Odayaashii Labada dhinac wey wada hadleen, oo si adag ayaa loo xaajooday, Maryan Aabaheed wuxuu yiri: Gabadheyda Ninkaas dib ugu celin maaayo, waayo waa Nin waalan oo wuuba iga dilaa gaaray.
Ugu dambeyntiina waxaa lagu heshiiyay in Gabadha Xaal iyo xumayn laga siiyo Af-xumadii loo geystay, xaafadodana ay iska joogto, bal inta laga heshiinaayo.
Hanad oo ay Ceebtii oo dhan ku cadaatay, oo xaaskiisa aan heynin, xoolana aan heynin oo iyada Xaal loo siiyay wuxuu isaga hayayba ayaa Ciil is heyn waayay, sidii Ruux waalan ayuu habeen iyo dharaarba bilaabay inuu iska wareego, isagoon is ogeen oo Miyirkii iyo maankiisiiba ma joogo.
Maalmo ka bacdi ayuu Maryan soo wacay, wuxuuna u sheegay inuu ka hayo Videow, ah iyadoo qaawan, isla markaasna haddii ay u soo noqon weydo uu faafinaayo.
Markuu la hadlaayay ee uu waxaas ku lahaa waxa la joogay oo Codkiisa maqlaayay, Aabaheed iyo Walaalaheed. Arintii ayaana yaab ku noqtay, cidna umeyan sheegine, Laba Wiil ay Maryan walaalo yihiin ayaa habeenkii baxay, waxayna aadeen gurigiisii, Wax walba Maryan ayaa u sheegtay, waxayna soo heleen, Laptobkii iyo Agabtiisii falaashka iyo wixii oo dhan, weyna soo qaaten, isagi oo markaas Xaafada soo galayana inta qabteen, ayay taleefankii ka qaadeen, waxeyna u sheegeen iney maanta maqlayeen, waxa uu ku lahaa Maryan, iyada oo duubana ay hayaan.
Wey heleen Videowgii uu ugu hanjabaayay, isaguna waxba ma sheegi karo oo haddii ay Odayaashiis maqlaan Gabadha sidaas ayuu ku yiri, weyba dilayaan, sidaas darteed wuu iska aamusay.
Ugu dambeyntiina wuxuu go’aansaday, inuu ka aarsado, Ninkii saas u galay, oo uu Nafta dhaafiyo, isna haba la dilo markaas.
Habeenkii dambe ayaa inta Laba tooreey soo iibsaday, ayuu guntiga too gashaday, wuxuuna, soo fadhiistay, Hotelkii uu deggenaa Ninkii Maxamuud ahaa ee kala wareegay Naagtiisa, balse wuu ka guuray, oo Hotel kale ayuu u guuray oo degay, Ugu dambeyntiina wuxuu raadiyo Hotelkaasi, wuu soo helay Hotelka uu deggen yahay Maxamuud.
Xilli fiidnimo ah, isaga oo Maxamud banaanka iska fadhiya, laakiin feejigan, oo ay Maryan u digtay, ayuu soo gaaday, dhabarka intuu kaga imaaday ayuu Naaska korkiisa tooreydii kala dhacay, Shuq, aah aah, Cabaad iyo qeylo ayuu isku daray, isaga oo leh, Dhimo, Dhimo, dadkii meesha joogay ayaa soo yaacay oo ka qabtay.
Maxamuud oo dhawr meelood tooreyda laga geliyay, ayaa Hospitaalka loola Cararay, isla markiiba waxaa meesha soo gaaray Booliskii, Hanad inta la jir dilay oo la jeebeeyay ayaa Xabsiga loo taxaabay.
Hanad Xabsiga ayaa loo taxaabay, waxaana lagu soo oogay, Kiis isku day dil ah, Ninkii Maxamuud ahaana wuu ka diiday Odayaashii Hanad xaggiisa ka socday in Hawsha Xeer iyo dhaqan lagu dhameeyo.
Ugu dambeytiina Hanad waxaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi ah, ilaa iyo maantana Xabsigii ayuu ku jiraa, Gabadhii Maryan aheydna maxkamadda ayaa ka Fasaqday, maadaama ay Nafteeda uga Cabsatay Hanad, Ugu dambeyntiina waxaa Maryan guursaday, Saaxiibkeedii ay aadka u jecleyd Maxamuud.
Gabadhii Sharafta iyo Maamuuska badneyd ee Hibona Ganacsigeeda ayuu Alle u barakeeyay, Nolasheeda iyo tii Qoyskeedana way ku filnaatay, Aakhirkiina waxey u guurtay ooy degtay Xaafad kale, si ay uga reysato, Af-xumadii iyo dhega hadalkii joogtada aheyd ee ay Dadka kala kulameysay,
Haddaba, muddo dabadeed Hibo oo Baqdin aad u weyn ka qabta jaceylka, isla markaana aaney jirin Cid ay ku Amini karto nafteeda, ayaa waxaa jaceyl u soo bandhigtay, Wiil ay Axsaab ahaayeen, oo la yiraahdo Muxsin, balse kama eysan Aqbalin oo wey la yaabtay, maxaa yeelay Ereyga jaceylka la yiraahdo ayey Sas ka qaaday.
Haddaba, Muxsin oo ahaa Wiil aad u Caqli badan ayaa isku dayay, inuu u sheego ineysan Raggu isku mid aan ahsyn, wuxuuna dareensiiyay, in Qof iyada Nolasheeda soo xumeeyay, aysan Mustaqbalkeda Cabsi ku abuurin.
Wuxuu dareensiiyay in qofku haddii uu mar dhib soo maro, inaanay aheyn inuu Guurba ka quusato.
Wuxuu dareensiiyay Hibo in ay tahay gabar yar oo Xaq u leh iney hesho Qoys tayo leh.
Wuxuu kale uu Hibo dareensiiyay, in la soo imtixaamay, balse Maanta ay taagan tahay, Xiligii wanaag lagu Abaal marin lahaa, ileen imtixaamkii wey ku soo guuleysatay.
Ugu dambayn Hibo wey ka Ogolaatay, waxeyna wada dhisteen Reer jaceyl, Diin, Ixtiraam iyo kala dambeyn iyo Is faham ku dhisan.
Iyada oo ka sheekayneysa nolosha ay ku jirto, waxey tiri: “Alxamdulillaah, Aniga iyo Ninkeyga sida saaxiibada oo kale ayaan u sheekeysanaa, weligay waxaan iraahdo igama diidin, mar walba uu arko anoo Xanaaqsan Lugaha ayuu iga dhunkadaa, xataa hadaan Aniga qaldanahay wuu i raali geliyaa, saan u guursaday, kaligey Shaqo ma qabto, waxaan dareemay inaan hadda helay Lammaane nololeed oo dhab ah, Allow adaa Mahadaas iska leh, oo Dhibaatadeyda iigu Abaal guday Farxada aan Maanta ku jiro”.














