Naxdin iyo Argagax ayaa ku dhacay markey aragtay, Hanadkii ay nolasheeda u hibeysay, oo isticmaalaya daroogo, waxey ku hadasho ayey garan weyday, balse Indhaheeda ayaa durbadiiba ilmo ka soo daateen.
Wadnaha ayaa garaacmay, dhammaan xubnaha ayaa wada daalay, iyado gacanta ilmada isaga tireysa, waxey tiri:- Maxaaad sameneysaa Caawa?, wuxuuna ku yiri:- Waa Qalin jebinteyda oo Caawa waan baashaalayaa.
Waxay rabtay, Farxadiisa in ayla qaadato, waxay rabtay, iney Mustaqbalkooda kala hadasho, balse faraha waxa uu kula jiraa Qurun iyo Wax Sumcadiisa haleynaayo. Iyadoo Murugo ka muuqato, lugaheedana qaadi la’, ayey iska soo laabatay.
Maalmo ka dib nafteda ayey la hadashay oo ay ku tiri:- Nafyaheey ninkaan sidaas u dhaqmaayo Mustaqbalkaga miyaad ku haleeneysaa?, oo Ninkaan kheyral masuulka ah Caruurtaada miyaa Aabe u noqonaa?, marna waxey Xasuusanaysaa waqtigii, hantidii iyo daalki kaga baxay.
Marna nafteeda waxey u sheegaysa haddii uu Caawa un yahay waad ka jari kartaa, dhib maleh, waxeyna is tiri: Hadduu Caawa keliya yahay waani oo la soco, balse haddii uu soo ahaan jiray, ka fogoow Agtiisa oo naftaada ka jar, dhibtay doonto ha kugu qaadatee.
Waxey wareysatay Wiilashii saaxiibada ahaayeen, Nasiib xumose waxey u sheegeen inuu weligiisa ahaa Nin isticmaala daroogada, balse uu iyada ka qarin jiray.
Hibo wejiga ayaa casaaday oo wax ay ku hadasho ayey garan weyday, oo waxey dareentay Ciil aanay horay u dareemin, mar waa la qiyaanay, oo Been ayaa loo sheegay, marna waala khasaariyay, oo waqti iyo Maal ayaa laga qaatay, oo lagu gadan jiray daroogo.
Mar mustaqbalkeedii ayaa lagu Ciyaaray, rajadeedana waa laga dilay, oo waxay qalbigeeda siisay Nin aysan weligeed ku fakarin inay la hadleyso.
Hibo dhowr habeen ayey hurdo iska weysay, qof walba oo ay la tashatana wuxuu kula taliyay inay ka fogaato Ninkaas, waayo waxey aheyd Gabar Sharaf badan, dadkana wada jecel yihiin, laakin Qalbigeeda oo ay la tashatay, ayaa u keenay Jahwareerka maanta heysta.
Maalin walba inta ay wacdo ayey markey hadalkiisa maqasho ilmeysa, markaas ayey taleefanka jartaa, haddana wey ku celisaa iyada oo aan la hadleynin.
Ugu danbaynti nafteda waxa ay ku Qancisay, iney Hanad ka samirto, kana fogaato agtiisa, taleefankana iska demiso, Magaaladana ay isaga tagto. Lambarkii taleefanka ayey iska beddeshay, magaaladiina wey uga ka tagtay, kama maaranto wey jeceshahay, balse maanta waa go’aan ay qaadatay.
Maalmo xanuun badan ayaa u bilawday, waxay tiri:- Markii aan gaarigii Cagta saaray, waxaa igu siyaaday jaceylkii aan u qabay, waxay ila noqotay, inaan nolasheydii oo dhan ka tagaayo, wadnahayga aad ayuu u garaacay, jirkaygana wuu daalanaa, awoodii oo dhan way iga tagtay, Hal daqiiqo xataa qalbigeyga kama baxaayo.
Niyadeeda waxaa ku qoran sida ay farxad ugu wada noolaan lahaayeen, haddii ay is helaan, waayo si fiican ayay isku barteen, raalina wey iska ahaayeen, weyna isku qanacsanaayeen, sheekadana way isugu bixi jiratay.
Hanad wuxuu garowsaday Qaladka uu galay, wuxuuna garwaaqsaday Qofka uu waayay, qiimahiisa jaceylka uu u qabo iyo iyada key u qabto, Naftiisa ayuu Canaan aan wax tareyn kala dul dhacay, wuxuu naftiisa is leeyahay, Hal mar mey kuu soo laabato, weliga Qalad dambe kamaad gasheen, waxaana waad iska deyn lahayd.
Arrintu waxey sidaas ahaato Maalintii dambe ayuu tagay xaafadii, si uu u soo arko jaceylkiisa una raali geliyo, balse waxaa loo sheegay iney Magaalada ka maqan tahay.
Maalintaas hawsha sidii loogu tala galay ayey ku dhamaatay, Cabsi ilaahna ma jirin, wax kale lagama Cabsanayn, waayo Nin ayaad leedahay, Cid ku dareemeysana majirto ayaa la is leeyahay.
Ninkii oo inta wejiga Biyo yar isaga dhaqay ayuu Albaabka guriga ka sii baxay, isaga oo Suunka Xiranaaya ayey iska horyimaaden, Ninkii Hanad ahaa Maryan qabay. Salaan ay Shaki iyo Cuqdad ku jirto, ayaa leys salaamay.
Isaga oo yaaban, oo is leh see wax u jiraa Ninka dharka Xiranaaya ee meesha ka soo baxay muxuu ahaa ayuu guriga galay, durbadiibana Xaaskiisa Maryan ayuu ku yiri:- War heedhe Ninkan Surwaalka sii xiranaaya ee guriga ka soo baxay muxuu ahaa ?.
Ileen Sir naag lama Sal gaaro, intey qososhay ayey ku tiri:- Alla Xabiibi waa Wiilkii maalintii ?, wuu i soo booqday oo Suuliga intuu galay ayuu sii baxay.
Xoogaa wuu nafisay, wuxuu naftiisna ku qanciyay, isaga oo Suuliga ka soo baxay, oo aan weli Suunka xiran, iney kulmeen, balse aysan wax kale jirin.
Habeenkaas wuxuu dib u xasuustay, xumaantii uu soo geystay, waxaana Qalbigiisa ku soo dhacday, Aayadii Quraanka ee dhaheysay:- (Ninka xun, Gabar xun unbaa u sugnaatay). wuxuu kale uu soo xasuustay Sheekooyinkii soomalida ee ahayd (Ninkii gabar Xumeeya, gabadhiisaa la xumayn).
Maalintas wixii ka dambeyay Hanad waxaa ku dhacay Shaki iyo Waswaas aad u weyn, wuxuuna bilaabay inuu daba galo, aadna ugu fiirsado Xaaskiisa, waa Cudur xun, oo Nafta iyo nolashaba Ciqaabo.
Maryan wey dareentay iyada in Hanad uu Shaki ku galay, balse rabitaan xoog badan uma heyso, marwalba oo ay wax ka dareento Canaan ayey dhegaha kaga Cuntaa, mar walba oo ay firaaqo heshana waxay Waqti la qaadataa Saaxiibkeeda Qurbaha ka yimid, oo malaha Qalbigeeda ayaa jaceyl u galay.
Hibo inkasta oo ay hadda sidii hore dhaanto, haddana weli ma eysan ka bogsan dhaawacii iyo taariikh xumadii uu Hanad baday, waxey tiri:- Nin walba oo taariikhdeyda maqla wuu imaan, wuxuuna iga rabaa, inuu xumaan, igu sameeyo, Dadkii wanaagsanaa oo dhan wey iga weecdeen, intii xumeyd unbaa i soo raadsata, marka aan diidana qaarbaa i Caayo oo i leh:- Waxaad tahayba waan ognahaye maxaad igu diidi Aniga? waxaad moodaa inaan ahay waddo Halaq mareen ah.
Mar marka qaar anoo kaligey ah ayaan Ooyaa, balse hadalka dadka dhegahaan ka fureystay oo meel kale ayaa ii muuqata.
( La soco Qeybta Xigta).













