad dareenkii siisay, falcelintaada wacyi uma lahaanaysid. Waxaad is arkaysaa adigoo fal ku dhaqaaqay kaasoo bari ka maali aad ka shallayn doonto.

Xanaaq, ciil, baqdin, dhibsasho, iyo nacayb. Waxaan kaa rabaa dareenka aad dareento midkuu doono ha noqdee inaad marwalba dabagal ku samayso, wacyi ula haato xaalladda aad ku sugan tahay.

Naftaadana aad marwalba u roonaatid, si dabacsan oo dhiiri galin le ula hadashid. Dadka badankood kama war qabaan laakiinse qofka ugu badan aad maalinwalba aad lahadashid waa naftaada, marka miyaysan mudnayn inaad noqotid qof isaga isku roon?

Mararka qaarkood ayaan isku qabtaa aniguu naftayda si kakan ula hadlaya, isla markii waan isa saxaa. Sababtoo ah hadalka kulul oo xanafta le waxba ma dhiso, wax buu dunshaa oo kaliya. Hasayeeshee hadalka dabacsan bogaadinta le, ayaa wax kobciya oo kalsoonida dhisa. Taas tijaabada nolosha ayaa i bartay;)

Ogow Meelaha Kaa Qarsoon

Si kasta aad ogaal-nafeedkaagu u kobco waxa jiri doona dal-daloolo adiga kaa qarsoon oo ay arki karaan dadka kugu dhow. Muhiimadu waxay tahay marka inaad leedahay dad daacad kuu ah, dad markaad wax ka waydiiso dhaqankaaga meesha uu ku liito si hufan kaaga jawaabaya.

Dadka noocaas ah qofwalba ma noqon karo, waa inuu noqdaa qofkaas qof si fiican u yaqaana; dhaqankaaga, dabeecadaada iyo qofnimadaada. Qofkaas wuxuu noqon karaa saaxiib aad kugu dhow, ooridaada, saygaaga, waalidkaaga ama walaalkaada, walaashaada.

Marka laguu sheego meesha aad ku liidatid fadlan difaac ha galin hahaha, waa wax dabiiciya qofka marka la dhaliiceeyo inuu difaac galo hasayeeshee waa inaad marwalba isa soo xasuusisaa; dhaliicayntan waa mid aniga i dhisaysa.

Xigasho

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted