Hibo taleefankiisa ayey dhowr jeer soo wacday, balse wuu xirnaa, Dhawr maalmood markey ka weysay taleefankiisa, ayuu maalintii dambe u dhacay, wuxuuna u sheegay Hanad, inuu Mashquul ahaa.

Geenyadii la yaqaanay ee gobta aheyd, baryo ayey ku dhacday, maalin walba iyada ayaa wacdo, balse isaga ma soo waco, xitaa daqiiqad keliya ma soo Xasuusto, maba aha Ninkii liitay oo faqriga ahaa ee Abaalka loo galay.

Marka ay soo wacdana mar wuu ku jaraa, marka ay ku tiraahdo maxaad u jartayna wuxuu ku yiraahdaa Caruur ayaa Game ku ciyaareysay, iyagaa kugu jaray, sorry ka raali noqo, marna maba ka qabto, oo wuxuu Marmarsi ka dhigtaa, silenti ayuu ahaa. Waqti dheer lama hadlo marka ay soo wacdo, Mashquul ayaan ahay ayuu sheekaba ugu soo gaabiyaa.

Hobo waa Qof wax jecel, hadana jirkeeda aan u fiyoobayn, wax kastoo uu ku yiraahdo ama ku sameeyo, wey isaga samirtaa mar walba, Iyada oo Og inuusan maanta isagu u baahnayn.

Hanad wuu kibray, Hibo-dii Sharafta laheyd ee Abaalka u soo gashay, kana soo saartay Noloshii xumeyd ee Ciriiriga badneyd, wuuba iska iloobay oo warba uma haayo waxey ku sugan tahay, oo hadalkeeda ayaaba dhiba, rajadii Guurka uu ka lahaana wuu ka quustay, oo gabadhii qaaliga aheydna, waxey agtiisa ka noqotay wax aan Qiimo iyo Qaayo midna aan laheyn.

Hadda wuu shaqeystaa oo wuxuu rabaa inuu guursado, balse wuxuu goobayaa Gabar kale oo uu Nolasha la wadaago.

Hibo waxey la nooshahay Calaacal iyo Caloolyoow, indhahii ayaa wada Casaaday, har iyo habeen illin aan kala go’ laheyn ayey indhaheedu soo wajaheen, mar walbana wuxuu ku xujeeyaa, wax aysan awoodin, si ay uga harto, ileen si Cad uma oran karo walaal kuma rabo, balse wuxuusan ogeyn in runta oo la sheegaa ay Wanaagsan tahay.

Waa Dagaal iyo Eed taagan, waa Caro iyo Xanaaq aan dhamaaad laheyn, isaga wuxuu diyaar u yahay, inuu Nolasheeda ka baxo, kuna qanciyo in Calafkii dhamaaday, ama aysan is fahmi karin, balse iyadu waxey weli Xasuusan tahay Wanaagi ay u sameysay iyo jaceylkii ka dhaxeeyay.

Hanad inta uu dagaalkani socday ee uu Hibo iloobay, wuxuu isagu barasho la wadaaagay gabar Cusub oo la yiraahdo Maryan.

Maryan waxey aheyd Gabar quxux badan, ooy isku meel ka wada Shaqeeyaan Hanad, Maryan waxey xiriir ay wada lahaayen Nin qurbaha jira, oo Masaariifta Bil kasta u soo dira, balse aysan iyadu u qabin jaceyl Lacagta dhaafsiisan, waxeyna aheyd gabar iska da’yar, Ninkana intas uun kula socoto, balse rabtay iney dhowaan ka harto.

Maryan iyo Hanad waxey wada galeen Jawi Shukaansi sarbeen ah, Kaftan iyo Haasaawe xiiso badan, balse aan weli jaceyl leysku soo bandhigan.

Hanad iyo Maryan waxaa u bilowday Sheeko taxane ah, iyada oo mid walba uu midka kale, u sheegaayo inuu ka helay. hase yeeshee ugu danbayntii waxaana si rasmi ah loo yagleeyay jaceyl hadafkiisu yahay Guur.

Jawi deggen iyo Nolol jaceyl ayaa la wada galay, Hanad hadda waa Nin u diyaarsan, inuu Guri sameysto oo uu guursado, Maryanna waxey u heysataa Wiil wanaagsan, Dhaaqaale fìican heysta, oo jaceyl u muujinaayo, maba oga dhibaatada lala soo maray iyo Marwadii Sharafta laheyd ee uu nolasheeda iyo Dhaqaalaheeda galaaftay.

Isaga dhibka ugu weyn ee heysta, waa siduu isaga reebi lahaa Marwadii Hibo ee uu ku soo meel gaaray, Calafkana ugu qancin lahaa, balse wax walba haddii uu ku sameeyo, kama hareyso oo wey daba taagan tahay, waayo weli wey jeceshahay.

Markey u yara Calaacasho, ayuu niyada isaga dhisaa, kuna yiraahdaa waan is guursaneynaa, haduu Alle yiraahdo, iyadana intaas ayey Niyadda ku dhisataa.

Haddaba, Hibo iyadoo ka sheekeneysa sidey aheyd Xaaladeeda, waxey tiri:- Markuu taleefanka iga qaban waayo, waxaan is oran jiray, ilaahow muu ku dhaho lama joogin, si aan Cudurdaar ugu sameeyo Nafteydana ugu qanciyo. Waxaan sidii ahaanaba maalin ayaa wuxuu igu yiri, aan Hoosta kaa Meher xado,(Qudbo siro), anigana waan ka diiday, waayo ma ogeyn waxa ku kalifaaya arintaas, aad ayuuna isku xanaajiyay, habeenkii ayaan wacay markuu dhowr jeer iga qaban waayay, ayuu markii dambe iga qabtay, waxaana ku iri, Qaali, Guurkeyga shuruud laguma xiraayo, xataa Aabo anaa u sheegi, Lacagta fadhiga, anaa qeyb bixinaayo, Reerkana ku oranaayo Lacag ma heystee ii Guuriya Hanad, fadhi, iyo Sariir midna kaama rabo, keliya aan nolosha wada qeybsano, inoo Shaqee, waxaad heyso ayaana ku Qanacsanahay.

Wuxuu iigu jawaabay:- Wax jaceyl ah iima qabtid, waayo imaadan diiddeen, inaan ku Meher xado haddii aad i jeceshay, wuuna igu jaray.

Ciil ayaan dareemay, telkiisana wuu iga qaban waayay, marna wuu igu jaraayay waxaan u heystay inuu Xanaaqa ku maqan yahay, sidii Caadiga aheydna uu dhowaan Cudurdaar sameyn doono.

Waxaan is lahaa wuxuu ku oran doonaa kuwa yar yar ayaa Game ku ciyaaraayay Mobilka.

Subaxdii dambe ayaan Facebook soo galay, waxaana arkay isaga iyo Gabar Maryan la yiraahdo oo Sawiro Qurux badan soo galay.

Filan waa ayey igu noqotay Arrintaasi, waxaan is iri Armey indhahaagu been kuu sheegayaan, malaha waaba isagii ayaan marna iraahdaa, si fiican u fiiri, waana isagii oo Asxaabtiisa ay u wada Hambalyeynayaan.

Ar-gagax iyo Anfariir ayaa igu dhacay, meel aan joogo waan is garan waayay, Naftu iney iga baxday ayaan mooday, Cirkuna inuu ila soo dumay ayey ila noqotay, Alla tanina ma ii dambeysay ayaan ku Cataabay.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted