Hanad iyo Xaaskiis Maryan, taleefanadii wey demiyeen, si ay uga nastaan Buuqa ama wicitaanka badan ee Asxaabtooda, waxeyna ku aqal galeen ama ay Toddoba bax u aadeen, magaalo Bilicsan oo dalxiis loo tago, isla markaasna loogu tala galay Lamaaneyaashu iney waqti ku qaataan, gaar ahaan Xilliyada Aroooska.

Waxey soo wada qaateen Todobaadkii ugu Quruxda iyo Farxadda badnaa nolashooda.

Hanad iyo Maryan Wax war kama hayaan, waxa dhacay iyo in gabadhii Hibo ay Uur yeelatay midna.

Hibo iyada oo baaba’day, oo is nacday, Nafteedana aan waxba ku faleyn ayaa loo qaaday gurigoda. Hibo gabar sumcad iyo Sharaf leh, ayey ahayd, hada diif iyo dandaro ayaa ka muuqda wejigeeda, waxana uga sii daran dhega hadalka iyo Af xumida, lala soo ag fariisanaayo.

Aabahed ayaa howshii galay, sidii Caadada Soomaalida ahayd, wuxuuna u xaajo dhigtay, Odayaashii kale ee Wiilka Hanad Adeerada u ahaa, arrintii ayuuna u sheegay.

Odayaashii arintii ayey uga tacsiyadeeyeen, ka dibna waxey si habsami ah u wada gorfeeyeen Arrintii. Intaas ka dib waxey u sheegeen inuu Hanad, Aroos ku jiro, oo arintaan waxba uusan ka ogeyn, wuxuu dhihi doonana eysan war u heynin, balse waxey yiraahdeen sidii Caadada soomaalida ahaan jirtay, marka hore Xaal iyo Xumeyn ayaan bixineynaa, Marka xigtana Wiilka iyo Gabadha ayaan isku dareynaa oo aan isku Astureynaa.

Tolkii iyo Odayaashii waxey yiraahdeen, anagaa Gabadha biileyna, Gurina u dhiseynaa, waa gabadheenii, waa Gabar tol, taas kale isaga ha Wato.

Hibo Aabaheed arintii ayaa aad loogu qanciyay, wuuna ogolaaday Odayaasha taladood, Gabadhiisa Hibona waxba uma shegin, oo iyada hadalba uma banaano, xataa haddii la dhaho waa lagu Dili, wey ogoshahay.

Hanad oo Arooska ka soo baxay, ayey Odayaashii, u gogol dhigteen, arintiina u sheegeen.

Hadalkii Odayaasha markuu maqlay, wuu isku xanaajiyay, wuxuuna yiri:- Gabadhaas weligeey waxaan Salaan aheyn nama dhex marin, jirkeeda ma taaban wey i nabeysaa, oo Sharafteyda ayey igaga Ciyaaraysaa.

Hanad waxaa kaluu sheegay iney tahay Hibo Gabar ay dhalinyarada yaqaanaan, oo xumaan lagu xaman jiray.

Odayaashii markay maqleen hadalkaasi way yaabeen, waxaa kale oo la xumaatay Gabar la wada yaqaano xumaanteeda iney Wiilkooda ku daraan, isagoo Oohin iska keenaya wuxu yiri:- Gabadha sidaas i masabidatay ii gala garteeda, oo Maxkamad ii saara, waayo ilmo aanan fhalin ayaa la ii saarayaa.

Odayashii ayaa ku noqday Hibo Aabaheed, waxeyna ku yiraahdeen:- Wiilkii wuu iska bari yeelay Arrintii, wuxuuna yiri:- Wey i masabidaneysaa gavadhaas shaqo kuma lihi, Xaal iyo xumeyn ayaana ku siineynaa sidii Caadadu aheyd, maadaama oo ay sheegatay Gabadhu laakin Uurkaas anagu ma lihin.

Hibo Aabaheed wuxuu ka xumaaday, arinta uu kala kulmay nimankaas, lama murmi karo, lamana doodi karo, oo Odayga Sumcadii baa dhulka ka taala, waayo gabadhiisi ayaa Uur aan la ogeyn, oo la isku tuurtuurayo sidda, wuuna ku qasban yahay inuu Aamusnaanta iyo Xishoodka maciinsado.

Isaga oo wejigiisa hoos geynaaya, Murugna ay ka muuqato, ayuu yiri:- Gabadha anaa dhalay, ilmaheedana waa keyga, anaa korsan, waxba idinkama baahni, wuuna iska tagay.

Hibo waxaa wax walba uga xanuun badnaaday, markay, ogaatay Hanad inuu soo xumeeyay, uu ku Inkiray Uurka.

Dadka soomaalida ahi, wax ma fahmaane, kolkey maqleen in Gabadhii Hanad uu ku inkiray Uurka, ayey maalinba Laba islaamood ayaa inta u yimaadaan ku yiraahdaan:- Eedo bal Nin kale oo kuu tegay soo xasuuso, ileen ilmo Abtir la’aan ahi ma fiicnee.

Sida iyada oo Hibo ahayd Bali biyood oo laga wada cabbo, Hibo markey u adkaysan weyday, hadaladii Xanuunka badnaa ee sida joogtada ah loogula hadlaayay iyo Murankii waalidked ayey go’aansatay, iney Wacdo Hanad, oo ay ka codsato, inuu Oggolaado ilmahu inuu isagu dhalay, balse guurkeeda uu diido, ugu yaraan si ilmaha waa ina hebel loo dhoho, isla markaasna looga yareeyo dhega’ hadalka faraha badan ee lagu hayo, xataa ilmaha biil kaama rabo oo anaa korsanaaya ayey ku tiri.

Balse isaga oo aad isku xanaajinaya, ayuu Caay iyo Aflagaado ku canaantay, Gabadhii sida sharafta leh u xanaaneyn jirtay.

Bal fiiri maanta waxay baryeysaa iyada oo ilameynaysa, isaguna uu u Aflagaadeynayaa inuu ilmaha isagu dhalay sheegto oo keliya, Ninku waa Abaal laawe aan Arxan laheyn.

Duruufahaas adag, iyo Xaaladahaas Qalafsan Hibo waxay ka dhigtay qof kale, Cashar adag oo nolasha ahna way u noqotay, waxey is weydiisay, yaa kuu maqan horta?, Oohintase maxaa kuugu imaan?, Naftaada inaad Ciqaabto, maxaa faa’ido ah oo kuugu jirta ?.

Dadkaan ku dhibaaya, Xaqiiqada miyay Ogyihiin?, haddii ilmo Alle ku siiyay, Korso oo towbad keen?, Qofna shaqo haku darsanin, ayey niyadeeda iska tiri.

Hibo waxey go’aansatay iney sameyso isbeddel Nafsi ah, oo aysan Nafteeda intaas in ka badan sii Ciqaabin, dhowr Usbuuc ayeyna seexan oo ay Allaah SW, baryeysay iyada oo Ooyeysa.

Hibo iyada oo sidaas u Cibaadeysaneysa ayey dhashay Wiil, waxeyna u bixisay Cabdiraxman.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted