Dadka badankoodu waxay aaminsan yihiin inay si madax-bannaan u maamulaan noloshooda iyo go’aamadooda maalinlaha ah. Haddana, aaladaha casriga ah, baraha bulshada, iyo dhacdooyinka inagu xeeran ayaa si aamusan u qaabeeya dareenkeenna. Rob Dial, oo ah khabiir falanqeeya hab-dhaqanka aadanaha, ayaa sheegay in haddii uusan qofku si feejigan u xulan xogta uu qaadanayo, in xaalado kale ay nolosahiisa jiheynayaan.
Maskaxda aadamuhu waxay la mid tahay dhul nafaqo leh oo diyaar u ah abuur kasta; wixii aad ku beerto ayay soo saaraysaa. Haddii aad waqti dheer geliso walxaha aan macnaha lahayn, waxay u baranaysaa in ay u aqoonsato wax qiimo leh. Si aad u hanato noloshaada, waxaad u baahan tahay inaad noqoto hage si ula kac ah u xusha waxa dhisaya garaadkiisa.
1. Go’aami Qofka Aad Rabto Inaad Noqoto.
Inta aadan isku taxallujin in aad buug furto ama xog cusub raadiso, weydii naftaada sawirka shakhsiga aad rabto in aad noqoto. Marka aad si dhab ah u sawirato yoolkaaga, maskaxdaadu waxay si toos ah u bilaabaysaa in ay kala shaandhayso macluumaadka buuqa badan ee adduunka. Haddii aad hiigsanayso in aad ganacsi dhisto, indhahaagu waxay markiiba qabanayaan fursadaha dhaqaale iyo tabaha maareynta. Waxaad iska indhatiraysaa wixii aan adiga waxba kugu kordhinayn.
2. Wax walba Ha baran isku day hal Wax.
Dadka dunida saamaynta ku yeeshay kuma mashquulaan inay wax walba kaga sheekeeyaan fagaarayaasha. Qofka xigmadda lihi wuxuu sameeyaa qorshe uu diiradda ku saarayo hal xirfad oo awood u leh in ay gabi ahaanba beddesho jidkiisa. Marka aad waqtigaaga iyo xooggaaga isugu geyso dhinac qudha, waxaad abuuraysaa awood aad kaga dhex muuqato tartanka nolosha. Ka dheerow in aad noqoto qof wax walba inyar ka yaqaan balse aan meelna ku xididnayn.
3. Dib u eeg waxa aad baratay.
Akhriska iyo dhagaysiga xogtu waa tallaabadii koowaad, balse waa in aad heshaa xilliyo Degan oo aad ku lafa-gurto wixii aad aad baratay. Marka aad cashar qaadato, waxaa fiican in qofku yiraahdo qaabkee ayaan aqoontan maanta noloshayda ugu dabaqi karaa. Dhaqankani wuxuu maskaxda ku qasbaa inay dhuuxdo wixii muhiim ahaa, isla markaana ay fikradihii qallalnaa u beddesho waayo-aragnimo nool oo la taaban karo.
4. Waxa aad Baratay Dhaqangeli Weliba Si Degdeg Ah.
Aqoonta oo la kaydsadaa ma miro dhasho haddii aan dibadda loo soo saarin oo aan la tijaabin. Dad badan ayaa guryaha ka buuxsaday shahaadooyin iyo buugaag, haddana noloshoodu isma beddesho waayo weligood ma qaadin hal tallaabo oo dhab ah. Sida ay aqoonyahannadu yiraahdaan, aqoontu waa hibo, laakiin xirfadda dhabta ahi waa waxa aad maalin walba ficil ahaan u qabatay. Ficilkuna waa waxa xaqiijiya guusha, waayo qofka maalin walba tijaabiya wixii uu bartay ayaa noqda midja sida dhabta ah ugu takhasusay shaqadiisa. Haddii aad maanta baratay qaab cusub oo dadka loola dhaqmo, isla maantabaa ku tijaabi dadka kugu xeeran.
5. Waxa aad Baratay Dadka Kale La Wadaag.
Jidka ugu gaaban ee cilmi lagu kobcin karaa waa in aad qof kale u sharraxdo wixii aad baratay. Marka aad maskaxdaada ku cadaadiso in ay fikrad si habaysan oo fudud u tebiso, waxaad si dhab ah u ogaanaysaa daldaloolada fahamkaaga. La fadhiiso saaxiibkaaga ama qof qoyskaaga ka mid ah, uguna sheekee wax uun aad ka fahantay waxa aad baranaysay. Waa sirta ugu weyn ee xusuusta iyo garashada isku xirta.
Fikirkaagu waa hantida ugu qaalisan ee aad leedahay, waana masuuliyad adiga ku saaran inaad xakamayso albaabbada u furan. Qofka garanaya sida loo ilaaliyo xogta uu qaadanayo, uguna jiheeyo waddada saxda ah, wuxuu gartay furaha lagu naqshadeeyo mustaqbal uu raalli ka yahay. Ha sugin in mawjadaha nolosha iyo dadka kale ay ku jiheeyaan, ee adigu noqo shakhsiga sida dhabta ah u haya isteerinka noloshiisa.















