Hibo markey ka baxday Umushii waxey dhaxda u xiratay, koriimada Cunugeeda iyo iney ka dheereyso, Cunsuriyadda, ka buuxda Dadka iyo hadal xumidooda.

Kharash iyo xoolo badan ma heysato, balse waxay isku dayday iney bilowdo Gacanacsi yar-yar, guriga hortiisana ku iibiso cuntooyinka fud-fudud, ee Burka laga sameeyo.

Muddo ka bacdi waxay bilowday, iney ku darto, inay Xaafada dhaxdeed ku iibiso, waxyaabaha Dumarku isku qurxiyaan, sida Cadarada, iyo Kareemooyinka.

Ugu dambeyna, waxay xaafdeeda dhaxdeeda ka furatay, meelaha Dumarka lagu Qurxiyo (Make up)

Hanad iyo Maryan Guri ayey dageen, Qoys ayey noqdeen, si caadi ahna wey u wada nool yihiin, balse Maryan waxaa Murugo ku heysa Ninkii ay muddada sheekeysan jireen, oo biili jiray, balse ay balanta kaga baxday.

Laakin isagu wuxuu mar walba, ku oran jiray:- Qaali, waan ku cafiyay, aniga ayaa eeda leh, oo ku guuleysan waayay inaan Qalbigaada jaceyl ku abuurto, balse adiga waxba kuuma heysto, jaceylka aan kuu qabana maaha mid aan iloobayo, waqtigii aan soo wada qaadanay, waa ii Xasuus igu qaali ah iyo erayo kale oo macaan.

Maalintii dambe ayaa waxaa Magaalada soo gaaray oo qurbaha ka yimid, Ninkii ay Maryan wada sheekaysan jireen, wuxuuna u sheegay, inuu yimid, Hadiyad qaali ahna uu u wado. Waxay ku tiri: Beri Casuumaad ayaan kuu sameynayaa ee xafadda iigu kaalay, Hanadna waxey u sheegtay, in maanta uu xaafada ugu imaanayo Nin ay horay isu yaqaaneen, oo Qurbaha ka yimid.

Maalintaas wey casuuntay, isna Hadiyadii ayuu u keenay, Waqti badan la isuma helin, oo Hanad ayaa la joogay, markuu sii baxaayay, ayey ku tiri Qalbiga iga Cafi, isna Huuno waan ku Cafiyay ayuu ku yiri. Maalintaas ka dib waxay ahaayeen Dad si fiican u wada xiriira.

Haddaba, maalin kale ayay Xaafadda ku balamisay, xilli uu Hanad Xaafadda ka maqnaa, si fiican ayaa loo sheekeystay, waxaana la iska wareystay, jaceylkii soo dhex maray iyo Waqtigii la soo wada qaatay.

Lama kala fogeyn oo dhinaca ayaa la isku haayay, taabasho jilicsan iyo Dhunkasho Romantic wadata, ayaa bilaabatay, oo sida barafkii oo kale ayaana la isku dhalaalay.

Maalintaas hawsha sidii loogu tala galay ayey ku dhamaatay, Cabsi ilaahna ma jirin, wax kale lagama Cabsanayn, waayo Nin ayaad leedahay, Cid ku dareemeysana majirto ayaa la is leeyahay.

Ninkii oo inta Wejiga Biyo yar isaga dhaqay ayuu Albaabka Guriga ka sii baxay, isaga oo Suunka Xiranaaya ayey iska horyimaadeen, Ninkii Hanad ahaa ee Maryan qabay. Salaan ay Shaki ku jirto, ayaa la isa salaamay.

Isaga oo yaaban, oo is leh see wax u jiraan Ninka dharka xiranaaya ee meesha ka soo baxay muxuu ahaa ayuu Guriga galay, isla markii Xaaskiisa Maryan ayuu ku yiri:- War heedhe Ninkan Surwaalka sii xiranaaya ee Guriga ka soo baxay muxuu ahaa ?.

Ileen Sir naag lama Sal gaaro, intey qosashay ayey ku tiri:- Alla Xabiibi waa Wiilkii maalintii ?, wuu i soo booqday oo Suuliga intuu galay ayuu sii baxay.

Waxooga wuu nafisay, Naftiisna wuxuu ku qanciyay, in isaga oo Suuliga ka soo baxay, oo aan weli Suunka xiran, ay kulmeen, balse aysan wax kale jirin.

Habeenkaas wuxuu dib u xasuustay, xumaantii uu soo grystay, waxaana Qalbigiisa ku soo dhacday, Aayaddii Quraanka ee dhaheysay:- (Ninka xun, Gabar xun unbaa u Sugnaatay). wuxuu kaloo soo xasuustay Sheekooyinkii soomalida ee ahayd (Ninkii gabar Xumeeya, gabadhiisaa la xumayn).

Maalintaas ka dib Hanad waxaa ku dhacay Shaki iyo Waswaas aad u weyn, wuxuuna bilaabay inuu daba galo, aadna ugu fiirsado Xaaskiisa, waa Cudur xun, oo Nafta iyo Nolashaba Ciqaabo.

Maryan lafteeda wey dareentay in Hanad uu Shaki ku dhacay, balse rabitaan xoog badan uma heyso, mar walba oo ay wax ka dareento Canaan ayey dhegaha kaga Cuntaa, mar walba oo ay firaaqo heshana waxay waqti la qaadataa Saaxiibkeed Qurbaha ka yimid, oo malaha Qalbigeeda ayaa jaceyl u galay.

Hibo inkasta oo ay hadda sidii hore dhaanto, haddana weli ma eysan ka bogsan Dhaawacii iyo Taariikh xumadii uu Hanad baday, waxey tiri:- Nin walba oo taariikhdeyda maqla wuu imaan, wuxuuna iga rabaa, inuu xumaan, igu sameeyo, Dadkii wanaagsanaa oo dhan wey iga weecdeen, intii xumeyd baa i soo raadsata, marka aan diidana qaarbaa i Caayo oo i dhahayo:- Waxaa tahayba waan ognahaye maxaad igu diidi Aniga?, waxaad moodaa inaan ahay waddo Halaq mareen ah.

Mar marka qaar anoo kaligey ah ayaan Ooyaa, balse hadalka dadka dhegahaan ka fureystay oo meel kale ayaa ii muuqata.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted