Waan is waayay… balse naftayda kama quusan. Waxaan lumiyay qayb iga mid ahayd, hase yeeshee rajadii qalbigayga ku noolayd weli ma dhiman. Waxa keliya ee aan rumaysanahay waa in qof kasta oo is waayaa uu maalin uun naftiisa dib u heli doono.”

Waan is waayay… mana aha in geeri i timid, balse waa nolol si aamusnaan leh ii beddeshay. Maalin kasta wax iga mid ah ayaa iga sii lumayay, anigoon xitaa dareemin. Ugu dambayn waxaan is arkay anigoo nool, haddana aanan garanayn qofkii muraayadda iga muuqday.

Waxaan dhex socdaa waddooyinkii aan jeclaa, balse maanta waxay ila yihiin kuwo aan waligay marin. Waxaan dhex fadhiistaa dadkii aan qalbiga ku hayay, haddana waxaan dareemaa kelinimo aan erayo lagu cabbiri karin. Qosolkaygu wuu muuqdaa, laakiin qalbigaygu wuu ooyaa; ilmadayduna marar badan indhahayga kama soo daataan, ee waxay ku daataan meel aan cidina arki karin.

Mararka qaarkood waxaan is weydiiyaa:

Goormaan sidan noqday? Goormay riyooyinkii aan habeen kasta ku seexan jiray isu beddeleen xusuus aan xanuun mooyee wax kale ii reebin? Goormay farxaddii iga tagtay iyadoo aan xitaa macasalaamayn? Su’aalahaas jawaab uma hayo, balse waxaan ogahay in qayb iga mid ahi ay meel fog ku hadhay, iyadoo weli i sugaysa.

Waxaan bartay in dadka qaar ay noloshaada ka baxaan iyagoon ogeysiin, qalbigaaguna uu aamuso marka uu daalo. Waxaan bartay in dhaawacyada qaarkood aan indhaha lagu arki karin, balse ay yihiin kuwa ugu xanuunka badan. Haddana waxaan rumaystay in jab kastaa uusan ahayn dhammaadka sheekada, ee uu mararka qaar yahay bilowga qof cusub oo ka adkaysi badan, kana qoto dheer kii hore.

Waxaa laga yaabaa inaan maanta is waayay, laakiin kama quusan raadinta naftayda. Waxaa laga yaabaa inay ilmadu noqotay luqadda qalbigayga, balse waxaan rumaysanahay in maalin uun dhoolla-caddayntu dib isoo booqato.

Qof kasta wuxuu la dagaallamaa dagaal aan dadka kale arki karin. Sidaas darteed, haddii aad aragto qof aamusan, ha u qaadan inuu nabad qabo. Waxaa laga yaabaa inuu maalin kasta la halgamayo sidii uu isu heli lahaa.

Aniguna wali waan socdaa… anigoo rajaynaya in maalin uun aan dib ula kulmo naftii aan jidka ku waayay. Marka maalintaas timaaddo, waxaan ogaan doonaa in xanuun kasta oo aan soo maray uusan igu iman inuu i burburiyo, balse uu ii yimid si uu ii dhiso.

Uukow Media

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted