Maalinba maalinta ka xigta waxaa sii kordhaayay jaceylka iyo Xiriirka u dhaxeeya, Maryan iyo Maxamuud oo ahaa Ninkii qurba joogta ahaa, weliba maal-maaha qaar waxey si qarsoodi ah ugu tegi jirtay Hotelka uu deggen yahay, halkaas ayaana Sheeko Macaan iyo Baashaalkii kale lagu wadaagi jiray.

Maryan qalbigeeda waxaa ku abuurmay jacayl ay u qaaday Maxamuud, oo isaguna weligiisa aad u jeclaa Maryan.

Maryan marwalba waxey ka fekertaa, sidii ay Hanad uga tegi lahayd, oo ay Maxamud nolasha ula wadaagi laheyd, isaga laftiisuba wuxuu Maryan kula taliyaa, mar walba iney u soo laabato, Hanadna ay ka soo tagto.

Maantaba, Maryan waxay go’aan ku gaartay, iney bilowdo Qorshahii ay Hanad uga tegi lahayd, ugu horeyna waxey dareentay, in haddii ay ilmo u dhasho, ay ku adkaaneyso iney ka tagto, durbadiiba waxey bilowday iney isticmaasho Daawada ka hortagga dhalmada.

Marka labaadna waxay go’aansatay in Hanad ay dareensiiso ineysan jaceyl u qabin, waayo Habeenkii xilliga ay doonto ayey, Xaafadda iska timaadaa, maba moodid iney tahay Marwo la qabo oo Xaafad masuul ka ah.

Maryan Ninkeeda kuma qabo wax daryeel ah, xataa Dharkiisa ma dhaqdo, cuntana uma sameyso, maadaama eysan jecleyn, Ogoow Dareenka Dumarku, jaceyl ayuu ku xiran yahay. Waxaas oo dhan waxaa uga sii daran Weji xumada iyo Hadal Adeyga ay ugula hadleyso.

Hanad wuxuu shalaay ka joogaa Marwadii Sharafta badneyd uu soo xumeeyay, ilaa iyo Maanta wuxuu ilaawi la’yahay Wanaagii ay u sameysay iyo Dhibtii ay la soo martay. Wuxuu dadka u sheegaa, in uu maanta heysto Nabsigii uu horay u soo galay.

Maalintii dambe ayuu u adkeysan waayay Nolol xumada uu ku jiro, wuxuuna si qarsoodi ah u soo daba raaacay Xaaskiiisa oo inta Casarkii lebisatay Suuqa u sii baxeysa, iyado Wax shaki ahba ma qabtee waxey meel lagu nasto ugu tagtay, jaceylkeedii Maxamuud oo ay meesha ku balameen.

Socodkii ay socoteyba, Maxamuud intuu Hab siiyay, ayuu labada dhaban Mac ka siisay, Hanad oo gadaashed soo socday intuu meel dheer ka arkay ayuu ku sigtay inuu jooga ka dhaco Naxdin darteed.

Xoogaa ayaa la sheekeystay, iyada oo uu Hanad arkaayo, isaga oo dhuumanaaya, oo meel luuq ah isku qarinaayo, balse iyagu eysan arkeynin, dadkuna u maleynayaan Lamaane is qaba.

Inyar ka bacdi, waxaa la wada galay Qolkii uu deggenaa Maxamuud, isla markiina hoosta ayaa laga soo xirtay. Hanad wuxuu soo xasuustay Habeenkii uu Hibo Qolka hoosta kaga xirtay, uuna ku waxyeeleyay.

Sida Qof waalan ayuu ku dul wareegay Qolkii, wax uu sameeyo ma yaqaan, inuu Waasho ayuu u dhow yahay, Albaabkiisii ayuuna Feer iyo Haraati ku bilaabay, isaga oo qeylinaaya oo dhahaayo:- Ha taabanin, waryaa Ha taabanin).

Nimankii Hotelka iska lahaa oo Nin waalan u qaatay ayaa Hanad Garbadub u qabteen, ka dibna Booliska ugu yeeray, oo jeelka ayaa loo taxaabay.

Hanad isagoo waalan raba, oo oohin iyo Qeylo isku daraaya, ayaa inta la jeebeeyay, Xabsiga loo qaaday, Waqtiga markuu madoobaday ee Gabbalkii dhacay ayey Maryan inta aayar iska soo baxday ayey aaday Gurigeeda.

Habeenkaas cabsi daran ayaa heysay, inkastoo ay ogeyd in Hanad la xiray oo xabsiga loo taxaabay, haddana waxey ogtahay wax walba inuu dhici karo.

Markuu waagii baryay, ayaa loo ogolaaday inuu Reerkiisa wacdo, wuxuuna ogeysiiyay inuu Xabsiga ku jiro, Odayaashi iyo waxgaradkii uu ka soo jeeday ayaa Xabsigii ugu yimaadeen, iyaga oo taliyahii Xabsiga weydiiyay sababta loo soo xiray Wiilkooda Hanad.

wuxuuna u sheegay taliyihii in Hanad isaga oo Saqraan ah uu xalay Hotel weeraray, sidaasna loo soo xiray.

Odayaashii yaab ayay ku noqotay, oo hadalkii baa ku dhegay, Isla maalintaasna damiin ayey ku soo daayeen Odayaashii, balse wuxuu soo baxay isagoo Bushinta cunaaya oo leh, Dhiig ayaan geli oo wax baan Dili.

Odayaashii yaab ayaa ka soo haray, waxey ku yiraahdeen War maxaa jira? Bal noo waran sidee wax u jiraan?, wuxuuna u sheegay Arrintu sida ay tahay, iyo sidey wax u jiraan, isagoo leh:- Naagteydii Nin kale ayaa qabo, Ninkaasna waan dili, iyadana waan Dili. (ayuu hadalkii ugu soo koobay).

Odayaashii oo ka baqaayo, inuu Ninku dhiig galo, oo gabadha dilo, ayaa Xafadiisii geeyay, Markii Xaafadiisa la geeyay, ayuu Maryan ku booday, balse waa la Qabtay, Caay iyo Aflagaado oo dhan waxba uma reeban.

Maryan meeshaas ayay Oohin ka qabsatay, waxeyna ku tiri Odayaashii, Anigu xaafada kama baxo, cid iigu timaadana ma jirto, maalin walba Ceebtaas iyo waa lagu qabaa ayuu ila daba taagan yahay, Aniga ayaa ka xishooda oo ka aamusan, waana Alle mahadii haddii aad ogaateen maanta, ee Ninkan Warqadeydii iga siiya, lama noolaan karo, oo Nafteydaba kuma Amini karo.

Intaas markuu maqlay, ayuu soo xasuustay, maalintii uu dafiray maskiintii sharafta laheyd ee uu isagu Uureyay, qalbigana wuxuu iska yiri Wallee malaha wixii aad gashay unbaa lagaa jarayaa.

Mar wuxuu isku maleeyaa inuu waalan yahay, oo uuna Hagaagsaneyn, oo wuxuu leeyahay War ninyahoow armey indhaheygu i qaldeen, misana waxaa hor imaaneysa waxyaabihii uu ishiisu ku arkaayay, malaha ma noolidba ayuu is leeyahay.

Wuu arkaa iney xaajo ku Cakiran tahay, oo uusan u heynin Wax Caddeyn ah, Ceebta dhacday oo dhana ay isaga isugu soo biyo shubteen, Maryana ineyba rabin oo ay Warqadeeda iney ka qaadato u diyaarsatay ayuu arkaa.

Run ahantii Maryan wuu jecel yahay oo inuu Furo ma rabo, Naftiisa ayuuna Canaananayaa, marka horaba maxaad ka daba doontay, ayuu is leeyahay.

Maryan sidaas kuma aamusine, waalidkeed iyo reerkoodii ayay u yeeratay iyada oo Ooyeysa oo leh:- Ninkaan maalin walba ayuu i Caayaa, ina Aflagaadeeyaa, wuuna i dilaa, oo wuxuu ogyahay inaan Rag la dhalan.

Labadii Reer ayaa isku Xaajo dhigtay, Maryan walaalaheed iyo ina Adeeradeed baa dhaarsan oo leh gabadheena Ninka Aflagaadeyay oo ka Oohiyay waan dileynaa, Aabaheedna wuxuu leeyahay, Gabadha waad xumayseen, oo Nin waalan ayaad u qariseen, ee Warqadeedoi iska keena.

Sidii Caadada iyo dhaqanku ahaa Ninkii iyo Reerkooda waxey leeyihiin, Xaal iyo xumeyn naga qaada Caayda gabadha, hawshana aan Qaboojino.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

5 1 vote
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted