Ma jeclaan lahayd in marka dadku ku arkaan, wejigooda ay ka muuqato farxad ay dhab ahaan kuu qabaan? In qofku kuu dhoola cadeeyo, kuu soo dhowaado, dabadeedna uu laabta kugu soo dhaweeyo, adigoo dareemaya in soo dhowayntiisu aanay ahayn edeb keliya, balse ay tahay dareen qalbigiisa ka soo baxay?

Ma jeclaan lahayd dadka marka aad la hadlaysid si dhab ah kuu dhegaysta, aan hadalkaaga u qaadan erayo hawada ku lumaya, balse u arka fikir mudan in la maqlo, la fahmo, lana qiimeeyo? dadka marka aad la sheekaysanayso aan maskaxdooda ku mashquulin jawaabta ay ku siinayaan, balse marka hore isku dayaya inay fahmaan waxa aad dhab ahaan ula jeeddo.

Ma jeclaan lahayd dadka kula wadaaga riyooyinkooda, qorshayaashooda iyo halka ay doonayaan inay noloshooda gaadhsiiyaan? dadka mararka qaar kuu yimaada iyagoo leh, adigu maxaad kula talin lahayd? ma aha oo keliya inay taladaada doonayaan, balse waxay kuu sheegayaan in aragtidaadu ay iyaga wax u leedahay, in fikirkaaga uu miisaan leeyahay, oo ay kuu arkaan qof ay ku kalsoonaan karaan.

Ma jeclaan lahayd dadka ku dareensiiya in joogitaankaagu aanu ahayn wax iska yimid?
dadka aan kula hadlin marka ay wax kaa rabaan oo keliya, balse kuu yimaada iyagoo qalbigooda furan, kula wadaaga waxa ay dareemayaan, kuu sheegaya waxa farxad geliya iyo waxa gudaha ka dhaawaca, dadka aan hadalkaaga kaa dhexgelin, aan ku degdegin in ay kuu jawaabaan, balse kuu oggolaada inaad fikirkaaga dhamaystirto, dabadeedna si deggan oo xushmad leh uga jawaaba.

Ma jeclaan lahayd dadka ku xasuusta marka ay guul gaadhaan? sababta oo ah waxay kuu arkaan qof guushooda lahaa, waxay xasuustaan eray aad mar’uun tidhi, talo aad siisay, ama dhiirrigelin aad u sheegtay xilli ay iyagu naftooda ka quusteen, markay meel gaadhaan, kuma iloobaan, waxay dib u eegaan jidkii ay soo mareen, waxayna xasuustaan dadkii eray wanaagsan kaga tagay safarkooda.

Ma jeclaan lahayd dadka farxaddaada si dhab ah ugu farxa? dadka marka aad guul gaadho aan qalbigooda ku dhalan hinaaso, balse ay iyaga laftoodu dareemaan in guushaadu tahay wax mudan in lagu farxo, dadka aan doonayn inay kaa dambeeyaan, balse doonaya inaad adiguna horay u sii socoto, dadka marka aad murugootana aan kuu sheegin erayo madhan oo keliya, balse dareema culayska ku saaran, kuna ag jooga xitaa marka aysan haysan wax ay ku xalliyaan dhibkaaga.

Ma jeclaan lahayd dadka aan ku qiimayn waxa jeebkaaga ku jira, magaca aad sidato, meesha aad joogto ama waxa aad bulshada ka tahay? dadka ku qiimeeya qofka aad tahay marka aan cidina ku eegayn, akhlaaqdaada marka aanay jirin cid ku ammaani karta, sida aad ula dhaqanto qof aan wax kuu tari karin, sida aad u ilaaliso qalbiga qof kale, sida aad u ixtiraamto dadka kaa yar iyo kuwa aan waxba kuu kordhin karin.

Kuwaas ayaa ah dadka qiimaha dhabta ah leh, waa dadka marka ay ku arkaan wejigooda ka muuqato farxad aan la iska dhigin, marka ay kula fadhiyaanna aad dareento deganaan, marka ay kaa tagayaanna ay qalbigaaga uga tagaan xusuus wanaagsan, dadka noocaas ahi ma badna, mana aha dad lacag lagu raadin karo, magac lagu kasban karo ama awood lagu qasbi karo, waa hanti noloshu mararka qaar qofka si aamusnaan ah ugu hibayso, waa dad marka ay noloshaada soo galaan aan sawaxan badan samayn, balse joogitaankooda aad muddo kadib garato qiimihiisa.

Haddii aad noloshaada ku haysato qof sidaas kuu jecel, kuu ixtiraama, kuu dhegaysta, kuu aamina, farxaddaada la farxa, murugadaadana kula dareema, ha u qaadan qof iska caadi ah, u ilaali sida aad u ilaalin lahayd wax qaali ah, u noqo adiguna qof uu ku dareemo xasillooni, qof uu hadalkiisa ku aamini karo, qof aan guushiisa ka cabsan, qof aan tabartiisa uga faa’iidaysan, qof aan sirtiisa hub uga dhigan marka xidhiidhku is beddelo.

Waayo xidhiidhka ugu quruxda badan, waxay ku koraan ismaqal, waxay ku xoogaystaan kalsooni, ixtiraam, qalbi nadiif ah, ugu dambayn, dadka wanaagsan noloshaada ha ka dhigin kuwo aad u baahan tahay inaad lumiso si aad u fahanto qiimahooda, balse waa inaad si dhab isku maqashaan.

https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmediaUukow Media

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted