Waraaqda ay Fariintaani ku qorantahay waxaa laga helay Jeebka Mid kamid ah Askartii ku dhimatay Dagaalkii 2aad ee Aduunka WW2 1939kii.!
“Marka uu dhammaado dagaalku, waynu is guursan doonaa. Dhulkuna wuxuu soo saari doonaa ubaxyo adiga kuu eg. Makaankuna wuxuu qaadi doonaa gabadha ugu quruxda badan caalamka; waxay u ekaan doontaa adiga, anigana way i jeclaan doontaa.”
Erayadaas waxaa lagu qoray waraaq yar oo laga helay jeebka mid ka mid ah askartii ku dhimatay dagaalkii labaad ee adduunka.
Waxaa la sheegay in askarigu waraaqda qoray habeen ka hor intii aanu dagaalka u bixin. Wuxuu qalbigiisa ku hayay hal rajo: in uu dagaalka ka soo laabto, gacmahana ka qabto gabadhii uu jeclaa, kadibna uu guursado.
Laakiin dagaalku mararka qaar ma dilo oo keliya askarta wuxuu sidoo kale dilaa riyooyinkooda.
Maalintii dagaalku dhacay, askarigii wuu dhintay.
Gabadhiina weligeed ma helin ninkii ay sugaysay.
Ubaxyadii uu ku riyooday way soo baxeen, laakiin isaga ma uusan arag. Maqaankii uu rajaynayay inuu gabadhiisa quruxda badan ku qaado wuxuu noqday xusuus aan weligeed dhicin.
Waxaa laga yaabaa in gabadhii ay sannado badan daaqadda ka eegtay iyadoo filaysa inuu maalin uun soo laaban doono.
Waxaa laga yaabaa inay maalin kasta is tidhaahdo:
“Waxaa laga yaabaa inuu maanta yimaado”
Laakiin albaabkii lama garaacin.
Sanadihii way socdeen, dagaalkiina wuu dhammaaday… balse askarigii gurigii uu ballanqaaday kuma soo noqon.
Waxa keliya ee ka haray wuxuu ahaa waraaq yar oo jeebkiisa ku jirtay—waraaq uu ku qoray mustaqbal uu aaminsanaa inuu noolaan doono.
Mararka qaar, waxa ugu murugada badan ma aha qofka dhintay…
Waa riyada uu la dhintay. !
Wuxuu qorsheeyay aroos, laakiin waxaa loo diyaariyay aaska.
Wuxuu ku riyooday gabar uu gacmaha ku qaado, balse ugu dambayn isaga ayaa lagu qaaday garbaha rag kale.
Wuxuu qoray: “Marka uu dhammaado dagaalku, waynu is guursan doonaa.”














