Abaalku waa waxa kaliya aan ka cabsado in laygu yeesho, maaha inaand isla weynahay ee waa inaan ka cabsado ugu yaraan inaan sidii ku habboonayd u gudi waayo.

​Abaalku waa mid aan la yaabay. Bal ka waran qof abaal ku galaya isagoon ka sugeyn inaad u gudo, isagoon culeys ku dareemayn inuu xitaa wax kula qabtay?

​Abaalku waa mas’uuliyad aysan awoodin dadka jilicsan ama dadka aan fiyoobayn (waxaan ula jeedaa si nafsiyan ah u xanuunsan). Abaalku galiddiisa iyo gudiddiisa way kala duwan yihiin.

​Abaalku kaliya maaha hanti, hunguri, hooy, iyo haraad laga tiray oo kaliya; abaalku waa uu balaaran yahay, wuuna baaxad weyn yahay.
​Bal ka waran adiga oo walaacsan qof kugu yiri eray ku illowsiiya walaacaaga, kuuna dhoolacadeeya, garabka ku dhufta oo kugu dhaha: “Waad adag tahay ee kac!”

​Bal ka waran qof adiga oo ciriiri adduun ku jira, qof buuqa ka yareeya oo ugu yaraan nafis ku siiya, si uu horta adiga iyo guuxa dhexdaada ka shidan usoo kala dhamaystaan, asaguna kor kaala socdo oo markaad hiil u baahato garabkaaga qabta?

​Bal ka waran qof xanaaqaaga iyo erayadaada kulkulul u arka wax dabiici ah, aanan ku qaban, isku dayana inuu ku dejiyo ilaa xad? Haduu ogaadana inaad u baahan tahay inaad keligaa waqti qaadato, ku siiya si uu caafimaadkaaga maskaxeed u dhowro; marka aad soo laabatana isagoo hamuun ku qaba ku weaydiiya xaaladaada, adna aad ka raaligaliso wixii dhacay, balse aan kuu muujin iney wax xun dhaceen, taas badalkeeda kugu dhaha: “Adiga ayaa ka muhiimsan.”

​Bal ka waran qof ku dareensiiya ammaan adoo maqan iyo adoo jooga intaba; qof aadan dhankiisa ka walaacin amuu un ku xumeeyaa, amuu un cadow kuso raacaa.
​Bal ka waran qof maalin laga soo horjeestay ku dhaha: “Indhaha kale furoo i arag, dhabarkayga waa kuu gaashaan, afkayga iyo carabkayguna waa seef aan kugu difaaco, hadii gacantayda loo baahdana waa garneeyl gubi kara guluf kasta oo kusoo abaara!”
​Bal ila qiyaas qof aan kula dhalan, hadana ku ilaashada sida curadka hooyadaa macaan oo kale.

​Intaas aan soo sheegay oo wanaag ah, bal ka waran hadaan maalin qura xitaa lagaaga baahneyn inaad ka mahadceliso, oo qofka intaas soo sameeyay uusan dareensanayn xitaa inuu intaas ku sameeyay?

​Maxay dunida ruuxyo daahir ah, oo aan cudurka xaasidnimada iyo cuqdada aqoon ku nool yihiin!

​Alla, maxay dad dun wanaagsani oo la jirkooda wacnaan lahayd, uusan waqtigu u ogolaanayn in la wada joogo!

​Maxay ciida Eebbe ku socdaan dad aad is leedahay Jannada iyo iyaga geeri oo kaliya ayaa kala dhexaysa!

​Allow kuwaas naga dhig! Hadaynaan noqon weynana kuwaas nala kulansii, oo ha nagusu salidin cid aan inoo naxariisan.

Uukow Media

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted