mararka qaar waad igu caajisi doontaa, mararka qaar waad igu daali doontaa, mararka qaar waad caroon doontaa, mararka qaar waad wareeri doontaa, wey kugu adkaan dooontaa inaad jadwaladeyda la qabsato. Waxaan jeclahay isbadalka, kor ahaanshaha, waxyaabaha saafiga ah, qeexitaanada cadcad, hagaagsanaanta. Ima xiiso geliyaan waxyaabaha liita, ku daahidda hurdada oo aan sabab lahayn, kala daadsanaanta, waxyaabaha aan qorsheysneen, camal la’aanta, waxyaabaha aan micnaha lahayn.

Waad igu rafaadi doontaa sababtoo ah waan ku dhiiro gelin doonaa, hormarkaaga ayaan ka shaqeyn doonaa, jacayl kaa tan badan ayaan ku siin doonaa, si xad dhaaf ah ayaan kuu daneyn doonaa, jadwalkeyga ayaad kamid noqon dontaa. waan xanaaqi doonaa hadaad maalintaada dayacdo, waan ku canaan doonaa, jadwalkaaga ayaan sixi doonaa, dhabbada toosan ayaan kugu hagi doonaa. Waad igu caajisi doontaa oo aad daali doontaa waan ogahay, in badan ayaan soo arkay waxyaabaha aan kaala hadlaayo, mana jiro qof maalmo ila sii jiri kara!

Wax kaa maqan ayaad weyn doontaa, waan ku xiriirin doonaa, waan kaa farxin doonaa, dhinac walba ayaan kaa kaabi doonaa, gacal ayaan kuu noqon doonaa, waan kusoo dhaweyn doonaa, waan ku difaaci doonaa, guulahaaga ayaan ka sheekeyn doonaa, wanaagaga keliya ayaan dadka bari doonaa, ceebahaaga waan qarin doonaa, madaxa ayaan ku saaran doonaa, kadibna noloshaas bilaa fowdada ah ayaad ku caajisi doontaa, waadna is badali doontaa!

Waan adkahay weliba aad ayaan u adkahahay, hadaan ku jeclaado waan kugu madax adeygi doonaa, cudurdaaro ayaan u sameyn doonaa gefafkaaga xitaa kuwa sida ula kaca ah aad u sameysay, waxaan ku gaarsiin doonaa heer uu cudurdaar oo dhan ka dhamaado, waad ka xishoon doontaa inaad cudur daar dhiibato, waxaan kuu ogolaanayaa inaad aad ii dhaawacdo, qabkeyga inaad hoos u dhigto kadibna waan ku deyn doonaa dibna kuuma xusi doono, taariikhdaada oo dhan ayaan nolosheyda ka masixi doonaa, kuma adki keliya heysasha qof i dhaawacaya, sidoo kale hadaan daayana qofkaas nolosheyda kuma soo laaban doono, fursadda labaad lagama helo qaamuuskeyga!

Waad ila yaabi doontaa, waxba ima yeelaan dadka nolosheyda ka baxa, uma sii dhaawacnaado, kama sii fikiro, xusuustooda wey i dhaaftaa keliya ma noqoto wax aan la fariisto ama waqti igu qaadata inaan soo kabto, waad yaabi doontaa waayo waxaan awood u leeyahay inaan dareenkeyga maamulo waan tababaray sida askari loogu tala galay inuu halista ka digigixan!!

Uukow Media

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted