Hibo waxey aheyd Gabar quruxdeedu tahay Dhaqan wanaag iyo Asluub wacnaan, Farxadda Nolasheeduna ay dadka soo wada jiidaneyso, Dadka waxey ku soo jiidataa Caqli saliimka ah, dhoola cadeyn iyo Daacadnimo.
Hibo waxey ka soo jeedaa Qoys meel dhexaad ah, Hanti fara badan aan laheyn, balse Qalbiga iyo dhaqanka Qani ka ah.
Waxey is barteen Wiil la yiraahdo Hanad, oo ay ku Qanacday, iyadoo aan wax war ah ka heyn Dhaqankiisa iyo Akhlaaqdiisa.
waayo wuxuu ahaa, Wiilasha xaragada badan, jirkiisuna dhisan yahay, isaguna sidii caadada u aheyd mar walba wuxuu ku dadaali jiray, inuu qariyo, Dhaqankiisa xun, wuxuuna soo bandhigi jiray Wanaaga yar ee uu haysto.
Hibo iyo Hanad, Waxaa la dhex dabaashay, Mowjadahii Jaceylka, iyada oo Habeenkii oo dhan lagu soo jeedo, Sheeko iyo Haasaawe qosol badan. Maalmaha qaarna waxaa lagu kulmaa meelaha dadku ku Caweeyaan, wax aan wanaag aheyna lagama arko.
Hibo waxaa Qalbigeeda ka buux dhaafiyay jaceyl iyo kalsooni, Hanadna sidoo kale waxaa Qalbigiisa ku dhibcay jacayl aad u awood badan, wuxuuna aad ugu Faraxsan yahay, inuu ku guulaystay jaceylka Gabar uu Nin walba jecel yahay.
Hanad ayaa maalmo ka dib ku Qanciyay Hibo iney ku kulmaan meel gooni ah, oo Cidi aan arkeyn, si ay u wada qaataan Jawi faraxadeed, maadama ay kalsooni badan ku qabtay, hadalba kama soo celin Codsigiisa oo waxey tiri:- Haye Xabiibi.
Dhanka kale Hanad, waxaa u qarsoonaa damac kale kaas oo ka weyn kulan keliya, oo wuxu damacsanaa inuu Hibo laabta geliyo.
Habeenkii ayaa leysugu yimi goobtii ay balantu aheyd, iyaga oo ay Wejiyadoodu ka muuqato Farxad aad u weyn, Mid walbana midka kale inta Ishiisa iska ilaaliyo, ayuu hoosta daymo jaceyl ku eegayey, waxaa la bilaabay Sheeko Shuux shuux oo Cod hoose ku baxeysa, daqiiqado ka dib wuxu Hanad bilaabay gacan ka hadal gambasho aan laheyn, balse micna kale xambaarsan.
Sheekadii ayaa sii kululaatay, durba waxaa leysla aaday Hawada Sare, waa Cajiib Hibo waxaad moodaa iney Dhiiqo lugaha la gashay.
Hanad oo baahi badan u qabay jirka Hibo, Indhihii ayaa isku dhegeen Labada dhinacba, in yar ka dib Hibo oo aan Dhaqan xumidaas aqoon ayaa soo booday iyada oo Neef tuureysa, awood badan oo ay isku difaacdana malaha.
Waxay isku dayday inay iska celiso, War iga fuq, oo i daa, ayey ku celcelisay, isagana maba maqlo hadalkeeda, ugu dambeyntii iyada oo Xanaaqsan ayaa Xoog isaga fujisay.
Hibo intey aad u Xanaaqday ayey ku qeylisay, oo Canaan iyo Caay isugu dartay, ayada oo leh, Ciyaal suuqyahoow maxaad sameysay, ka dib inta ay Boorsadeedii qaadatay, oo ay Kabaheeda gashatay, ayey meesha Orad uga baxday.
Habeenkaas la isma soo galbinin, qosalkii iyo dhoola cadaytiina waxaa beddelay Caay iyo kala carar, Hanadna gurigiiba kama uusan soo bixin.
Hibo waxey qaadan la’dahay wixii ay samaysay, maadama Nin uusan weligeed taaban, mar Nafta ayay canaanataa, marna ninkii ay aamintay oo shabaqa u dhigay, ayay Caay iyo Habaar isugu dartaa.
Waa kaligeed, oo waddada iska socota, habenkaa xataa Taksi ma aysan raacin, meel ay socoto xataa isma aysan ogeen, Hibo Xilli dambe ayay gurigoodi timid, iyada oo ka qoomameeneysa, bixitaankii ay ka baxday Caawa, iyada oon cidna la hadlin ayaana Qolkeedii gashay.
Hooyadeed oon uga baran iney Xiligaas maqnaato, iyo Aamusnaanta midna ayaa ku tiri:- Bisinka Hooyo caawa maxaa kugu dhacay?. Hibo Hooyadeed uma jawaabin, oo markii ay qolkeeda gashayba, intey Firaashka isku tuurtay, oo barkinta ay Wejiga saaratay ayey oohin bilawday.
Hibo iyadoo Xaaladaas ku sugan, ayuu soo wacay Ninki Caawa dhibaatada weyn u geystay ee Hanad ahaa, lkn kama aysan qaban oo inta ay ku jartay ayey Block saartay.
Hibo habeenkaas ma aysan seexan, wey sasaysay, isagana marba taleefan kale ayuu ka soo wacaayay, iyadoo aan indhaha isa saarin ayuuna waagii u baryay.
Waxey isku dayeysaa iney is ilowsiiso wax walba, balse waxaa mar kasta Qalbigeeda ku soo dhacaya, iney waddo Xun u furantay, isagiina markuu wicidda ka badiyay ayey dartiisa iska beddeshay Numberkeedii.
Muddo ka dib, Hibo in kasto ay weli xasuusan tahay, haddana xoogaa sidii hore wey dhaantaa.
Maalintii dambe ayaa la soo garaacay Albaabka Xaafada, Hibo hooyadeed ayaa ka furtay, Waa Wiil dhalinyaro ah oo aysan Aqoon u laheyn, Hooyo Hibo ma joogtaa ayuu weydiiyay, iyadana Haa hooyo ayey ugu jawaabtay, iyada oo aan ogayn waxa uu ka rabo.
Xishoodkii Hooyadaa lagu yaqaanay markey gabar gashaanti ah u joogto, ayey u muujisay, durbana Qolkii fadhiga ayey fadhiisiisay, malaha waxay isleedahay, Ninkaan laga yaabo inaad Sodoh u noqotid.
Inta gabadheedii oo Qolka kale ku jirta u tagtay, ayey ku tiri:- Hooyo nin ayaa kuu yimid, kalay u tag. Hibo oo aan Ninkaan xisaabtaba ugu jirin, oo aan u maleeneynin inuu gurigooda imaan karo, ayaa soo kacday, Waa xaqiiq inay is weydiinaysay tolow waa ayo Ninkan Xaafadda imaaday ee adiga ku rabo? tolow ma dhalintii aad isku Fasalka ahaydeen baa?
Markii ay Qolkii soo gashay, waxey Indhaheedu qabteen, Ninkii ay Numberkeeda dartiisa u bedeshay, oo ay Ciilka u qabtay, oo gurigooda dhax fadhiya, yaab badanaa balaayada maxaa keenay guriga ?.
( La soco Qeybta Xigta).












