Hibo bananka ayey fadhidaa maankeedana waxaa ka guuxaayo Hadaladiisii Qurxoonaa, Laabteedna waxaa ku sawiran dhoola cadeyntiisii, ilmadu kama istaageyso, dadkii meesha joogayna, waano ayey la dul taagan yihiin iyo Duco ay u ducaynayaan Hanad.
Muddo ka bacdi, waxaa soo baxay Dhaqtarkii howsha gacanta ku hayay, iyada oo naxsan, ayeyna ka soo hor booday, waxeyna ku tiri:- Doctor see yahay hadda?. wuxuuna ugu jaawabay:- Wuu iska fiican yahay, balse Jug culus ayaa soo gaartay, Dhiig badana wuu ka baxay, waxaana loo baahan yahay, qof dhiigiisu 0+ yahay, si loogu Shubo.
Aniga iga Shuba, ayey la soo booday, balse nasiib xumo isku dhiig ma eysan noqon, isla markiiba waxay si Ar-gagax ku jiro, u wacday, Wiil ay qaraabo dhow ahaayeen, oo ay u sheegtay, in gabar ay Saaxiibo yihiin Walaalkeed uu Shil galay, Wiilkii ayaana dhiigga looga shubay.
Hanad wuu soo ladnaaday, wuxuuna Indhaha kala qaaday, Gacalisadiisa Hibo oo dul taagan, oo Wejigeeda Murugo badan ka muuqato, ma uusan ogeen inuu Shil galay, balse waxaa miyir, iyo wax kala garasho ugu dambeysay, iyada oo Dhoola cadeenaysa oo Gacanta u taageysa oo ku leh, Habeen wanaagsan Xabiibi, hadda wuxuu Indhaha kala qaaday, iyada oo dul-taagan, Murugo fara badana ka muuqdo.
Wuxuu is arkay, isaga oo Sariir saaran, isla markaana uu Xanuun dareemaayo, hadalkuna uu dhibaaayo, waxaana loo sheegay in uu Shil galay, balse uu ka badbaaday.
Hibo oo hadda sidii hore dhaanto, Naxdintiina ka roonaatay ayaa banaanka u baxday, waxeyna u keentay Cabitaano fara badan oo Nafaqada jirka soo celiya.
Habeenkaas oo dhan wey la joogtay, mar inta qoorta qabato ayay Caano Afka u saareysay, marna Dhaqtarka ayay ugu yeereysay, marba wuxuu u baahdana wey qabaneysay iyadoo aad moodo marka uu Ax, dhaho iney la damqaneyso, sidey ugu turayso. Kursiga agtiisa ah sidey ugu fadhiday, ayuu Waagii baryay, iyadoo aan mar quro Indhaha isku qaban.
Maalin iyo habeen wey Dul taagnayd, weyna u Adeegeesay, ilaa dadka qaar ay u maleeyeen, inay ka mid tahay Kalkaalisayaasha Hosbitaalka ka shaqeeya, maalintii ayay yara Seexata, Habeenkii oo dhana wey la joogtaa si ay Wehel ugu noqoto, Xaafadoodiina waxay ugu sheekaysaa iney caawinayso Gabar saxiibadeed Waalaalkeed oo Shil galay.
Maalmo ka bacdi wuu soo bogsaday, dakhaatiirtana waxay u sheegeen in Hosbitaalka laga bixiyo, maadaama uu hadda bogsaday, oo hadda daryeel iyo Xanaaneyn uun u baahan yahay, waxaana la isugu xisaabiyay, Daryeelkii iyo Daawooyinkii la siiyay, waxaana lagu dhahay Lacagtaas bixiya oo Wiilka xaafadda geeya.
Hanad wuxuu ka dhashay qoys danyar ah oo aan weligooda helin Lacagtaas laga rabo, waxayna deggen yihiin meel magaalada ka baxsan Magaalada oo tuulo ah, waxaa hadda la jooga oo ehel u ah waa Hiaboon oo keliya.
Hibo talaa ku cadaatay, meel ay uga tegi karto ma jirto oo waa Gunimo, Qof aad adiga u tahay Wehel inaad ka tagto, daryeelkiisana wey ku daashay, hadana waxaa laga rabaa Lacag badan, oo aysan iyaduna heynin, qof kale oo bixinayaana aysan jirin.
Ugu dambaytii Hibo waxay go’aansatay iney Dahabkeed iibiso oo ugu jira Sanduuqa Hooyadeed. Si ay uga bixiso Lacagta loo haysto Hanad.
Wey ka wal-walsan tahay, Nin aan qabin Mustaqalkana wax uu noqon doono aysan War u haynin, inay u iibiso Dahabkeeda, haddana waxey Nafteeda ku dhiirigelisaa, dartaada ayu u dhaawacmay, waana Maskiin, aad Caawinayso ilaah ayaana kuu Abaal gudi doonee bal ilaah dartiisa Wax ugu qabo, waxeyna isku qancisay, iney Dahabka qeyb ka mid ah iibiso, qeybna ay heysato, si aysan Xaafadu u ogaan.
Hibo waxey aaday meeshii Dahabka lagu iibin jiray, balse Nasiib xumo qiimahii ay rabtay ee laga rabay wuu u gaari waayay Dahabkii, Gabar saaxiibteed ah ayeyna Lacag Amaah ka codsatay, iyadiina wey ka weysay, oo waxba kama helin.
Hibo waxey isku dayday, iney lacag amaah oo ay daawada Hosbitaalka ku bixiso, ay meel uun ka hesho, balse nasiib xumo meel walba oo ay u doontay, wey ka weysay, Ugu danbayntiina waxay go’aansatay iney Xaafadii iyo Sanduuqii Hooydeed ku noqoto oo ay soo iibiso wixii Dahab ah ee meesha ku haray, maadaama aysan meel kale oo ay wax u doonto aanu jirin. Xaafaddii ayey ku soo laabatay, wixii Dahab ahaa oo ay heysatay intey wada qaaday ayey Suuqda geysay, soona wada iibisay.
Dhaqtarkii ayey lacagtiisa oo dhameystiran siisay, isagana waxey u qaaday gurigiiis, oo aysan cid kale la degganeyn, maadaama uu Iskaabulo ahaa, balse guriga waxaa la degenaa Qoys kale oo gurigaba iyagu iska lahaa, isna uu Kiro kaga jiro.
Maalmo kale ayaa bilowday, weli waxey la garab taagan tahay daryel iyo xanaanayn, iyadoo garabka heysa ayay Suuliga geyso, Inta Cuntada u kariso ayey gacanteeda ku siisaa, dharkiisa iyadaa u dhaqdo, daawooyinkana wey siisaa, maalintii oo dhan ayeyna saas u xanaaneysaa, habeenkii lama seexan karto, oo waa Gabar, Sharcigana uma fasaxaayo.
Waxay ku fakartay iney Gurigooda meel u dhaw Qol uga kireyso, si ay halkaas ugu Xanaanayso, Habeenkii Fiidka horana ay ula joogto, Cuntadana ay xaafdooda uga qaado, iyada oo aan Cidna ogayn, sidii ayayna yeeshay, waxayna u kireysay, Guri u dhow, oo ay leedahay Gabar saaxiibo yihiin, oo uu Ninkeeda Qurbaha jiro, wax walbana siduu yahay ayey ugu sheegtay.
Halkaas ayay Xanaaneyn ugu bilowday, oo xaafada ayay si qarsoodi ah cunada uga qaadaa, waxeyna u geysa, wax walboo lacag ah iyada soo galana isaga ayey Daawooyinka uu u baahan yahay, ugu iibisaa, Dhar xataa ma gadato.
Hanad xanuunka waxaa u dheer Murugta iyo Wal-walka ka heysta gabadha. mar walba wuxuu ka fakaraa sida uu Xaal noqon doono iyo waxa uu ugu Abaal gudi doono.
Muddo ka dib wuu bogsaday, wuxuu bilaabay inuu xooga socdo, Rajadii ayaa u soo laabatay, Hibo farxadeedii ayaa sii korortay, maadaama ay arkeyso, iney Guleysatay, Waajibaadkedana ka soo baxday, Ugu dambeyna, wuu bogsaday, isagoo dib u bilaabay.
Hanad Waxbarashadii iyo Nolashiisa kale ee Caadiga, Habeenkii dambe ayuu ku balamiyay, meel ay Asxaabtu ku caweeyaan Hadda waxa uu rabaa inuu u mahad celiyo.
Hibo dahabkeedii Dawada ugu iibisay, wuxuuna soo qaaday Ubax Cas iyo dhowr Hadiyad oo uu uga farxiyay, isagoo weliba dhahaayo Xabiibti wax aan kugu Abaal gudo ma aqaan, balse waxaan Naftayda balan ka qaaday, inaan Qalbigeyga cid kula wadaajin, Naftaydana aan Adiga kuu huro.
Hibo oo Dhoola cadeyneysa ayaa ugu jawaabtay:- Wax walba jacaylka aad i siisay ayaa iiga weyn Aniga.
Waxey uga sheekeysay, Murugadi ay soo martay, iyo sida ay u soo Xanaaneysay, waxeyna tiri:- Adduunka waxaa igu Murugo badnayd maalintan waayay wax kuu Qubeeya, maalintaas waxaa Qalbigeyga ku soo dhacday, inta Sheekh u yeerato igu Meheri ma dhahdaa, si aan Cid kaleba kuugu raadin.
Jawi Farxadeed iyo jacayl dhab ah ayaa bilowday, Maalin iyo Habeen oo dhan waa la wada hadlaa, dhib iyo dheefba waa la qeybsadaa.
Hanad oo jaamacadii wax yari uga harsaneyd ayaa durba dhameeyay, iyada waxey la garab taagnayd, taageero iyo dhiiri gelin maadama uusan waxba heysana isagu waxay ku xisaabtami jirtay, taksigiisa iyo qarashkiisa kale, Maalimtii qalinjibintana waxay u dhigtay Xaflad aad u Qurux badan, maanta waxaa la joogaa Xilligii ay midoobi lahaayeen.
Markii habeenkii la gaaray ayay is tiri Kedis uga dhig, oo gurigiisa oon kaba fogayn ugu tag, si ay jawi deggan oo labadooda ah ugu Hambalyeyso, kalana hadasho Waqtiga guurkooda.
balse markii ay guriga u soo gashay waxay aragtay isaga isagoo aad u Marqaansan oo ay Bac jaad ahi hortaalo, xabad sigaar ahna Afuuufaaya. Naxdin badanaa waa Ninkii ay ku soo daashay.
( La soco Qeybta Xigta).














