Haboon Argagax iyo Anfariir ayaa la soo deristay, iyadoo jareyneysa oo Wadnaheeda garaaciisa banaanka laga maqlaayo ayey taleefankiisii wacday, balse wuu xiran yahay, haddana waxey u wacday Wiil ay saaxiibo yihiin, Salaan ka dib wuxuu ku yiri:- Hibo Saaxiibkaaga wuu guursaday, wuuna Aqal galayaa Caawa Insha Allaah, maalin hore ayuu ii sheegay, inaad kala hagteen, wuxuuna igu yiri Gabadhaaas Hibo ah Saaxiibo ayaa nahay Aniga, balse wax jacayl ah managa dhaxeynin, waana gabar aad u fiican oo sharaf leh, aad ayuu kuu Amaanaayay.
Hibo Hadalkaas markey maqashay, ayaa wadnihii Qarxi gaaray, Garaaca wadnaha ayaa Cirka isku shareeray, Madaxa intuu wareeray ayey jilbaha dhulka ku dhufatay, markaas ayaa miyir ugu dambeeyay, dhaqtarka ayaana loola cararay.
Xilli dambe ayey soo kacday iyada oo dhaqtarka taala ayeyna is aragtay, waxey dib u celisay xasuusteeda, iyada oo is leh, tolow wixii ma Run bey ahaayeen, mise waa Riyo.
Ilaahaw Riyo ka dhig ayey qalbiga iska laheyd, marna waxey isleedahay, miyaad waalatay, maxaa kugu dhacay, Maskaxdaadu ma deggena miyaa, Riyo iyo Cadaan miyaad kala garan la’dahay.
Hibo weli baaritaan laguma sameyn oo dhaqtarkii ayaa maqan, lkn kuwii Gargaarka degdegga ayaa Arrinteeda ku mashquulsan, oo si habsami ah u gudanaayo waajibkooda inta uu dhakhtarku imaanayo.
Hanad Caawa wuxuu isku diyaarinayaa Aroos uu la galo Maryan, oo iyaduna soo qiyaantay, Nin dhawr sano ay lacagtiisa cuneysay.
Mustaqbal ifaaya iyo Qoys jaceyl ku dhisan, ayey arkaan, wax walbana Ciyaar ayuu la yahay, Aroos qurux badana wey diyaarsadeen, habeenkii Arooska ayuu Asxaabtiisi oo dhan ku wada Casuumay Arooska, wuxuu iyadana Casuumay gabadhii uu gurigooda deggenaa, markuu dhaawaca ahaa ee Hibo ay ku heysay.
Gabadhii la Casuumay wey qaadan weyday, waayo waxey ogayd jacaylka ka dhaxeeyay, Isaga iyo Hibo, iyo Rafaadka ay la soo martay, markiiba waxey u wacday Hibo, waxaana loo sheegay iney dhaqtarka taalo Intey soo carartay ayeyna dhaqso u timid.
Inta Sariirtii ay ku jiiftay, dhinac kaga fariisatay, ayaa waxay ku tiri:- Huuno jaceylkaagii aad saan arkay u soo dhaqaaleysay, ayaa iigu yeeray Arooskiisa, ee see wax u jiraan, ileen Nin Abaal ma leh. Hibo intaas markay maqashay, ayey inta mar labaad jilbaha dhulka ku dhufatay, Kooma gashay.
Dhaqtarkii oo jooga, ayaa baaritaan degdeg ah ku sameeyay, Xaafadu wey ka naxsan yihiin, xanuunka ku soo booday Hibo, waaayo xaalada lama socdaan.
Jawaabtii ayaana la wada sugayaa, isaga oo Ehelkii iyo Asxaabtii ay meesha wada fadhiyaan, ayuu dhaqtarkii soo baxay oo yiri:- Hambalyo Gabadha Uur ayey leedahay oo waa Xaamilo, ee ka ilaaliya murugada iyo Shaqada. Dadkii meesha joogay, markey maqleen, Hambalyadii dhakhtarka ayey Amakaag iyo Argagax ku noqotay, Hooyadeed oo meesha joogtay, ayaa naxdin awgeed Indhaheedii illin ka soo daateen, dhulkii ayaa la gariiray oo Adduunkii ayaa ku Ciriiriyoobay.
Oohin waxba tari meysee Dadkii meesha joogay ayaa Hooyadii Qalbiga u dhisaaya oo leh:- Hooyo Hibo waa ilmo yar, wey qaldantay ee iska samra, ilaahey Caruurta ha inoo hagaajiyee.
Kuwa kalena waxey leeyihiin, Hooyo is Deji waxaa laga yaabaain la Mehersaday Hibo, yaan la degdegine, bal Wax hala hubsado.
Hibo jaceylkii iyo dhaawaca wey ilowday, wax walba waxaa uga darnaaday, ugana Xanuun badnaaday Sumcad xumada ay u soo jiiday labadeeda Waalid Hooyo iyo Aabe, iyo sida ay ugu Tiir iyo Tacab beeleen, waxeyna is leedahay yaa naftaba kaa qaada, Hibo iyada oo ka sheekeneysa Maalintaas sida ay noqotay waxey tiri:- Geeridu wey ii fududeyd, waxaan islahaa ileen Dadka is dilaa dhibkaan oo kale ayey arkeen, waxaan ka fekeraayay, si ay naftuba ii deyso, waxaan is lahaa yaa ku dila maalintaas, haddii aan ogaan lahaa meel nafteyda aan ku waayi karo anigoo aan is dilin waan aadi lahaa.
Gabadhii saaxibadeed ahayd oo ay wax walba u sheegtay, ayaa tiri:- Gabadha Nin ayaa si xun u galay, Qisadii ayeyna uga sheekaysay dadkii, waxeyna tiri:- Hibo mar ayey qaldantay, 1000 marna wanaaag ayey samaysay ee ilaaliya.
Aabaheed oo meesha ka maqnaa, ayaa soo gaaray, markuu saas u soo galayba wuxuu dareemay iney wax is beddeleen, maxaa jira ayuu yiri, si Calaacal ah ayaana Mashaqada meesha ka dhacday loogu sheegay.
Inta uu Naxdin la gariiray, ilmaduna ay sida Roobka indhihiisa uga soo daateen.
( La soco Qeybta Xigta).














