Hanad markuu sameeyay intaas ayuu isagoo aan hadli karin oo dhulka fiirinaayo Falka guracan uu sameeyay dartiisa, ayu intu dhunkaday Cagaheeda si deggen Cafis uga codsaday.
Dadkii meesha joogay oo War moogayaal ahaa ayaa yaab la noqotay waxa uu Hanad sameynaayo, iyadiina Talo ayaa ku cadaatay, oo iney Hanad la hadasho ma eysan rabin, jawaab ku haboon oo ay siisana ma diyaarsan, intaas waxaa uga sii daran, dadkii oo dhan ayaa wada dhowraaya jawaabta ay Hanad siin doonto.
Hibo markay aragtay Hanad ilmada ka daadanaysa iyo Murugta ka muuqata, iyo sida uu iyada u Hoos fadhiyo ayaa inta Gacanta qabatay, Boorkii gacanteeda kaga tirtay, ilmadiina maradeeda kaga tirtay, ayey qolkii fadhiga u sii gudbisay, ileen Qatar jaceyl ma qarsoomi karee, Dadkii ayaa Hibo ku yiraahdeen, Heedhe Ninku muxuu kaa rabaa?, kolkaas ayaa Hibo waxey ku tiri:- Waa nin i jecel oo Xiriir wada laheyn, balse sidey wax u dhaceen iyo Qisadii dhex martay Cidna umeysan sheegin.
Sharaab iyo Biyo qabow intey u keentay, ayey soo ag fadhiisatay, malaha Ninkani Oon iyo gaajo midna ma heyso, balse wuxu u ooman yahay keliya Aragtida. Gacalisadiisa.
Sheeko yar oo kooban ka bacdi, waxay ku tiri Orad hadda iska tag, aniga ayaa Caawa kuugu imaan doona, Hotelka aad degan tahay. Haye iyo Hawraarsan ayuuna ugu jawaabay.
Isaga oo faraxsan ayuu soo noqday, wuxuu u soo iibiyay, Alaabo Hadiyad ah oo aad u Qiimo badan, maadama uu waxoogaa hadda sidii hore dhaamo oo uu Shaqayto, Meel barxada Hotelka ah ayuuna ku sugay.
Markii la gaaray Xilligii Balanta, ayey soo baxday, iyadoo aad u xaragooneysa, isna markuu arkay, ayuuba fadhiga isaga kacay, oo uu kursiga isku hagaajiyay.
Markay fadhiisatay, ayaa wada xaajood la bilaabay, waxa uuna ku yiri, isaga oo ilameynaya:- Wax walba oo aad adiga naceyso ama aad dhibsaneysid waa igu Ballan ma sameynaayo, dibna ugu noqon maayo wixii dhacayna ilaah dartiisa igu Cafi.
Hibo dareemayaashii ayaa wada kacay, maadaama ay Hanad aad u jeclayd, in yar ka dib, waxaa laga war helay iyadoo ay Indhahedu ka soo Burqadeen Illintii jaceylka, ileen horaa loo yiri Qalbi jaceyl galay ma Quusto, iyadoo ilmeeneysa intey Gacanta qabsatay ayey ku tiri:- Xabiibi anigana kaama maarmo, waana ku jeclahay, Cafisna waad iga tahay, balse dib dambe yeysan u dhicin wixii hadda dhacay oo kale.
Hibo Hadda wey is dhiibtay, jawi jaceyl ayaana lagu jiraa, Hadiyadii uu u wadayna wuu guddoonsiiyay.
Cajiib, Hibo oo aad moodid in ay meel kale ku maqan tahay ayaa intuu Gacanta qabsaday, qolkiisa oo ay hor fadhiyeen gudaha ula galay, jawiguna wuxuu ahaa mid aan la qiyaasi karin oo aad u Macaan, in yar ka dib waxey sheekadu gaartay in Hawada leys kala baxo, ilaa xaajadu ay gaartay in leys iloobo, Ul iyo Diirkeed ayaa la isku noqday.
Waa yaabe, bal aynu aragno halka leysla gaaro, koleey Xaalku ma yara, Waa yaabe Hibo maxaa balaayadaan daba dhigay, Bal aan aragno Xaalku siduu noqon doono.
Xaalad aan la qiyaasi karin ayaa la wada galay, Hibo-na markii laabta la geliyay, wey is ilowday, waxaana Hawada ka tuuray Jacaylkii ay Hanad u qabtay iyo dareenkii lagu abuuray, misana waxaa habeenkaas hawada ka tuuray jawiga oo ahaa mid Qabooban oo Roob yar uu weliyo, Romantigana aad ugu Wanaagsan, oo weliba dareen xambaarsan, jirkuna uu wax tebaayo, misana uu wehliyo Shaydaan.
Wiilkii Hanad Naftiisa wuu xakameyn waayay, Ciyaar aad u kulul ayaa ka dhacday goobtaasi. Habeekaas Hawl aan meesha loogu tala gelin ayaa dhacday, Hibo-na sidaa ayaa Gabarnimadeedii ku seegtay, malaha waa Riyo ayey isku maaweelineysay, balse wey aragtaa Sheekadu iney dhab tahay.
Hadal iyo Canaan ma jirto Caawa, balse cabsi aad u daran ayaa Hibo soo food saartay, Nafteeda ayaa waxey weydiineysay toloow Hanad muxuu kaa yeeli doonaa arrintaan Caawa dhacday?, ileen talo faraha wey ka baxday.
Iyadoo ka duwan sidii hore ayey Caawa u soo hoyatay Gurigeeda, balse Caawa fikirkeedu wuu ka duwan yahay, oo waxey ku fakareysaa, siduu doono ha ahaado, hadduu doono haba iska qayilee, Hanad inuu ku Guursado, oo nolasha kula wadaago tolow ma Ogolaan doonaa.
Sidey caadadu aheyd waxaa qalbigeeda ku jira Ninka wuu ku nacayaa, mar hadduu jirkaagii taabtayba, wuxuuna kuu maleynayaa in aad sidaan un tahay.
Hibo maanta isaga bey hoos joogtaa, waxay is leedahay, malaga yaabaa inuu fiiriyo wanaagii hore idinka ee aad u sameysay dartiis inuu kuu guursado.
Maalintii dambe ayey wacday wuxuuna u sheegay inuu ku laabtay Magaaladii uu ka yimid, balse markii hore uusan iyada u sheegin maadaama uu si Kedis ah ku soo baxay.
Waa isbeddel kale oo ay fileysay, Hibo murugtii ayaa ku sii badatay, mar walba waxaa Qalbigeeda ka guuxaya Armuu kugu yiraahdaa iga Har ama uu Gabar kale iska Aroosaa.
Markuu Magaaladii tagay maalintaas muusan soo wacin, maalintii oo dhan ilaa habeenkii ayey sugeysay, maalintii dambe ayey iyadu wacday, balse maxey kala kulantay ?.
( La soco Qeybta Xigta).














